Saddex nin oo loo qabtay hub bistoolado ka kooban oo ay dalka soo galiyeen

0

Saddex nin oo u dhashay koonfurta dalkaan Iswiidha, ayaa si wadajir ah waxaa ay dalka u soo geliyeen bastoolado gaarayo 235 bastooladood kuwaas oo ay ka sii iibiyeen kooxaha dambiileyaasha ah.

Raggan oo haatan dacwad lugu soo oogay ayaa wararku sheegayaan in qorayaahaasi aan intooda badan la isticmalin, balse lixdan iyo shan ka mid ah loo diyaar geliyey siddii loo adeegsan lahaa.

Hubkan oo ka kooban kuwa u dhaca atomaatikada iyo noocyo kale ayaa tan iyo sanadkii 2914-kii waxaa ay raggani ku howlanayaan soo gelintiisa. Nooc kamid ah qorahaasi ayaa boolisku sheegeen in si sharci ah looga iibsan karo  dalka Islofaakiya oo ah halka laga keenay. Kooxdan ayaa markii la qabanayey waxaa boorsooyinka ku wateen 10 qori oo ka mid ah xabadaas.

Haatan Raggan  aya waxaa Malmö ka bilowday dhageeysiga dacwada dedmbiga lugu soo gooay. Ugu dambeyntiina  magaaladda Malmö, ayaa waxaa mudooyinkii ugu dambeeyey la daala dhaceeysay falal dambiyeed soo laa laabtay oo badankooda u dhaxeeya kooxaha fal dambiyeedka gacanta kula jira.

Somaliska.com-Göteborg

 

 

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here