Safaarada Sweden ee Addis Ababa

8

Safaarada Sweden ay ku leedahay magaalada Addis Ababa ee Dalka Ethiopia ayaa ilaa bilowgii sanadkaan joojisay lacagtii fiiga ee laga qaadijiray dadka dalbanaya sharciga Sweden.

Safaarada ayaa xitaa joojisay su’aalihii interviewga ee xog aruurinta ahaa. Si aan ugu kuur galo arintaan ayaa waxaan wax ka waydiiyay sargaal ka tirsan safaarada Sweden kaasoo ii sheegay in ay tani ka dambeyso sharcigii soo baxay sanadkii hore ee shuruuda baasaboorka lagu saaray Soomaalida.

Mar aan su’aalay in caruurta laga qaadayo lacagta ayuu ii sheegay in uusan jecleyn in uu arintaas ka hadlo balse waxa uu ii sheegay in caruurta laga qaado fiiga maadaama DNA laga qaado asagoo intaas ku daray shuruuda baasaboorka in aysan Soomaalida keliya ahayn.

Waxa u balan qaaday in uu i casuumi doono waqti aan fogeyn.

Si kastaba ha ahaatee safaaradaha ayaan wax awooda meesha ku lahayn oo go’aanka dhabta ah waxa laga sugayaa maxkamada Socdaalka ama baarlamaanka Sweden.

Ahmed Abdikarim Hussein (Ahmed Dhicis), Addis Ababa, Ethiopia

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here