Safaarada Sweden ay ku leedahay dalka Uganda ayaa ku jirta liiska dhowr safaaradood oo laga yaabo in ay xirto wasaarada arimaha dibeda ee Sweden. Sweden ayaa horey u go'aansatay in ay xirto 5 safaaradood ka dib markii baarlamaanka ay yareeyeen miisaaniyada dowlada. Balse liiskaan cusub ayaa lagu soo bandhigay safaaradaha Sweden ay ku leedahay wadamada Guatemala, Jordan, Cyprus iyo Uganda waa haddii ay dowlada u baahato in ay is le'keysiiso miisaaniyadeeda cusub. Wararka qaar ayaa sheegaya in Wasiirka Arimaha dibeda Sweden Carl Bildt uu go'aansaday in uu xiro safaaradaha ay ku jirto mida Uganda sanadka soo socda. Haddii dowlada ay ka dhabeyso xiritaanka safaarada Uganda ayay arintaan waxay dhabarjab weyn ku noqon kartaa dadka Soomaaliyeed ee dacwada ka dalbaday dalkaas iyo kuwa qorsheynaya ayadoo Uganda ay noqotay goob muhiim u ah Soomaalida beryahaan dambe.

Safaarada Sweden ee Uganda oo laga yaabo in la xiro

Safaarada Sweden ay ku leedahay dalka Uganda ayaa ku jirta liiska dhowr safaaradood oo laga yaabo in ay xirto wasaarada arimaha dibeda ee Sweden. Sweden ayaa horey u go’aansatay in ay xirto 5 safaaradood ka dib markii baarlamaanka ay yareeyeen miisaaniyada dowlada.

Balse liiskaan cusub ayaa lagu soo bandhigay safaaradaha Sweden ay ku leedahay wadamada Guatemala, Jordan, Cyprus iyo Uganda waa haddii ay dowlada u baahato in ay is le’keysiiso miisaaniyadeeda cusub.

Wararka qaar ayaa sheegaya in Wasiirka Arimaha dibeda Sweden Carl Bildt uu go’aansaday in uu xiro safaaradaha ay ku jirto mida Uganda sanadka soo socda.

Haddii dowlada ay ka dhabeyso xiritaanka safaarada Uganda ayay arintaan waxay dhabarjab weyn ku noqon kartaa dadka Soomaaliyeed ee dacwada ka dalbaday dalkaas iyo kuwa qorsheynaya ayadoo Uganda ay noqotay goob muhiim u ah Soomaalida beryahaan dambe.

Faafi mowduucaan

Jimcale

Asc ku soo dhawaada Somaliska.com. Waxaan rajaynayaa in aad ka faa'idaysateen mowduucaan isla markaana aad fikrado qiimo leh ku darsan doontaan. Xumaan, qabyaalad, aflagaado iyo arimaha siyaasada Somaliya waa ka manuuc halkaan. Fadlan aan iscaawino oo su'aalaha qofkii jawabaha haya dadka ha u faa'ideeyo. MAHADSANIDIIN!

Akhriso mowduucyo kale oo xiiso leh...

15 Responses

  1. najma says:

    asc jimcaale waxaan halkan kaga soo gudbina

    salaan.waana mahadsan tahay aqbarta halkaan nogu soo gudbisid.walaalow su.aal ayaan ku weydina.

    gormey xirayaan safarada ugandha.dadka indifiyuga marayaan.bisha soo socoda.maxaay uu go.amiyen.

    ilahey hanoga soo qado.

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

    • Jimcale says:

      walaal wali lama dhihi karo 100% safaarada waa la xirayaa balse waxay ku jirtaa liiska laga yaabo in la xiro haddii loo baahdo in safaarado kale ay xirto Sweden. Marka haddii wasaarada arimaha dibada ay soo saarto war sugan oo oranaya waqtigaas ayaa la xirayaa safaarada waan soo qori doonaa. Insha Allah

      U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  2. astaahil says:

    waad mahadsan tahay walaal jimcaale markasta oo aad noo soo gudbisid arimaha soomaalida aboowe jimcaale wax wara managa siin kartaa mase ka haysaa keenida dadka xaqootiga soomaalida mahadsanid waalo

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

    • Jimcale says:

      Astaahil: wax cusub ma maqal oo la xiriira arimaha soomaalida, Laanta Socdaalka waxaan isku ognahay in ay nala soo socodsiiyaan haddii uu soo baxo go’aanka la filayo.

      U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  3. faadil says:

    jimcale safaarada uganda ma waxa la xiraya sandka so socda ee 2011 ka mase sanadkan aya laga wada kan cusub sxb …. mahad sanid

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  4. faadil says:

    waxan kawada sanadka 2012 ka so socda maa la xiraa mase kan cusub on hada galnay

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

    • Jimcale says:

      faadil: wasaaradaha arimaha dibada waxay soo saartay liiskii hore bishii december 22. waxaa macquul ah in laga wado sanadka soo socda ama midka aan hada ku jirno, ilaa hada ma cada waayo 100% lama go’aamin in la xirayo safaarada waxaan sugnaa waa war cad oo ka soo baxa wasaarada arimaha dibada.

      Insha Allah waan la xiriiri doonaa in ay noo xaqiijiyaan warkaan.

      U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  5. NUUR says:

    walaal wakusalamay hadana wakumahadsantahay warkan noo so gudbisay. dadka dacwadu ugafurantahay hadii safarada laxiro dacwadooda mala dhameystiri doonaa, miise wala kansali (cancel) doona dacwada?

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  6. Abdulkadir says:

    SC jimcaale
    rajo intee la eg ayaa laga filaayaa in ay ogolaadaan Somaalida u xareysan codsiga sweden ee dhoofida sanadkan 2011?

    mahadsanid

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  7. Abdalla says:

    Dhamaan waad salaaman tihiin walaalayaal gaar ahaan bahda webka intaa ka dib wixii war ah oo ku saabsan arimaha dad isu keenida waxaad ka ogaan kartaan webka laanta socdaalka migrationsverket.se asigoo svenska ah asagoo laturjubaanay waxaa diyaar nooga soo dhigaya sxbkeena Jimcaale insha Allaah oo kaalin muhiim ah ka qaatay arimaha quseeya dadka soomaalida ee eheladooda ka maqan yihiin walaal jimcaale Alle kadib waan kuu mahad celinayaa marka labaad Tusen tack.

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  8. Ugas says:

    Maxaa ka soo baxay fadhigii maxkamada laanta socdaalka ee wax ka bedelistii sharciyada isu keenista qoysaska laka maqan?
    Mahadsanid

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  9. ikraan mahamuud says:

    asc walaal waad mahadsan tahay sidaad aad aqbarta nolaa socood siiso walaal maxaad umaleey neeysa daadka intarview maraay ee ugand uga xareeysan ineey noqon doonto rajadooda madama laxiirayo insha allah waxii sokordha waanka sugeeyna allah ajiir hakasiiyo amiin

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  10. hassan says:

    maxaa ka soo cusboonadey xiritaanka safaaradda sweden kutaalla dalka uganda jicmacaalle maxad arinkaas ka ogtahay? Dadweynaha fikaradahoda ka soo jeedsadey halkaan maxaase u aragtaan oo dhib ah

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  11. Cabdiwali says:

    Wan kusalamay jimcaale wadkumahadsantahay sida sharafta leh ad kusotabinayso wararka xaqiiqda kusalaysan rajo intee le ,eg ayaa laga qabaa in dadka dacwada u xaraysantahay la aqbalo

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 1