Raysal wasaaraha Sweden iyo wasiirka arimaha dibeda oo ka qeyb galaya shirka London

Shirkada looga hadlayo arimaha Somalia ee khamiista 23 Februari ka furmi doona magaalada London ayaa waxaa ka qeyb gali doona madaxda ugu sareysa dowlada Sweden.

Raysal wasaaraha ingiriiska David Cameron ayaa casuumad u fidiyay raysal wasaaraha Sweden iyo wasiirka arimaha dibeda in ay ka soo qeyb galeen shirka heerka sare ah ee looga hadli doono arimaha Soomaaliya.

Raysal wasaaraha Sweden Fredrik Reinfeldt ayaa ka hadli doona shirka oo ka soo jeedin doona qodbad ku saabsan xaalada Somaliya. Dowlada Sweden ayaa sheegtay in ay aamisanyihiin in sanadka 2012 uu noqon doono mid si weyn wax uga badala xaalada Somalia.

Shirka London ayaa waxaa sidoo kale ka qeyb gali doona madax ka socota inta badan Yurub, Turkey, Qatar iyo Hillary Clinton oo ka socota Maraykanka. Waxaa sidoo kale imaan doona Ban ki-Moon.

Faafi mowduucaan

Jimcale

Asc ku soo dhawaada Somaliska.com. Waxaan rajaynayaa in aad ka faa'idaysateen mowduucaan isla markaana aad fikrado qiimo leh ku darsan doontaan. Xumaan, qabyaalad, aflagaado iyo arimaha siyaasada Somaliya waa ka manuuc halkaan. Fadlan aan iscaawino oo su'aalaha qofkii jawabaha haya dadka ha u faa'ideeyo. MAHADSANIDIIN!

Akhriso mowduucyo kale oo xiiso leh...

12 Responses

  1. kenya says:

    NIN BUKOOW BOQOLI KUU TALISAY ALAHAYOW WADAN KEENA NABAD NOOGA DHIG AMEN

    U codee: Thumb up 2 Thumb down 0

  2. Lajecloow Mohamed says:

    Soaal aan idin weydiiyee waxgaradka soomaliyeed aan aniga ugu yarahay shir hal maalin oo wadan dhan loo qabanaayo wali masoo maray dunida adinko tariiqda baaraayo????? that’s my question?
    waxaan leeyahay shir maaha ee waa calooshood u shaqeystayaal la isku wacay oo soomaliyaa matashaan lagu yiri larabana in laga saxiixo waxyaabo halis ku ah diinta dalka iyo dadka dhagar walboo gaal dhigana alle fadligiis ayaga iyo inta maleegto ay ku noqotaa waxaan rajeynaa dad badan oo ceebeysna awalbo ceebtooda in alle banaanka keeno INSHA ALLAAH

    U codee: Thumb up 2 Thumb down 3

  3. Abubakr says:

    Aamiin maxamed, horta waa runtaa wax mudo 20sano lagu qaban wayay maalin laguma qaban karo teeda kale, aniga waxaan qabaa shirkan inuu yahay shirqool iyo in Somalida usoo iftay ifiitn horumar ah oo yimid Ilahay xagiisa ka sokow dowlada Turkiga oo qabatay wax aanay qabanin umadaha aduunka inta uu Somalia bur burka ka jiray, waxay is tuseen cadowga Somaliya iney ay Turkiga wax weyn ka bedeli karto. si taas looga hortago ayaa Somaliya waxaa loo jeediyay meel kale si ay u ilowdo Turkiga waxa ay u qabteen iyo wax ay ku taahayso inay Somaliya u qabato. haday Dowlada Turkiga ka ahaan leheyd inay ISlaamnimo wax ugu qabatay ama ugu qabaneyso Dadka iyo Dalka Somaliya danaheeda gaarka ah. marka Somali meel ay u socoto Ilaahaa og Ilaahoow meel kheyr qabto ka dhig inshaa alaah.

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  4. MACOW says:

    Asalaamucaleyku dhamaan walaalaha xiiseeya somaliska.com. Run ahaantii waa wax lagu farxo ama wax fiican in ay Soomaali hishiiso oo ay danahooda iyo dhibaatadooda wada xaliyaan, Laakiin waxaa su,aal ah Waa maxay waxa loogu kala cararaayo Soomaaliya Aduunka oo dhan, Carab, Yurub iyo Mareykan.
    Ma Patrol ayaa lagu sheegay mise Dahab Arinta waxa ka weyn. Maxaa qasbay in Soomaalida shir dibeda loogu Hishiisiiyo ? ma xal baa ?
    Ilaahoow Gaalada naga qabo wax qeyr kama soo socdo danahooda oo keliya ayay fushanaayaan ee ma aha wax anaga dan inoo ah.
    Waxaan Noqonay Afgaanistaan oo kale oo, Shirkaan Xitaa looma qaban Liibiya iyo Ciraaq, Mise waxaa noqonay NEW SOMALIA…

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  5. Khadija says:

    Waxan Alle weydiisaneynaa inaan wax na dhibaa nooga soo bixin. Saadaasha xumina maaha wax fiican ee Allahayow soomaali xafid oo iney iyadu is aqbasho garansii ileyn wax kastoo la keeno wax iyada isu dhaama weligeed lama helaayee.

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  6. Umma Anaas says:

    asc somali weeyn hadaaaan ra yiigeygaa kaa dhiibto halkaaaan anigooo magaacaaaa hooyooyinkaa kuu hadlayooooo waxaaan qabaaaaa shiirkaan laaa qabanayooo waaa iftiin noo ifaaaay sababtoo aaah ragiii somaliyeed wax xal ah eey noo hayan maa lahaan 21 sano ayan dhiib kuu jiranaaay caruurtinaa laa laay hoyanaa waay rafadaay markaa waxaan allee kaa tugeynaaa in sidii niyadeynaa ay jeceshahay allee noo yeloo daneystana dhaxdenaa kaa baxo amin ilahayow aminn ilahayow amin sanjecel nahay noo hay yaaaa rabiiiiiii

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  7. Soomaali-Wayn says:

    Waaaaaaaaaaw Wa Sooooooooooomaaaaliyeeeey!!

    Wallee Lax dhukan Abaar moog :- War arintu sidaa moodeen maahan !!

    Waxaa lagu dejinaa Qorshe GUMAYSI oo Dib nagoolo celinayo 51 sano !! Waxaa Dalka Xukunkiisa qabanaya Ingiriiska iyo Talyaaniga , qofna ma mooga wixii na dhex maray !! David Cameroon iyo Baarlamaanka UK waxaa dhalay Gumaystayaashii Dalkeena Sayidka ku dhex maray dagaalka , sida Ricard Cofield ( Koofil ) , Aabayaasheen iyo aabayaashood wixii dhex maray waa qoranyihiin – ee waa inaga waxa gabanay dantoodii , David Cameroon weli jidkii aabayaashii ayuu haayaa

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 1

  8. Abdirizak sheikh abobakar says:

    Waa salaamantihiin dhamaan somliyeey meel waliba aad joogtaan haddii aan ka hadlo fikradeeyda shirka ka dhicidoono london waxaan dhihilahaa waxoo noqon doonaa midka ey somalia uga bixi laheed dhibka iyo qalaasyada rajadeeyna wali kama quusaheeyno allane ha nooga dhigo midkii lagu faa iidayy.

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  9. umu hani says:

    mahma somaliyeed ayaa dhaheyso ninkii tashan waayo waa lotalina marka 21 sano ragi somaliyeed hadey ku heshiin wayen wadankodi qimaha badna manta mesha maba iga muqdan waxan uga hor imado shirka londan calankan iyo wadankan rag ayaa u huray naftoda iyo malkoda mantana rag ayaa ku ciyaray alle ayaan ka sugeyna wax wanagsan oo soomaali weyna dan u ah inshaa allah

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  10. HASSAN KAAMILL says:

    Asc

    shirka london waxa kaso baxaa waala wada ogyahay!
    Waa qabyo qeybsan halasi kala qeybiyo

    madax ku shega tagayana waa kumeel gaar lagu meel gaaro iskuna meel gaar marka alle talu ku fillan!!

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  11. kenya says:

    waxaba la yaab an la arkin ah in somaliya hal malin shir loo qabtay aay uga baxeeyso dhibkeey ku jirtay 21 sano waxan leyahay uun waxii dhagraya somaliya alah ayaa ka jasinaayo somali somali ba leh mana laga yaabo inaan yeelno gumeeysi somalidu sikastaba ha isku disho yeysan lahaa sowlad lakin malaga yaabo gumeeysi in aay yeesho somaliya taas ayaan ogahay waa hugaal

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  12. GalMudug State Medborgare says:

    BAR BARKEY KA BAXDAABA WAA BAKEYLA GALEEN somali maxamed yaa is gaadhey wali. qiiro jabaan waxba inoo tari meyso nac nac na wax inoo tari meyso aynagu sow ismeynaan diidin in la ina gumeysto inagaa iskugu wacan. kaaga daranoo inkastoo gumeysi gumeysi kuu dhaamin hadana gaal saan madoowe ah ayaa ka sii daran gaal saan cadaale ah waar inteynaan dabar goin aynu is badh qabano walaalayaal . Waxad moodaa hadeynu somali nahay markeynu idaacadaha iyo websiteyada ka hadlayno ama wax ku qoreyno inta wanaagsan walaalyaan hala heshiiyo iyo hadan aan qalbiga u sii raaracsaneen markaan guryaha iyo reeraha dhexdooda joognana anoo ina hebela yaa iga awood badan wax noocaasa markaa walee somali wali gumeysi dhaba mey arage bal waxay ka heshey lee dahay waar heshiiya laga waaye ha is raamsatee daa h wabilaahi tow fiiq

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0