Safaarada Sweden ku leedahay magaalada Nairobi ee caasimada Kenya ayaa xirnayd ilaa sanadkii hore iyadoo aysan wali shaacin taariikhda dhabta ah ee la furayo. Afhayeenka wasaarada arimaha dibeda Sweden Anders Jörle oo wareysi siiyay telefishinka SVT ayaa sheegay in safaarada loo xiray qatar amaanka ah oo sanadkii hore soo gaadhay. Safaarada ayaa la go'aamiyay in loo raro goob ka amaan badan midii hore. Mar la waydiiyay xiliga ay shaqada safaaradu dib u furmeyso ayuu sheegay in ay furmi doonto bisha soo socota ee July balse ma cadeyn maalinta. Waxaa kale oo uu cadeeyay in ay safaarada haysato lacag la'aan oo sidaas darteed ay dhibaato noqon karto in ay qaabilaan kiisas badan oo dacwo ah. Safaarada ayaa u baahan doonta 47 milyan oo karoon oo wax looga qabanayo arimaha mideynta qoysaska. Mar wax laga waydiiyay dadka caruurta leh ee hada ku sugan Nairobi waxa ay sameynayaan? ayuu sheegay in labo mid ay sameeyaan, in ay sugaan ama in ay dacwada ka xareystaan safaaradaha kale ee Sweden sida Addis Ababa ama Kampala.

Safaarada Sweden ee Nairobi goorma ayaa la furayaa?

Safaarada Sweden ku leedahay magaalada Nairobi ee caasimada Kenya ayaa xirnayd ilaa sanadkii hore iyadoo aysan wali shaacin taariikhda dhabta ah ee la furayo.

Afhayeenka wasaarada arimaha dibeda Sweden Anders Jörle oo wareysi siiyay telefishinka SVT ayaa sheegay in safaarada loo xiray qatar amaanka ah oo sanadkii hore soo gaadhay. Safaarada ayaa la go’aamiyay in loo raro goob ka amaan badan midii hore. Mar la waydiiyay xiliga ay shaqada safaaradu dib u furmeyso ayuu sheegay in ay furmi doonto bisha soo socota ee July balse ma cadeyn maalinta.

Waxaa kale oo uu cadeeyay in ay safaarada haysato lacag la’aan oo sidaas darteed ay dhibaato noqon karto in ay qaabilaan kiisas badan oo dacwo ah. Safaarada ayaa u baahan doonta 47 milyan oo karoon oo wax looga qabanayo arimaha mideynta qoysaska. Mar wax laga waydiiyay dadka caruurta leh ee hada ku sugan Nairobi waxa ay sameynayaan? ayuu sheegay in labo mid ay sameeyaan, in ay sugaan ama in ay dacwada ka xareystaan safaaradaha kale ee Sweden sida Addis Ababa ama Kampala.

Faafi mowduucaan

Jimcale

Asc ku soo dhawaada Somaliska.com. Waxaan rajaynayaa in aad ka faa'idaysateen mowduucaan isla markaana aad fikrado qiimo leh ku darsan doontaan. Xumaan, qabyaalad, aflagaado iyo arimaha siyaasada Somaliya waa ka manuuc halkaan. Fadlan aan iscaawino oo su'aalaha qofkii jawabaha haya dadka ha u faa'ideeyo. MAHADSANIDIIN!

Akhriso mowduucyo kale oo xiiso leh...

17 Responses

  1. Saacid says:

    waxaan u sheegayaa dhamaan akhristayaasha somaliska iyo masuuliyiinta somaliska in aan heley ogolaanshahii reerkeyga ka dib markii DNA laga qaadey caruurteyda iyo anigaba, hadda waxaan joogaa kampala waxaana la iga qaadey faro iyo sawir iyo saxiix, iyo lacag u dhiganta 150 dollar. waxaana la igu dhahay kaarkii sharciga ayaa laguu soo sameynayaa waxeyna qaadanee ugu badnaan 4 weeks, iyo ka dib pass iyo visa ayaan ku siineynaa waadna bixi kartaa. waxaa ilaa hadda loo ogolaadey 20 tameeyo qooys iney baxaan sida ay ii sheegtey gabar tarjumaan ka ah safaaradda. Nabadeey

    U codee: Thumb up 2 Thumb down 0

  2. omar says:

    Asc dhamaan inta ku xeran webka iyo jimcale sxb saacid wan ku hambalyeynaya adiga iyo inta heshay oo dhan waxan ku weydiinaya caruurtaada ma kuwa qaangarka ku dhaw baa?

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  3. guuleed says:

    salaan guud dhamaan Umad waynta soomaaliyeed.anigu waxaan deganahay magaalo ay degan yihiin dad soomali ah ku dhawaad 600 famli weli qof ogolaaansho la siiyey in dhahaygu ma arag ee ithopia war keeda halaga soo waramo aniagu ma hayno wax la ogolaaday iyo wax sharci la siiey mid neeeee by nabaday huno

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  4. ayaan says:

    asc dhamaan walal siciid walaanaqal qofbaa la siiyay ogolaasho ma gubtaa mida lake noogasoo warama xaga adis ababa

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  5. yaska says:

    saacid sxb kampala ilmaheyga ayaa joga wax la ii shegayna ma jiraan oo ogolaansho ah sxb waxaad sheegeyso malahubaa mesha waxaa degan qoysas badan oo safarada wax badan ka xareystay mana ka maqlin sxb telkaga so qor sidan wax kaga weydiiyo arinkaas nabadey aan is maqalno nabadey

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  6. Gabar Soomaaliyeed says:

    ASC DHAMAAN WALAAL GUULEED HADAAN KAAGA JAWAABO ARINTA ADIS ABABA WAXAAN AQANAA FAMIL LA KEENAY NIN LOO KEENAY XAASKIISA IYO ILMIHIISA OO AAY KA YIMAADEEN ITOOBIYA WAXAANA DAGANAHAY KATRINEHOLM WAXAAN LEE YAHAY FAMILADA ILAAH DEG DEG HANOOGU KEENO WAA HADII EEY QEERKA NOOGU JIRO WABILAAHI TOWFIIQ

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  7. bushra xaaji says:

    GABER SOOMAALIYEED waa ku salaameyaa salaan ka bacdi walal waxaa ku weydiinayaa famelka la keeney aad sheegtey huuno ma wax dhab ah oo yimaadeen miyaa

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  8. xamda says:

    walal dadka haku ciyaarina waa dad dhibaataysan kaftan ma gayaam

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  9. guuleed says:

    gabadh somaliyed aad ayaan kuu salamayaa arintaaas Aad sheegtay mahad sanid

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  10. FM says:

    Baafis.com

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  11. Carees says:

    Wan idin salaamay dhaman u mada somaliyed salan kadib benta iyo kaftanka hanagaladayo tankale aniga waxan raba in aan narobi dacwada kaxareso manahubo waxan kalakulmidono mase waxan kaxaresta adis ababa ama kambala talo waa tii rabiye talo halesiiyo

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  12. sagal says:

    asc

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  13. Najma says:

    Ku Carees. walaal waxay ila tahay Addiss dadkaa kubadan waxii alaqadarona way imaan. Ee Nairobi iyo Kampala aad dadyar waligoodna Addiss ka fududaa.

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  14. wiilsoomaaliyeed says:

    walaalayaal waan idiin wada salaamay waxaan joogaa dalka yaman aniga iyo caruurtayda waxaan safaarda u gudbinay warqadaha dna weli wax jawaab ah kama heli waxaa ka soo wareegay mudo bil iyo xoogaa laakiin famila kale ayaa laga qaaday DNA anigasa weli waan sugayaa allaha noo fududeeyo haduu qayr noogu jiro wixii aqbaaraad ah oo ku saabsan haday jiraan nala soo socodsiya walaalayaal waad mahad san tihiin tell 00967736560808 yaman sanca

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  15. jamaaaL says:

    waxaan la yaabay xafiiska hawlaha sweden ee ku taala sanca-yemen(safaarad sweden kuma laha yemen) sababta ay lacago cusub uga qaadeyso dadkii hore diidmada u helay oo hada mar cusub xareynaya codsi illeen hore ayey lacagihii u baxsheen.talow meelwalba ma sidaabaa safaaradaha addis iyo kampala.ilaah ha u fududeeyo dadka kala maqan.

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  16. Mazbal says:

    Asc asaxaabta waxa joga kampala marka dad badan aa ogalansha helay oo visada la siiyay waxa daris ila ah family july swedan u socda marka allaha noo fududeyo inta sugeyso hada howsha way kala socota waliba si wanagsan

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  17. Bile Norwey says:

    Asc ww,walaal Jimcaale waxaan rabaa inaad ii sheegto maanta ay taariikhdu tahay 3July safarada Sweden aykuleedahay magaalada Nairobi mafurantahay mashaqaynaysaa Jawaab iga soosii wabilaahi tawfiiq

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0