Raysal wasaaraha: Sweden waa wadan qalbi caruureed leh oo si fudud loo qiyaani karo

Raysal wasaaraha Sweden Stefan Löfven ayaa shalay ka dhawaajiyay hadal dood badan dhaliyay, ka dib markii uu soo bandhigay dhowr arimood oo lagu soo kordhinayo la dagaalanka argagixisada. Hadalka raysal wasaaraha ayaa ka dambeeyay ka dib markii Sweden ay kor u qaaday u diyaar garowga weerar argagixiso oo la aaminsanyahay in uu wadanka ku soo fool leeyahay.

Booliska Säpo ayaa shalay soo qabtay nin lagu magacaabo Mutar Muthanna Majid  oo qaxooti Syrian ah kaasoo looga shaki qabo in uu ka tirsanyahay ururka ISIS isla markaana uu qorsheynayay in uu weerar argagixiso ka fuliyo Sweden. Ninkaan ayaa laga soo qabtay degmada Boliden ee ku taala waqooyiga Sweden.

Raysal wasaaraha oo ka hadlay arimo badan, isla markaana soo bandhigay in dowladiisu ay kordhin doonto sirdoonka iyo dhagaysiga telefoonada iyo barnaamijyada internetka sida Skype iyo Viber, ayaa sheegay in dowladihii hore ee Sweden ay ahaayeen kuwo si fudud loo qiyaani karin oo qalbi caruureed leh. Hadalka raysal wasaaraha oo ahaa hadal xoogan isla markaana aan horay looga baran ayaa dhaliyay dood ka dib markii dhowr jeer lagu celceliyay su’aalo ku saabsan in dowladiisa hadda jidha si fudud loo qiyaani karo?

Arinta ku saabsan in Swedishku ay leeyihiin qalbi caruureed si fudud loo qiyaani karo, ayaan ahayn mid cusub iyadoo aan horay u maqalnay hadalo nuucaas ah. Dadka qaar ayaa sheegay in Sweden tusaale ahaan ay si fudud ku bixiso sharciga iyaga oo aan dadka weydiin su’aalo adag ama iska dhagaysta hadalo been abuur ah. Waxaa sidoo kale tusaale ah, in jaaliyado badan oo ajaanib ah ay dowlada lacag uga cunaan mashaariic macno daro ah. Waxaa intaas sii dheer in dowladu aysan waxba ka qaban dhalinyarada u safraysa dagaalada, iyaga oo la socda in ay safreen isla markaana soo laabteen.

Hadaba su’aashu waxay tahay, Sweden ma wadan si fudud loo qiyaani karaa? Ku darso firkadaada.

Faafi mowduucaan

Jimcale

Asc ku soo dhawaada Somaliska.com. Waxaan rajaynayaa in aad ka faa'idaysateen mowduucaan isla markaana aad fikrado qiimo leh ku darsan doontaan. Xumaan, qabyaalad, aflagaado iyo arimaha siyaasada Somaliya waa ka manuuc halkaan. Fadlan aan iscaawino oo su'aalaha qofkii jawabaha haya dadka ha u faa'ideeyo. MAHADSANIDIIN!

Akhriso mowduucyo kale oo xiiso leh...

11 Responses

  1. Waa Runtaa says:

    ASC DHamaan Marka hore Jumca Mubaarak.
    Qoraalkaaga ma saxna in badana Waan ku wareeray, Webkan Waan ku xernahay ee Naga sax.

    Mida kale adiga Saxafa aaba ilaahay kaa dhigay, Maxaad Warxumo tashiilka ku fashaa hora,

    Hadii la qiyaano karo iyo hadii kaleba adiga so kama mid tihid kuwa Beenta SHarciga ku qaatay oo aan su aalaha adag la weyniin,

    oo adiga ayaaba aaminsan oo hadana qirayo tusaalena u soo qaadanayo,

    Alif Wax buu leeyahay iyo Wax male Adigaan ilaa iyo hada kaa hayaa,

    Waan kaaga mahad celinayaa Waqtigaaga Qaaliga ah ee aad Gelisay Daabacaada,Waana taageersanahay , Somaliska.com

    Jumca Mubaarak.

    Dood kulul. Ka Jawaab? Thumb up 22 Thumb down 18

    • Jimcale says:

      Sxb anigu wariye ma ihi, ee waxaan ahay qoraa dareen iyo damiir leh. Oo soo gudbiya xaqiiqada iyo dareenkiisa labadaba. Waa ku mahadsantahay fikradaada.

      Fikrad aan lala dhicin Thumb up 22 Thumb down 30

      • ku nole Sweden says:

        sxb aad ayaad u mahadsan tahay Jimcale walal hoosha ad umada u heesa waa hool loobahan yahay wax fican ayaad sameesay Allaha kula garab galo meshada ka siiwad

        Dood kulul. Ka Jawaab? Thumb up 3 Thumb down 5

  2. Cabdi qani says:

    Hidden due to low comment rating. Click here to see.

    Fikrad aan lala dhicin Thumb up 5 Thumb down 18

  3. Fatma says:

    Runti waa wadan iska qalbi caruur ah oo si fududna lo qiyaani karo Stefan Löfven waa runtis

    Dood kulul. Ka Jawaab? Thumb up 10 Thumb down 12

  4. yaaban says:

    Qalbi caruur ma ahee waxay arkeen  hadii ay xaasidnimo cid wax tarayso soomaali bay tari lahay iyagaa habeen iyo maalin la taagan qabiilkee horumarna ka gaari waayey

    Dood kulul. Ka Jawaab? Thumb up 12 Thumb down 10

  5. sucaad says:

    runtii waa dad iska masaakiin ah oo wax kasta meel dhow ka eeega

    Dood kulul. Ka Jawaab? Thumb up 6 Thumb down 3

  6. Liban says:

    Waxaan dhihi lahaa horta had alla resalwasaraha oo maralaya shacabkiisa swedhen xaq buu uleyahay. Teeda kale sweden dadka layiraahdo wa dad bini aadbimada lagu yaqaano, Arintaan maanata taagana waxey samenesa dhamaan ajanabiga, Rinti wxyelana wa kaso gaaresa somalida kunool yurub ama seedhen,Aniga wxaan dhihi laha wax kasta waa dhici karaan oo aduunka maanta dagaliki latiqanay ee face to face mahan ee waxa dagalamaya dad aanba waligood is arkin macnaha wxa ula jeeda aqoonta adunka oo hormartay iyo daaalaka interndka ama aladaha wararka leeskaga gudbiyo ayaba laga dagalamaya, taa waa mid tan kale,side unoqon karna kasomali ahaan dad nabad gala ayagana laga nabad galo? Taa aya muhiim ah hadaanan leesku baraarujina wax badan ba naga halabaya, kow Horta anaga dadka namatala oo codkeena kuhadla ama af hayeenka no ah wa in eey shaqo adag qabtan Macnaha WA in eey ka hadlaan waxa dhacay iyo waxa noga adan, tan kale waa in horta is fahmaan qooysku si eey u bad baadan caruurta somalida argagixisadu wa badanatahay ragga iyo dumarkoda is hesta oo isku heesta wax aanan macana ah laheehn ha is fahmaan oo walid wada shaqeeni kadhaxesa wax meel marin karee halaga so dhiso asaaska guriga qooska somalida,iyo in aan is qiimeeno oo qof walaba waa masul in leesku ixtaraamo wax walbo marka inta lahelo waxan helenaa awoodo ah in aan muujin karno mooqifkeena ku aadan xaalad kasta oo timaada, wa fikirkeegA, wsc

    U codee: Thumb up 3 Thumb down 0

  7. Ismail Rayale says:

    Asc walaalka Jimcaale waadku mahadsan tahay akhbaarta aad markasta nasoo gaadhsiiso tack så mycket.
    Aniga hadaan fikradeyda gaaban soo gudbisto hadal ka Reysalwasaaraha waa runtii oo wadankiisa iyo dadkiisa ayuu nabadgalyadooda katalinayaa. Waayo faraska waxaa usha loogu badiyaa hadheereyo waa canaan dadkiisa iyo dalkiisa kusocota. Waanan kutageersanahey sikasta oo ay Sweden nabadeeda kujirta.
    Lakiin mida taala ayey waxey tahay dab munafaq shidey muumin ayaa kugubra. Arab ama dad reer yurub ah oo siqaldan diinta lagafahansiiyey ayaa dhibtan geysanaya. Dadkii ama shacabkii wadankana muslim ayaa geystey ayey aaminayaan dabadeed miskiin yar oo Somali ah oo kufaraxsan wadanka iyo sharciga lasiiyey ayaa lagu dhibateynayaa. Hadaba Somaliyey sideen umadan aan lanoolnahey wax ufahansiina ugana amaan helnaa nabadana ugula shageynaa.
    Ileyn lasoo helimaayo somali yurub qarax kageysanayee. Waxaana lawada ogyahay somaliga dadkaas aqliga kaxadaan wuu udhoofaa maaheee wadankii soodhaweeyey kama dhextooso sida dadkaas aan tvga kamaqleyno oo kale.
    Somaliyey qabiil intaan iska ilowno danteena iyo dalkaan kunool naheyba wax aanlaqabsano.
    Waa walaalkiin hadaan gafey haleyga raali noqo.
    Ascww.

    Fikrad lala dhacay Thumb up 8 Thumb down 0

  8. hsgfs says:

    aniga waxaan rabaa inaan ku dilayo

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  9. sabka says:

    waxay iila muqataa sweden waa wadanka kalya ee si gobonimaa usoo dhaweeya dadka muslimka ah dadka wax qarxinaayona waa dad dadkaas daba tagan oo raba inay colaaday kasoo carareen intana looga qaado colaad ka daran tey kasoo carareen waa in si taxadar leh loola shaqeeyaa laamaha amniga sweden oo qofkasta mas uul iska saaraa in qofkii ku dheelaayo amaanka la war galiyaa saa qofkii lagu arko tiibii sida dhaqtarka loogu geeyo si uu cudurka u qaadsiin kana wuxuu wado waa cudur si uu bulshada u qaadsiin loola cararaa booliska hadii kale dee kamiinaan soo cararin amaan xumee waxaa u timaadeen amaan daro inaa dadka dalkooda ku ridaane nabadeey

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0