Reer baadiyaha iyo reer magaalka yaa ku firfircoon qurbaha?

Su’aashaas waxay igu dhalatay ka dib markii aan dhagaystay wareysi laga qaaday siyaasiga Soomaaliyeed ee Mursal Ciise ee ku nool Borlänge isla markaana ka tirsan golaha fulinta ee xisbiga Miljöpartiet. Mursal ayaa wareysi dheer oo uu bixiyay kaga waramay noloshisiii hore, isagoo cadeeyay in uu ahaa reer baadiye xoolo dhaqato ah qeyb ka mid ah noloshiisa, isla markaana taasi ay siisay karti iyo waayo aragnimo muhiim ah.

Mursal ayaa Sweden soo galay sanadkii 2003, isagoo muddo gaaban ku gaaray heer siyaasadood oo aad u sareeya. Waxaa uu noqday gudoomiyaha gobolka Dalarna, iyo xubin ka mid ah gudiga fulinta ee ugu sareeya xisbiga Miljöpartiet (MP).

Marka la eego Mursal iyo dadka kale ee ku firfircoon qurbaha ayaa la dhihi karaa dadka reer baadiyaha ah waa kuwo aad u firfircoon. Aniga xitaa waxaan ka mid ahay dadkii ku soo barbaaray baadiyaha, taasoo aan dhihi karo waxay tahay noloshayda qaybtii ugu muhiimsanayd.

Hadaba su’aashu waxay tahay reer baadiyuhu maka firfircoon yihiin reer magaalka? qaasatan marka la yimaado qurbaha? waa dood furan, ku darso fikradaada…

Halkaan ka dhagayso waresiga Mursal Isse oo Swedish ah.

Faafi mowduucaan

Jimcale

Asc ku soo dhawaada Somaliska.com. Waxaan rajaynayaa in aad ka faa'idaysateen mowduucaan isla markaana aad fikrado qiimo leh ku darsan doontaan. Xumaan, qabyaalad, aflagaado iyo arimaha siyaasada Somaliya waa ka manuuc halkaan. Fadlan aan iscaawino oo su'aalaha qofkii jawabaha haya dadka ha u faa'ideeyo. MAHADSANIDIIN!

Akhriso mowduucyo kale oo xiiso leh...

5 Responses

  1. Osam says:

    Aniga fikirkeyga waxay ila tahay inaysan ku xernayn reer baadiyinio iy reer nagaalnimo erayahaan reerbaadiyominada waa laysku liidaa. hadana waxaa la dhihi karaa waxay ku xerantahay qofka shaqsiyan damaca oo kaleeyahay mustaqbalkiisa iyo qaabkii ama familkii iyo adeegaankii uu kayimid sidii lagu ahaay ayaa saameen weyn ku yeelankarta.
    marka lama dhihi karo reermagaal ama reerbaadiye ayaa sidaas ku fiican ama sidaas ku xun. laakin mid ayaan u qiraa reerbaadiyaasha ama reer gobolka guud ahaan. waa dad ad adag oo daacad ah. laakin dabci adag oo kaftan kaseynin 😉
    yaa layga xumaanin waxaan dhiibtay waa fikirkayga iyo waxii an ka arkay reer gobol ama reer baadiye.

    Fikrad lala dhacay Thumb up 7 Thumb down 0

  2. nawal says:

    waan kugu raacsanahay jimcaale ,ani nolashayda kuma soqaadan badiye inta yara intan tagay waa hal ama labo oanan asbucyo jogin ,likn inta aanka arkay dadka miyiga kusoo barbaaray oo waliba xolo dhaqatada aha ama nolasha miyiga soo maray waa ay ka dadaal badan yahain ama ka firfirconyahin dadka kusoo koray magaalada ,waayo nolal adag ay kasoo baxay marka nolasha magaalada waxay garan inay ka cilmi iyo aqoon badnadan dadka kusoo koray ama kudhashay magalooyinka,tasoo ooan cadayn uhayo ooan in life time kayga aan dad farabadan oo very prograsive ah oo orginaly ama kusobarbaray miyiga,anoo xata ka maseeray oo hada ka hor iri,,wayficnan lahayd inankuso barbaro miyiga,,sian ugu fakaro gaar nolasha magalada hormarka yaala,,

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 2

  3. Maxamed Cal says:

    Waa dhici kartaa dadka isku mid maha ama baadiye ha ku dhasho ama yuusan ku dhalan waa sidii qof walba alle u abuuray

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  4. Abuubakar says:

    aniga fikirkayga qurbaha waxaa loogu kala hormarsan yahay hadba sidi loo kala rufiyaasan yahay ee miyi magaalo kuma xirno

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 1

  5. foz says:

    Stolt över honom faktisk,sumcadii somalida ayuu kor uqaday,ilahy hanoo badiyo noociisa ookale

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0