Safarkaygii Islaamka: Bruce waxa uu ahaa Kiristaan aan qanacsanayn

13

Maanta waxaan qaadaneynaa qisadii ugu horeysay ee ku saabsan Muslimiinta cusub ee diinta Islaamka qaatay. Ninka lagu magacaabo Bruce Paterson waxaa uu ahaa nin Kiristaan ah oo aan ku qancin diintiisa. Hadaba isaga ayaa nooga waramaya wadadii uu u soo maray Islaamka. 

Waxaan jeclahay in aan idinla wadaago safarkii aan u soo galay Islaamka aniga oo aaminsan in ay waayo aragnimo u noqon karto dadka kale. Dhamaanteen waxaan ka soo jeednaa dhaqamo kala duwan iyo diimo kala duwan oo dadku ay ku jahwareereen. Markii aan u fiirsano aduunyada waxaan aragnaa waa dagaal, faqiirnimo iyo dambi. Balse markii aan fiirino qaabkii aan u soo kornay waxaa muuqata in inteena badan aan iska indho tirayno dhibaatadaas.

Dadka badankoodu waxay go’aansadaan in ay ka leexdaan xaqiiqada nolosha oo aysan isweydiin su’aalaha muhiimka ah sida Waa maxay xaqiiqadu? Maxaa aduunka i keenay? Sababta noloshu waa maxay?

Aniga oo jawaab u raadinaya su’aalahaas ayaan bilaabay safarkayga oo ila soo maray wado dheer. Waxaan ka dhashay reer Kiristaan ah sida caadiga ah baaritaanka waxaan ka bilaabay diinteyda. Waxaan bilaabay in aan akhriyo Baybalka iyo in aan su’aalo waydiiyo baadariga. Jawaabta aan helay waxay ahay “Cakhiido yeelo”. Baybalka waxaan ka akhriyay hadalo badan oo is khilaafsan. Waxaan iswaydiiyay. Ilaahay hadalo isqilaafsan kuma hadlo?

Waxaan go’aansaday in aan isaga tago Kiristaanka iyo xitaa aanan firin diinta Yuhuuda oo waxaan xaqiiqsaday in ay yihiin diimo wax laga badalay. Waxaan wajahay diimaha Aasiya sida Budhisimka iyo diimaha qabiilada. Qaasatan waxaan mudo ku biiray Budhisimka oo madaxayga uu ku dagay balse aanan wax jawaab ah ka helin. Waxay isku dayeen in ay ka leexdaan dhamaan su’aalaha oo mararka qaar waxay ila muuqatay caruur nimo.

Markii aan isaga tagay Budhisimka waxaan ku safray caalamka waxaan la kulmay diimo badan oo qabiilada ay isticmaalaan qaar badan waxaan ka helay xaqiiqooyin dhab ah balse waan u aqbali waayay in ay yihiin diin dhamaystiran.

Waxaan dareemay jahwareer oo waxaan go’aansaday in aan iska indho tiro xaqiiqada. Waxaan is dhahay maba jirto xaqiiqo oo macquul ma ahan in ilaahay uu diin gooni ah u sameeyo koox kasta. Kama dambeystii waxaan go’aansaday in aan ducaysto. Waxaan ku ducaystay “Ilaahoow haddii aad jirto i hanuuni, wadada saxda ah ugu hanuuni” markaas ayay ii furantahay wadada aan ku helay Islaamka.

Islaamka waxaan ka aqaanay waxyar oo aan ka arkay telefishinada, balse waxaa i cajabiyay markii aan akhriyay Quraanka iyo guud ahaan Islaamka. Markasta oo aan Quraanka akhriyo waxaa ii soo baxday xaqiiqo iyo jawaabaha su’aalihii aan qabay. Farkhiga ugu weyn ee Islaamka kaga duwan yahay diimaha kale ayaa ahaa farqiga loo dhaxaysiiyay Abuurka iyo Abuuraha. Muslimiintu waxay caabudaan Abuuraha. oo keliya. Inta badan diimaha kale waxay ku qaseen in la caabudo abuurka ama lala xiriiriyo ilaahay.

Markii aan akhriyay Quraanka waxaa isku soo ururay dhamaan waxyaabihii kala duwanaa ee aan ka bartay diimaha kale iyagoo hada aan fahmay waxyaabo badan oo aanan horey u fahmin. Quraanka waa buuga nolosha guud ahaanteeda.

Waxaan jeclahay in aan ugu baaqo dhamaan dadka in ay akhriyaan Quraanka, Xaqiiqada islaamku waxay ku taalaa Quraanka. Islaamka aan ka maqalno reer galbeedka iyo telefishinada ma ahan midka saxda ah. Waxaan idin rajeynayaa Guul!

Intaas ayuu ku soo afjaray Bruce safarkiisii dheeraa.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here