Raysal wasaaraha oo ka hadlay arinta mideynta reeraha Soomaalida

41

Ka dib markii la sheegay in ay qaadan karto 1 sano oo kale in dowlada ay wax ka badasho sharciga hortaagan arinta mideynta reeraha Soomaalida ayaa Raysal Wasaaraha Sweden Fredrik Reinfeldt wax laga waydiiyay arintaas. Raysal wasaaraha ayaa sheegay in ay arintaan la mid tahay arimaha kale ee u baahan sharci badalida sidaa darteedna ay qaadan karto waqti.

Xisbiyada kale ee ku jira baarlamaanka sida Social Demokraterna iyo dhamaan xisbiyada kale marka laga reebo Cunsuriyiinta SD iyo Xisbiga Moderatka ayaa ku tala jira in isbuucyada nagu soo aadan ay baarlamaanka soo hordhigaan mooshin ku saabsan arintaan.

Arinta mideynta reeraha Soomaalida ayaa maalmihii u dambeeyay waxaa si weyn loogu soo qaatay warbaahinta Sweden qaasatan telefishinka TV4 oo wax ka waydiiyay arintaan qeybaha kala duwan ee siyaasiyiinta Sweden.

Xisbiga Social Demokraterna ayaa ku soo biiray dooda ku saabsan arintaan isagoo Fredrik Lundh Sammeli oo ka tirsan xisbigaas uu sheegay in haddii aysan dowlada arintaan wax ka qaban loo baahanyahay in Baarlamaanka uu wax ka qabto.

Fredrik Federley oo ka tirsan xisbiga Centerpartiet ayaa sheegay in ay sida ugu dhaqsiyaha badan arintaan wax uga qabanayaan uuna filayo in waqti dhow la xalin doono arintaan.

Sidoo kale Emma Henriksson oo iyadana ka tirsan xisbiga KristDemokraterna ayaa sheegtay in ay filayaan mooshin ku saabsan arintaan in la hor keeno baarlamaanka.

Caqabada keliya ee hortaagan xalinta arinta Soomaalida ayaa hada u muuqata in ay tahay xisbiga Moderatka oo keliya.

 

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here