Raysal wasaaraha Sweden oo la saaxiibaya qof qaxooti ah

4

Hadda ka hor waxaan wax ka qornay adeeg lagu magacaabo Kompis Sverige oo u sahlaya Swedishka in ay saaxiib la noqdaan qaxootiga, iyadoo raysal wasaaraha Sweden Stefan Löfven uu sheegay in uu adeegaas iska diiwaan galiyay oo dhawaan uu ogaan doona qofka isaga iyo xaaskiisa ay saaxiibka la noqon doonaan.

Qofkaas qaxootiga ah ayaa raysal wasaaraha iyo xaaskiisa kulamo la qaadan doono isagoo mararka qaar la qadaynaya ama cashaynaya. Ujeedada ayaa ah in raysal wasaaraha iyo qoyskiisa ay qofkaasi ka caawiyaan sidii uu luuqada u baran lahaa oo bulshada u dhex gali lahaa. Raysal wasaaraha ayaa arintaan ka dhawaajiyay qudbadii Kirismaska ee uu qabtay sabtidii ka dib.

Raysal wasaaraha ayaa sheegay in ay aad ugu xiiso qabaan in ay la kulmaan saaxiibkooda cusub.

Ma ahan markii ugu horeysay ee Stefan Löfven uu saaxiib la noqdo qof qaxooti ah,  isagoo sanadihii 1980 saaxiib la ahaa nin Irani ah oo qaxooti ah oo lagu magacaabo Parviz Dobareh.

Adeega Kompis Sverige oo ay samaysa Laan Qayrta Cas (Rödakorset) ayaan horay u dhaliilay anigoo u arkay in uu yahay mid saaxiibtinimo jacbur ah lagu abuurayo oo aysan Swedishka daacad ka ahayn in ay soo galootiga la saaxiibaan.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here