Safaarada Sweden oo dadka Muqdisho u suurto galisay in ay codeeyaan

6

Safaarada Sweden u qaabilsan Somalia ee xarunteeda tahay magaalada Nairobi ayaa shalay magaalada Muqdisho ku qabatay kulan ay dadka Soomaalida ah ee Sweden ka yimid kaga qeyb qaadan karaan doorashada wadanka. Sida ay qaar ka mid ah dadkii codeeyay u xaqiijiyeen idaacada Sweden.

Safaarada ayaa la sheegay in ay dadka u diyaarisay goob ay ku codeeyaan oo ka dibna warqadaha cododka boostada la soo dhigi doono. Dadka la hadlay SR ayaa sheegay in labo qof oo ka socotay safaarada ay goobta xaadir ku ahaayeen.

Xaflada doorashada ayaa socotay subaxnimadii saacadaha 0:900-12:00. Arintaan ayaa ah mid taariikhi ah oo markii ugu horeysay laga sameeyay Somalia. Iyadoo dadka Soomaalida ah ee Sweden ka yimid ay fursad u heleen in ay gutaan waajibkooda doorasho iyaga oo Muqdisho ku nool.

Sweden ayaa safaarad u magacowday Somalia balse shaqaalaha iyo safiirka ayaa ku nool Nairobi iyagoo si joogto ah booqasho ugu taga magaalada Muqdisho.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here