Safaarada Sweden ee Addis Ababa ma laaluush baa laga qaataa?

Qaar ka mid ah akhristayaasha ku xiran Somaliska ee ku sugan magaalada Addis Ababa ayaa noo soo wariyay in uu jiro laaluush laga qaato safaarada Sweden ay ku leedahay Addis Ababa. Laaluushka ayaa la sheegay in ay qaataan qaar ka mid ah shaqaalaha horjoogayaasha ah.

Si aan arintaan baaritaan ugu sameeyo ayaan la xiriiray safaarada Addis Ababa bal in ay ka jawaabaan eedeymahaan. Björn Berglund oo ka tirsan safaarada ayaa ii soo qoray in ay safaaradu laaluushka u aragto arin qatar ah balse ilaa hada aysan soo gaarin wax dacwo ah oo ku saabsan arintaan. waxa uu intaas ku daray in cidii laga qaaday laaluush ama aragtay cid qaadanaysa in ay safaarada sida ugu dhaqsiyaha badan ula soo xiriiraan.

Hadaba si aan u caawino safaarada ayaa waxaa la doonayaa in dadka laga qaaday laaluushka ama arkay shaqaale ka tirsan safaarada oo laaluush qaadanaya in ay sida ugu dhaqsiyaha badan xiriir iila soo sameeyaan. Haddii aad arintaan warbixin ka hayso waxaad email ku soo dirtaa: jimcale@somaliska.com jawaabaha su’aalahaan.

1. Adiga miyaa laaluush lagaa qaaday mise qof kale? Lacagta lagaa qaaday?
2. Taariikhdee laaluushka la qaaday?
3. Yaa kaa qaaday laaluushka? magaca qofka? shaqada uu safaarada ka hayo?
4. Qofka laaluushka qaaday ma qof gudaha safaarada ka shaqeeyaa mise dibada?

wixii faahfaahin ah soo dir. Haddii aad english ku soo qori karto waa fiicantahay, haddii kale somali ku soo qor aniga ayaa u turjumaya.

 

Faafi mowduucaan

Jimcale

Asc ku soo dhawaada Somaliska.com. Waxaan rajaynayaa in aad ka faa'idaysateen mowduucaan isla markaana aad fikrado qiimo leh ku darsan doontaan. Xumaan, qabyaalad, aflagaado iyo arimaha siyaasada Somaliya waa ka manuuc halkaan. Fadlan aan iscaawino oo su'aalaha qofkii jawabaha haya dadka ha u faa'ideeyo. MAHADSANIDIIN!

Akhriso mowduucyo kale oo xiiso leh...

33 Responses

  1. aamino says:

    Hidden due to low comment rating. Click here to see.

    Fikrad aan lala dhicin Thumb up 2 Thumb down 7

  2. abdi says:

    Asc. walaal waa wax jira in laaluush la qaato, anigu waxaan aqaanaa dad badan oo laaluush laga qaatay waxaana laga qaaday 300$ dollar.
    Waxaana qaata laaluushka shaqaalaha itoobiyanka ah ee gudaha safaarada ka shaqeeya iyo somalida formamka buuxisa oo isku xiran, lacagta waxaa leesla dhigtaa dukaan magaalada ku yaalo waxaana isla dhigto qofka bixinayo laaluushka iyo qof ka mid ah dadka formka buuxiyo oo ka wakiil ah shaqaalaha itoobiyanka ee gudaha ka shaqeeyo sidaas ayaana lagu kala dhameystaa waana wax cad oo aan caad saarneyn.

    Fikrad lala dhacay Thumb up 12 Thumb down 0

  3. Abdi says:

    Hidden due to low comment rating. Click here to see.

    Fikrad aan lala dhicin Thumb up 1 Thumb down 12

  4. Abdi says:

    Hidden due to low comment rating. Click here to see.

    Fikrad aan lala dhicin Thumb up 5 Thumb down 10

  5. Laaluuush diide says:

    ASC.

    Walaalaha sharfta mudanoow waxaa haboon in si waaqici ah u hadalno barnaamijkaana contribution fiican oo dhanka wanaaga ah ka dhiibano. Dadka oranayo waxaas waa been fadlan hadaan adiga lagaa qaadan waxaa suuro gal ah in walaalo soomaliyeed la dhibaateeyay.

    Aniga shaqsiyan ayaa leyweediiyay laaluush lkn ma bixin oo wadaagaalnay qoladii i weydiisay waxaan u sheegay in aan dacweyn doono kadibna weey iga leexdeen. balse waxaa jira dad laga qaatay oo badan iyo dad luugu hanjabay in haddii aysan bixin aysan passaporka qaar laga hari doono weyna dhacday, Björn Berglund iyo Magnus Bläsberg labadaba waxaan u gudbiyay qoraal aan ugu astakoonayo laaluushka aniga oo wakiil ka ahaa dadkii ay ku dhacday. marabo in aan halkaan faafahin intaas ka badan ka dhiibo lkn arintaas waa wax jira. Ciddii kaalmo ka geysaneysana waxeey ka helayan ajar in ay caawiyaan dad masaakiin oo ticket kii awoodin haddana la baadayo.

    Jimcaale waad ku mahadsantahay dadaalka caawinta dad ka masiikiinta ee aan af iyo aqoon iyo adin isku bixin karin ee wiilashan Ethiopianka la heshiiyay ay baadayaan.

    NB: laaluushka waxa qaato oo kaliya ma ahan Soomaalida ee Ethiopian ka ka shaqeeyaba shirko buu la yahay rag iyo dumar.

    Mahadsanidiin

    Fikrad lala dhacay Thumb up 17 Thumb down 1

  6. Jama says:

    waa arin jirta in laaluush la qaato waayo waxa sheegay arinta dadbadan oo aan is ogayn waana wax soo shaacbixi doona sida ay u soo shaac baxday in dadbadan loogu diiday faamligoda inaanay labo 2 sano soo wada noolayn wakhtigii ay soomaliya deganaayeen.

    Fikrad lala dhacay Thumb up 7 Thumb down 1

  7. fatimaa says:

    LAALUUSH DIIDE WAA RUNTAA WAXAAD SOO QORTAY

    U codee: Thumb up 2 Thumb down 0

    • iftin cabdullahi says:

      walaalayaal asalaamu calaykum horta waa jirtaa iyo majirto ladin mawaydiine hadaydaan dadka wax cadayna ku hayn iska aamusa
      arintu waxay taagantay adiga malagaaqaaday isku dhex dhuumasho lamarabo hadii kale alle halaga baqo halayskadaaya beenta qofkii waxlagaqaatayna haduu markii horaba ubareeray cidi maqasbine oo uu san cadaynkarin dee iska aamu waa layiri cidi kaagama baahnee markii hore maysugaan dawladii ay waxkasugayeen qofwalba dantiisa uugaari lahaaye wabillahi tawfiiq

      U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  8. laluuch says:

    waxa kafican intad radinasan qof wax qatan ama lakaqatay wax habonad in qofkasto dacwo xerastay labar iyo lasiyo xata 7 bilodna ah ahtey lakin qof wax qatay iyo kibixiye midnabalamahelikaro wayo watogo tog maisheka

    U codee: Thumb up 2 Thumb down 0

  9. Fardowsa says:

    Aniga waxaan qabaa in qaladka ay leeyihiin Soomaalida wax sugeysa waayo qof walba wuxuu jecel yahay inuu asaga u hormaro dadka xataa hadii laga horeeyo nidaamka ah in aan qadarino ama sugno dadka naga horeeyo ma lihin anagaana raadina wax laaluush naga qaata bal si wax naloogu dhaqsiiyo marka sababtaas ayaana laaluushka keentey ee aan anagu is xalino oo dib isugu laabano marka hore intaanan cidna la eedin

    Fikrad lala dhacay Thumb up 6 Thumb down 0

  10. Yasiin says:

    Laalush dide waa runtaa wlal hadlkaa sheegtay dad aan takidkaba awoodin in laaluush loogu daro waa wax qaldan,laalushkana wuu jiraa dad badan ayaa ka maqlay oo ii shegay marka waa in dacwo ka dhan ah laga gudbiyaa dadka dhibaatenayo walalahena somalida ah

    U codee: Thumb up 2 Thumb down 0

  11. laluuch says:

    aniga iyo will saxibke ah aya nalogo iyr mi 500$ bixiya 7 bari kadib carurta DNA lagqati anigo wan dide iskana ubixiye carurtisa
    DNA ka way maren hada jawab ayo sogaya carurta xata wa lago yire 7 bilo aya sogasan maxad ulayabi qof waxabixiye masoqmasaqa ayo ayo mecin ka dayaye

    U codee: Thumb up 3 Thumb down 0

  12. waberi says:

    waa yaab?waxa igu jiiraay shikii waay cadataay imikaa iskuulada laguu hadaalhaya maliin walbaa oo waxa been ahaa mahaa waa waxa jiiraa boowe.illaay nagaa qabaa kuuwa maa awadiikarno laluush kabixiya iyo kaqataa waa iskuumiid(allah)

    U codee: Thumb up 3 Thumb down 0

  13. Mohamed says:

    Asc jimcaale waxaa u egtahay qof aanan itoobiya tagin wali.waa mahdsantahay inaa caawiso somalida dhinacyo badan,laakiin ogow hadii itoobiyaanka safaarada ka shaqeeya aay gacanta ku dhigaan macluumaadka qofka dacwooday waxaa hubaa inuu dhib weyn u imaanayo.itoobiyaanka in lagu helo musuqmaasuq dhimasho aay ka xigaan

    U codee: Thumb up 3 Thumb down 1

  14. mr aniga says:

    ka Aniga ahaan mid ayaanba hubaaba imn soomaalida hadii la dhaho waxan idinkaaa leh ee faylsoo gala ha la idiin qaybiyee in qaar ka mida bilaabayaan in waxaas si loogu horaysiiyoo ay lacag bixiyaan ka qaalisan marmarka qaar waxii lasiin lahaa markaa dhibku wa somalida ee ha iska dhaafaan laaluush bixin ta

    U codee: Thumb up 3 Thumb down 0

  15. Ahmed Ali says:

    I express my gratitude for the high quality service provided by Swedish Embassy in Addis Ababa. Myself and my family visited at the Embassy a couple of times, and they were no such as bribe, and staff were very helpful, and very professionally. I really admire the good service the giving us. Thanks.

    Fikrad lala dhacay Thumb up 9 Thumb down 0

  16. runbadane says:

    asc walalayal .arinta lalushka wa wax jira o la qaato waxana loo geeya naagta xabashida.waxaana fududeeyo somalida safaarada kashaqeysa.waxana la iska qaata ilaa iyo 300 dolar inta kale wasida ay dadka iga horeeyey u shekeen.tan kale safaaradan shaqo badan ma qabato dadku wey cadibaan i don’t know there is lack of staff experience or da admin of embasy .it takes u 2 days to know information of ur application.

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  17. Abdullahi says:

    1- Laaluush bixiyaha iyo qaataha waa isku dambi.
    2- Dadka laalush bixiyay hadana la soo taagaan laalush ba nalaga qaatay ogaada in idinkana ad ku jirtaan danbiga , quf kii arintaas isku cadeeyana baritaan diyaar ha u noqda.
    3- Arinta Jimcale ii soo dira email iigu soo dira meeqan bixiseen iyo yaa qaatay anigana waa tarjumaa warbixintiina, taas Ma aha qaabka arintaan loo cadeen karo mise daliil caad laalush cadeeynaya ma aha sxb Jimcale. Quf email soo diray wuxuu yahay adan ogen been iyo ruunba ka dibna aad tarjumto waxaas war quf weyn aha ha ku ceeboobin sxb.
    4- Arinta Laaluush haduuba jira waa 2 parts. qeebta koowaad waa Somalida oo ah bixiyaal iyo Ethiopian mise Swedish oo qaatayaal ah . Marka Somaida hada ayuu tooshka saarantahay Pls yaan la abuurin arin ee ka faaideestaan cunsiriyiinta iyo saxaafada ka soo horjeeda somalida.
    5- Arinka laaluushka waxaa lugu ogaan karaa oo kaliye in saxafiyiin ee iska dhigaan dad in wax lo qabta rabaan ka dib markii laga dalbada laalush in ee bixiyaan in ee document gareeyaan welina marka eey bixinaayan ee sii ducument gareeyaan sidaa laaluushkii waanu cadeeynay dadkeeni waa badbaadinay wanaa mujinay in ee yihiin dhibanayaal.
    WCS….

    Fikrad lala dhacay Thumb up 6 Thumb down 0

  18. Abdullahi says:

    Arinka laaluushka waxaa lugu ogaan karaa oo kaliye in saxafiyiin ee iska dhigaan dad in wax lo qabta rabaan ka dib markii laga dalbada laalush in ee bixiyaan in ee document gareeyaan welina marka eey bixinaayan ee sii ducument gareeyaan sidaa laaluushkii waanu cadeeynay dadkeeni waa badbaadinay wanaa mujinay in ee yihiin dhibanayaal.
    WCS

    Fikrad lala dhacay Thumb up 5 Thumb down 0

  19. raaxeeye says:

    Asc walaal wey jirtaa in laaluush laqadanaayo waayoo dat badan oo bishii sedaxad intar fiyuu maray ayaa ilaa hada lagu haayaa anagaa idiin soo waceyno wax soo wacaayo aan jidhin oo isbuuc kasta mar taga safaarada marka wax laaluush ah ayaa jira ayaa la ii sheegay oo isbuuc lagugu dhameynayo marka waa in wax laga qabtaa arintaas waa in xil liiska saaraa waayoo waxaa kuxiga musuq maasuq iyo in markii fiisaha markaat heshit xataa lagaa gato weyna soo socotaa hadaan arintaan wax laga qaban

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 1

  20. somaliyay says:

    akhyarta leh sharafta ah somaliyeed asc dhamaan, laaluush iyo bixiyey haalka dhaafo waa qaatar waaye aniga ahaandeyda 9 bilood baan sugayay ilaayo hada, DN wixi kale,iwn iyo 20 mar emailka baan u tiriyey no decision made,tan kale haddii curuurta illaaha u seeyay dhaaman dad migrationka hadana waa in joogto 2 sano oo afrika ? dhibaatoo badan waaye waa in bedalaan go’aanka

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  21. deqa says:

    LAALUUSH AYA LAGAQATAA SAFARADA SWEDAN EE ITOBIYA KUTALA TAASINA WAA WAX CAD OO ANLABENINKARIN ANAGA DADKII NALADHIBTAY DACWADOODI SWEDAN TIMID KADIBNA NALAYIRI MARKAN WAYDINAY ISA SOOHABE ANAGA KUHABAYNAYNE XOGAGA SOOLAB SI FARSAMAA ANIGU HEBAL IYO HEBAL DHIHIMAYO LAKIIN 2 NIN IYO QOF DUMARA TAASINA WA CADAHAY . WAXAAN OGAHAY INAYSAN SII SOCONAYN WAYO WADANKA ISKA LEH WAA SWEDAN LAALUSHNA LAGAMAYQAAN MARKA AWALBA INAY FASHILMAYSO WALA OGAA EE INAGA AYA SUMAYSAN OO MELKSTA FARLAGALAYNA INKAAR AYANAGAHAYSATA ADUNKA ANAGA LAALUSH YANABARAY MELKASTA WALATAGANAHAY ILAHOOW INKARTANAGASAAR WANKUFARAXSANAHAY INAY QARAXDO MALMAHANA WANMAQLAYAY INAY QARAXDAY SHAYDANKASTA DANAYSTEKASTA SAAS AYA UDANBAYSA MAGACAGA SHEGIMAYO LAKIN HAWSHII AAD WADAY WAKAGA DHAMATAY INSHA ALAH

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  22. sundus says:

    asc
    WALALAYAAL WA RUN ARINKAS WAYO WAXAN DARIS NAHAY NIN ILMIHIISII IYO XAASKIISII OGOLANSHIHII INTA LASIIYAY OO PASSPORKII LASIIYAY ILMIHII KALIYA XAASKIISII ILMAHAAS DHASHAYNA LAYIRI MAHAYNO PASSKAGII MARKUU KUWAN SWEDEN JOGA U TAGAYNA LADHAHAY ANAGA KULI WANU WADA DIRNAY KUWII ADDISNA WAXAY LEEYIHIIN KUWA ILMAHA O KALIYA AYA NSOO GARAY MARKA SOMALI IYADA UGU WACAN IN LALUUSH LAGA QATO WAYO KULIGOOD WAA ISKU XAASID OO MIDNA MIDKA KALE EE WALALKIIS AH WAXBA UMA OGOLA SOMALI DAMIIR LAAY KULIGEED ISKU XAASID

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  23. marwo says:

    Waan idin salaama dhamaan dadka soomaliyeed ee ku xiran webkan. Waa sida dadkii iga horeeyay ba sheegeene aritaan waa arin. Jita anaga xata waa nala way diiyay waanan diidnay kiiskayagiina hada diidmo ayaa nala siiyay marka jimcaale waad ku mahad santay dabagalka aritaan

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 1

  24. anwar says:

    walaal arintaasi ma aha mid ku kooban oo kaliya safaarada Adisababa,ee waa howl ka wada socota safaaradaha Sweden ee bariga Africa,taasoo ay adagtahay in la’aanteed lagula hadlo ama wax laguu qabto.
    Dadka dhibaataysay ee Soaamaalida ah oo qoysaskooda mudo fog ugu danbaysayna waxa ay xitaa diyaar la yihiin hadii la waydiisto qarash aad u badan si ay oola midoobaan
    reerahooda. Hdaba waxaan filayaa in wax wayn ay ka tari doonto hadii ay dowlada Sweden digniin ka bixiso arintaasi ku aadan laaluushka ay qaadanayaan shaqaalaheeda, isla markaana waa in ay safaaradu lahaataa xafiis gaar ah oo wax ka qaban kara arintaasi, sababtoo ah dadku waxay ka baqayaan in dhibaato ay kala kulmaan hadii ay ka hadlaan arintaan,ama kiiska lagu adkeeyo.

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  25. jeylaani muuse says:

    asc wad mahadsantihiin runtii anoo kamid ah dadka joga addis ababa oo dacwada uga socotay safarada swden inkabadan 3 sano waxan orankaraa waa wax jira in laluush laqaato waxana haya cadaymo badan lakiin waxan k abaqaya in waxba laga qaban waayo hadansheego waayo inkabadan 7 bilood ayan sugaya inlayga qaado DNA tast waxa jira dad iga danbeyey oolaga qaday sidaa darted wa jiraa laaluush wana xaqiiq

    U codee: Thumb up 2 Thumb down 0

  26. lalush diide says:

    Asc walalayan kolay somali ayaa waxan ka og lakin ilahay ayaa u jeeda malinta yawmul qiyamo ayaa wax laga waydin dona-

    walal ma jra qof war ka war ka haye lacagta u buxinayo qofka haysta beslutklas AC marka safarada la tagayo snälle aritas iga wacayo hadi aad war ka haysan

    tack

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  27. iniin says:

    aniga waxan ogahay in xitaa cadanka meesha jooga ay bilaabeen in dadaka wayeelkaa ku cayaran aa inta labaro beena warqad ugu qoraan aya dhaya biri ku imaa marka aya wardiyaha u imadan uu dhahayo hit aa aoa baxa warqadan maba aqane

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  28. fatimina says:

    asc
    laaluush diide aniga aya heso beslutklas AC oo familkeyga dacwad u xareyaya wax lacag ah ma bixinin hada marka ogolasha le siyay an bixiyay lacagta fom viza ah marka waa saas

    U codee: Thumb up 2 Thumb down 0

  29. dhibane says:

    asc all walaalaha muslimka ah qaasatan aad ayaan u salaamayaa jimcaale hadaan ka hadlo ana ra,yigayga ku aadan in ay laaluush qaataan safaarada addis waa run waana wax jira taas waayo xaaskayga gabar ay deris yihiin ayaaba laga qaatay 300$ waana wax jira oo aan iska dhahayn waayo markii ay dhiibaysay waxay dhaheen si dhaqsi leh ayaan kuugu soo wacaynaa sida lagaaga qaado DNA ga wayna dhacday oo waa loo yeeray familkaygana 8bilood ayaa laga joogaan markaan dib u codsaday ilaa hadana wax jawaab ah mahayo reerka lacagta laga qaatayna way iga danbeeyeen laaluushna waa jiraa waxaana qaata soomaalida iyo ethiopianka si qofka looga soo dadajiyo howsha waayo qofka oo aan DNa laga qaadin kiiskiisa looma soo gudbinaayo sweden qofkii dhahaayo laaluush lama qaato aniga laygama qaadin lee ku ekoow lkn ha dhihin lama qaato thnz all

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  30. xusni saacid says:

    as wr wab

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  31. xusni saacid says:

    as wr wab marka hore marka xigta waxan la ocona oo iska cad in waxa dadku sheegaan ey wax un ka jiraan marka halo dhaba galo hana loo fiirsado warkaas aan leeyahey aniga wana salamantihiin by

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  32. hanad says:

    DHAMAAN ASXAABTA WAX IDIN WAYDINLAHAA QOFKI KAHAYA WAX KA CUSUB ARIMAHA 2SANO ARINTA AYAA JECLAAN LAHAA QOF FIKIR BADAN KAHAYA OO KUDHACDAY INU IGA SHEKAYO IDIINKU AAD UMAHADSAN JIMCAALENA WA JECLAAN LAHAA ARINTAA WIXI KASO KORDHA INU NALA SO SOCODSIIYO

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0