Raysal wasaaraha Sweden iyo marwadiisa oo kala tagay

Raysal wasaaraha Sweden Fredrik Reinfeldt iyo marwadiisa ayaa ku dhawaaqay in ay go’aansadeen in ay kala tagaan waqti aan la cayimin.

War saxaafadeed ka soo baxay xafiiska raysal wasaaraha oo loo diray warbaahinta Sweden ayaa lagu sheegay in Raysal wasaaraha iyo xaaskiisa Filippa Reinfeldt oo madax ka ah goloha deegaanka ee magaalada Stockholm ay go’aansadeen in ay kala tagaan.

Warsaxaafadeedka ayaan lagu sheegin sababta ka dambeysa kala taga reerka hogaamiya Sweden iyo in ay si rasmi ah isku furi doonaan.

Labada lamaane ayaa ah dad siyaasada si weyn magac ugu leh iyadoo raysal wasaaraha ka sagoow ay xaaskiisa ilaa 2006 hogaanka u haysay golaha deegaanka Stockholm. Lama filaayo in arintaan ay wax saameyn ah ku yeelato sumcadooda siyaasada.

Lamaanaha ayaa isguursaday sanadkii 1992. Furiinka ayaa ah dhibaatooyinka ugu weyn ee ka dhex jira bulshada Sweden iyadoo la sheegay in kala bar inta isguursata ay isfuraan.

Faafi mowduucaan

Jimcale

Asc ku soo dhawaada Somaliska.com. Waxaan rajaynayaa in aad ka faa'idaysateen mowduucaan isla markaana aad fikrado qiimo leh ku darsan doontaan. Xumaan, qabyaalad, aflagaado iyo arimaha siyaasada Somaliya waa ka manuuc halkaan. Fadlan aan iscaawino oo su'aalaha qofkii jawabaha haya dadka ha u faa'ideeyo. MAHADSANIDIIN!

Akhriso mowduucyo kale oo xiiso leh...

17 Responses

  1. Cadan says:

    Way ku macdahaay imisa reer u kala geyay soomaali ah . Ilmaha xaqooda kaso baxay . Kala tagay oo ka irdooba ale mahadis

    U codee: Thumb up 2 Thumb down 4

  2. brave-man says:

    xalka kaliya ee jira waa furiin hadii labada qof eey heshii waayaan , !!

    U codee: Thumb up 4 Thumb down 0

  3. C/k says:

    Soomaaliska waan nacay waa maxay daaha uu soo celiyey.

    U codee: Thumb up 2 Thumb down 0

  4. haykal says:

    kala taga maheee mashriq iyo maqrib kala taga gaalo yahay galadu dhashay

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 2

  5. hodan says:

    haykal kkkkkkkkkk
    maxaad umada ukala kaxeeyneeysaa labadii calafkooda kala dhamaado ma is heeynayaan furiinkuna waa xalka alah na siiyay

    U codee: Thumb up 2 Thumb down 0

  6. Ayuub says:

    Dad xalaal isku qabay ma taqanaa, gaal maa furiin yaqaan
    najaazadaba iskama dhaqee uf is furaa tiriyee dhulgariirna ilaahey idiin keen labadiina.

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 2

    • Abdulkadir Abdi says:

      walaal dhulgariirka habaarka haku soo darin maxaa yeelay dad badan oo aan denbi lahayn ayuu saameynayaa iyagana dembi kaama galin dhaqanka islaamkana kama mid ahan in masiibo laysku habaaro rasuulku wuxuu yiri ka dhowrsada fidno aan asiibeynin oo kaliya dulmilowga ee dhamaan idin saameyneysa marka hadaad dagan tahay iswiidhan waxaad dhul gariir ugu barido ma garanayo

      U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  7. karlstad boy says:

    odayga bidaarta dheer **** wuu ka dhegay ee habarta ani ha la ii keeno anaa ku dhex marqamaa oo ciyaarsiiinaaayo viba islantas la furay anoo hello iigu duceeya aqyarta

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 1

  8. waaye says:

    C/k waaa maxa calaacalka soo shalay ma dhehee lacagta ha la iska bixiyo maa iska bixisid doqonoow wa adi dhahayay lacagta service ayaa lagu qabanaa hada cabadayo bixi heee doqonow lacagta

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  9. nasra says:

    kkkkkkkkkkkkkk is fura dheh waba isku rageen 1992 ilaa hada kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  10. nasra says:

    walaalayaal caytintu waa ceeb wargayskuna waa wargayskayagii somaaliska.com maka xushmad iyo xishood ha jirto allana aan ka baqno gorkasta iyo meelkasta mida kale galkan alaa aburtay nimcadana siiyeey hadu dono ale ilbiriqsi ayuu ka sulin karaa arlada maka macno wayn ayaa ku jira dhulkiisana anagaa usoo hajirno ugu nimi meqa somali ah oo muslin ah aa bada ku maqan ayagoo usoo haajiraya swedan walaalayaal itaqulaaa hadaan xaqa alle ka soo baxno imtixankaniba naguma dhaceene

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  11. mandeeq says:

    qofkastaa gaal iyo muslimba wuu jecelyahay in uhaystoo labanahiise maxa ukalaa ukala buraysaan haa iska ceeshaane

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 1

  12. nafiso says:

    asc walalayal ninka wataaa magacaa ayuuub wall dhuulgariir haa naguu ridin illah noma keno sabbto ah hadaa galo le inkartaay wall meqo muslin ah ayaa kuu nol illahow wxaa nagaa heyso haa naguu soo deyn yaaaa rabiiiii afkena ayan kuu radsaneyna masibadaa ad nagaa heyso yaa rabii nagaa qabo wadankenana nabad noga dhig

    U codee: Thumb up 2 Thumb down 0

  13. abdir rahman sh. dahir osman says:

    waxii kala tagay waqtigoda aya dhamaaday marka xumaan iyo aflagaada ha la joojiyo waa ceeb xumaan ha ii arkina maxaa yeelay waxaa nahan dad aqalaaq leh marka hadii ey kala tagan wax murug ah nagu ma yeelaneyso marka yaa la fududaanin walaashena sasra waxa ey shegeysa wa run caayda waa ceen mana haboono

    U codee: Thumb up 2 Thumb down 0

  14. Khadija says:

    Waxan ahaa wehel la’aan intii aan Sweden ku noolaa oo dhan. Odageygiina wey ii keeni waayeen marka aad iyo aad ayaan usoo dhoweynayaa in maanta uu dhibaatada wehel la’aanta ila qeybsado ra’iisal wasaaraha wadankan kaftan.com kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 1

  15. Lajecel says:

    Mycket tråkigt,men jag kan förstå.
    Ett liv i offentligheten kan inte vara lätt med allt som händer.
    Önska dem båda lycka till.

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  16. Lajecel says:

    De verkade alltid så lyckliga och var ett mycket stiligt par. Hoppas de hittar tillbaka till varandra.

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0