Saciida Axmed Rashiid oo jawaab farxad leh heshay

14

Dhowr isbuuc ka hor waxaan soo qornay in ay jidho Gabadh soomaaliyeed ee haysa shan caruur ah wallaalaha yihiin oo saciidohooyadood ku dhimatay shil baabuur degana magaallada Nyköping ee waddanka sweden, taas oo khatar ugu jirtay in laga masaafuriyo waddanka Sweden kadib markii looga shakiyey in aysan la dhalan caruurta, ayaa maalintii  talaada ahayd kuna beegnayd 13/08-2013 loo ogolaaday in la siiyo sharciga deganaashaha waddanka Sweden.

Saciida ayaa beryahaanba dhuumashaal ku jirtay oo ka baqaysay in dalka laga masaafuriyo, ayaa ugu danbayntii waxaa la soo xaqiijiyey in ay la dhalatay caruurta shanta ah kadib markii laga qaaday dheecaanka DNA kaas oo lagu ogaado xiriirka ka dhaxeeya dadka wada dhashay iyo kuwa isdhalay ee waallidka iyo caruurtiisa ah.

Saciida waxay sheegtay in waqti duhur ah ay u timid warqad laga soo diray xafiiska socdaalka taas oo ku  kordhisay cabsidii haysay oo waa ay ku dhici wayday in ay furto warqada oo waxay mooday in warqada ay ku qoran tahay go´aankii kama danbaysta ahaa ee deb loogu celin lahaa waddankii ay ka timid.

Waqtiga ay warqada timid Saciida waxaa la joogay gabar kale oo ay saaxiib yihiin taas oo warqadii furtay oo u akhrisay Saciida wixii ku qornaa, gabartii oo farxad iscelin wayday ayaa mar qura afka furatay oo tiri Saciidoooo sharcigii baa lagu siiyey. Halkaa Saciido waxaa kaga haray fekerkii iyo cabsidii badnayd ee ka haysatay in waddanka laga masaafuriyo.

Qore-C/caziiz Baliile

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here