Reeraha Soomaalida oo la mideynayo ka bilaabata July 2012

91

Xisbiga Miljöpartiet iyo dowlada ayaa soo bandhigay qorshe lagu mideynayo reeraha Soomaalida ka bilaabata bisha Juli ee sanadka 2012. Arintaan oo ay ku tilmaameen talaabada koowaad ee  heshiiskoodii arimaha Socdaalka ayaa la sheegay in sharciga wax laga badali doono si loo mideeyo Soomaalida.

“Haddii aan nahay xisbiga Miljöpartiet arinta mideynta reeraha waxay noo ahayd mid muhiim ah. Qaasatan maadaama xaalada Soomaaliya ay tahay mid adag ayay aad muhiim noogu tahay in aan xal keeno” ayay tiri Maria Ferm oo ka tirsan xisbiga Miljöpartiet.

Waxaa la sheegay in la isicmaali doono dheecaanka DNA iyo nidaamyo kale in lagu cadeeyo xiriirka reeraha. Kama dambeys bilowga guga ayaa baarlamaanka la soo hordhigi doonaa mooshin la xiriira arintaan, iyadoo kama dambeys uu dhaqan gali doono sharciga cusub bisha Juli. Dowlada ayaa sidoo kale u qorsheysay 850 milyan oo karoon in lagu maalgaliyo arinta mideynta reeraha.

Faahfaahinta qaraarkaan ayaa la sheegay in dib laga soo bandhigi doono. Ilaa hada waxaan cadeyn sida loo sameyn doono mideynta reeraha iyo waxa laga yeelayo dadka aan caruurta isku lahayn. Dib ayaan ka soo qori doonaa marka aan helo faahfaahinta guud ee ku saabsan qaraarkaan.

Si kastaba ha ahaatee, xaalada ayaa la hubaa in aysan noqon doonin durdurkii hore.

Dhinaca kale heshiiska ayaa lagu soo bandhigay in caruurta aan sharciga lahayn loo ogolaan doono in ay iskuul tagaan.

War cusub: Waxaan la xiriiray Maria Ferm oo ka tirsan xisbiga Miljöpartiet aniga oo waydiiyay waxa laga yeelayo dadka aan caruurta isku dhalin. Waxay iigu soo jawaabtay “Waa arin muhiim ah arinta aad ka dhawaajisay waxaana sameyn doonaa in aan isticmaalo nidaamyo kala duwan ee DNA keliya ma ahan. Sidaa darteed waxaan baari doonaa qaabab kala duwan oo arintaan lagu xalin karo”. 

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here