Reeraha Soomaalida oo la mideynayo ka bilaabata July 2012

Xisbiga Miljöpartiet iyo dowlada ayaa soo bandhigay qorshe lagu mideynayo reeraha Soomaalida ka bilaabata bisha Juli ee sanadka 2012. Arintaan oo ay ku tilmaameen talaabada koowaad ee  heshiiskoodii arimaha Socdaalka ayaa la sheegay in sharciga wax laga badali doono si loo mideeyo Soomaalida.

“Haddii aan nahay xisbiga Miljöpartiet arinta mideynta reeraha waxay noo ahayd mid muhiim ah. Qaasatan maadaama xaalada Soomaaliya ay tahay mid adag ayay aad muhiim noogu tahay in aan xal keeno” ayay tiri Maria Ferm oo ka tirsan xisbiga Miljöpartiet.

Waxaa la sheegay in la isicmaali doono dheecaanka DNA iyo nidaamyo kale in lagu cadeeyo xiriirka reeraha. Kama dambeys bilowga guga ayaa baarlamaanka la soo hordhigi doonaa mooshin la xiriira arintaan, iyadoo kama dambeys uu dhaqan gali doono sharciga cusub bisha Juli. Dowlada ayaa sidoo kale u qorsheysay 850 milyan oo karoon in lagu maalgaliyo arinta mideynta reeraha.

Faahfaahinta qaraarkaan ayaa la sheegay in dib laga soo bandhigi doono. Ilaa hada waxaan cadeyn sida loo sameyn doono mideynta reeraha iyo waxa laga yeelayo dadka aan caruurta isku lahayn. Dib ayaan ka soo qori doonaa marka aan helo faahfaahinta guud ee ku saabsan qaraarkaan.

Si kastaba ha ahaatee, xaalada ayaa la hubaa in aysan noqon doonin durdurkii hore.

Dhinaca kale heshiiska ayaa lagu soo bandhigay in caruurta aan sharciga lahayn loo ogolaan doono in ay iskuul tagaan.

War cusub: Waxaan la xiriiray Maria Ferm oo ka tirsan xisbiga Miljöpartiet aniga oo waydiiyay waxa laga yeelayo dadka aan caruurta isku dhalin. Waxay iigu soo jawaabtay “Waa arin muhiim ah arinta aad ka dhawaajisay waxaana sameyn doonaa in aan isticmaalo nidaamyo kala duwan ee DNA keliya ma ahan. Sidaa darteed waxaan baari doonaa qaabab kala duwan oo arintaan lagu xalin karo”. 

Faafi mowduucaan

Jimcale

Asc ku soo dhawaada Somaliska.com. Waxaan rajaynayaa in aad ka faa'idaysateen mowduucaan isla markaana aad fikrado qiimo leh ku darsan doontaan. Xumaan, qabyaalad, aflagaado iyo arimaha siyaasada Somaliya waa ka manuuc halkaan. Fadlan aan iscaawino oo su'aalaha qofkii jawabaha haya dadka ha u faa'ideeyo. MAHADSANIDIIN!

Akhriso mowduucyo kale oo xiiso leh...

91 Responses

  1. macalimow says:

    as wax ksata khayr ayay ku dhamaanayaan inshallah

    U codee: Thumb up 2 Thumb down 0

  2. rashiid says:

    akhyaarta sharafta leh somalida ha is ilaaiso mardanbe yay qaldamin sida dowladaha kale arintooda usocoto oo kale halasameeyo bug iyo been ha la iska dhaafo

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  3. buubshe says:

    insh allah qeer an rajeyneyna alle auyya noo maqan neh

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  4. jamaad says:

    asc walal wixii kheyr ku jira aya rajeyneynaa walal waxan ku su’ali lahaa mala ansixiyey mase hada kadib aya la ansixiinaa oo moshinka aya dhiman

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  5. naadiya says:

    walal walalahayga somaliyed waxan idin waydiyay hal mid wadanka waxan imid anigo 16 jira kaligay imid hooyadey iyo walalahay aya dalbaday hada 18 waan buxiyay malaga yaaba in lay keeno rerkayga maxa u malaynaysan adinka somaliyey

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 4

  6. Dade says:

    Waa arin fican

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  7. Ahmed says:

    Soomali weyn wan idin salamay gaar ahan somalida kunol sweden salan kadib waxan ka xumahay adka somaliyed ee carurtoda iyo nagahoda laga hor taganyahay waxan idin leyahay dadal kina wada gaalo wax maheyso ilaahbaa wax wlabo hayo marka iska banan baxa ilahba idin tageri done sharci galo sharci mahan sharci wa kii ilaah ani waxan kunolahay south africa swedena bahi ima heyso lkn waxan ka xumahay somalida labah dilayo sweden gala iska leh adinka malihidin ee wadankina u duceya asaga sharaf iyo qima leh hadad nabad kuheshan mahadsanidin arimihinana ilah ha idin fududeyo wabilahi towfiq

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  8. dalmar says:

    as ckm dhamaan dadka soomaliyeed ee ra,yiga ka dhiibtaan somaliska meel walbo ey joogaan ,somalida wey dhibaateysan tahay meel walbo ey aduunka ka joogaan ,waxaan daba joogaa warkii ahmed waa wiilka joogo sood afrika .waad ku mahadsan tahay sxb sida aad inoola wadaageyso dhibaatada heysato reer sweden ,anagana mid taa la mid ah ayaan idiin heynaa dadkeena dhibaatada ku heystao sood afrika oo dukaamankooda lagu gubaayo ama hantidooda la dhacaayo mar walbo samafoobiyo ayaa leydiinku sameeyaa dukaamankiina waa leydiinku dilaa weliba nolosha ayaa ciriiri ey ku qabaan dadka sood afrika ku ganacsadaan ayaagoo ey heyso musqul la,aan bac lagu xaaro iyo caag lagu kaadiyo ilaah ha u soo gargaaro soomali meel walbo ey joogto waan aqaan sood afrika ahmedoow waan tegey qabuuraha atloon imisa qofood ayaan wax uga duugey oo aan aqaano ,dadkaas ma lahan cid u dacwooneyso ilaah ha ka soo gaaro soomali mel walbo ey joogto

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  9. siman says:

    waan ku rax sanahay in jawabta la keni dono wana sugeyna insha alaah

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  10. samka says:

    asc waxaa mahad iska leh allaah waxaana dhamaan dadka soomaaliyeed allaah uga baryayaa inuu isku keeno intii kala maqan oo dhan haday wax isku dhaleen iyo hadii kaleba aaammmmmiiiinnnnnnn

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  11. Ahmed says:

    Dalmar saas waye sxb south africa ciyaar matalo hada alton wa buuxsantay sxb lkn lama yabayo dilka sod afrika sow ma ogid america ayaa sida souyha frica la isugu dilaa marka tan halayabin ok asxabey arimihina ilaah ha fududeyo wabilahi towfiiq

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  12. xaaji says:

    asc
    allah ba mahadle
    asxabey alle ba umaqan umada islamka ah sp.uma somaliyed
    allah muradkena ha ino wada sahlo asxabey muraad aduun wa anogo wadankena nabad buuxda inoga dhaliyo insha.allah wan sugin samir allaha naga siyo amin
    dawlad ban rafaadkan uga baxaynaa ee ducada halo badiyo amin
    dhamantin salaaaaaaaaaaama w’t

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  13. Ilhan says:

    Asc marka hore allaah ayaa ku mahadsan xaalad kasta wixi allaah noo qadarana ma weyneyno waxan ku weydiiyay maadaama howsha ay bilaabaneyso july mala sii xareyn karaa hada mase dadka wax loo qabanayo dadki hore u xareeyay kaliya miyaa

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0