Rizak Dirshe oo loo doortay tababaraha da’yarta Sweden

7

Xiriirka ciyaaraha fudud ee dalka Sweden ayaa Cabdirisaaq Salaad Diirshe oo Soomaali ah u magacaabay, tababaraha ciyaaraha fudud ee da’yarta Sweden. Cabdirsisaaq oo muddo dheer ahaa orodyahan heer qaran oo u tartama Sweden, soona hooyay guulo badan ayaa noqday qofkii ugu horreeyay ee aan u dhalan dalkaas oo qabta xilkaas.

Tababare Cabdirisaaq oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in qabashada xilka loo soo jeediyay laba toddobaad kahor, ugu dambayn-na uu aqbalay isaga oo ku faraxsan. Wuxuu tilmaamay inuu rajeynayo inuu horumariyo ciyaaraha fudud ee da’yarta Sweden.

Cabdirisaaq Salaad Diirshe ayaa 1997-dii ilaa 2010-kii Sweden uga qaybgalay tartammo badan oo isugu jiray caalami iyo heer qaran, kana soo hooyay guulo waaweyn oo farxad galiyay reer Sweden. Guulaha uu soo hooyay orodyan, Salaad ayaa waxaa qayb ka ah 24 billadood oo dahab ah.

Wixii xilligaas ka dambeeyay, Cabdirisaq wuxuu ahaa tababare ka dhex muuqday ciyaaraha fudud ee da’yarta dalkaas, kuna soo kordhiyay horumar wanaagsan.

Intii uu hayay hawshaas, tababaruhu wuxuu kor u qaaday kaalinta ay ciyaaraha fudud ku leedahay dhallinyarada Soomaalida ah ee kunool dalkaas, kuwaas oo qaarkood uu gaarsiiyay ilaa heer qaran. Tababare Cabdirisaaq Salaad Diirshe ayaa ku guulaystay inuu noqdo qofkii ugu horreeyay ee shisheeye ah oo heer sare ka gaaray ciyaaraha fudud ee dalkaas..

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here