Safarkaygii Islaamka: Diana waxaa diinta ku soo jiiday dabeecada wanaagsan ee Muslimiinta

17

Waa markale iyo khisooyinkii xiisaha badnaa ee ku saabsan Muslimiinta cusub ee diinta Islaamka qaatay. Gabadha lagu magacaabo Diana Beatty  waxay la colowday reerkeeda si ay u qaadato hanuunka Allah. Waxaa Islaamka ku soo jiitay dabeecada wanaagsan ee Muslimiinta. Hadaba iyada ayaa nooga warameysa wadadii ay u soo martay Islaamka.

Magacaygu waa Diana Beatty dadka qaarna waxay iigu wacaan magacayga Islaamka Masooma Amtullah waxaan ahay 23 jir oo waxaan Muslimay 3 sano ka hor. Waxaan dhigtaa jaamacad oo aan ka dhigto Fiisigis. Asalkeyga waxaan ka soo jeedaa gobolka Colorado ee Maraykanka. Waxaan ka dhashay reer iska caadi ah balse aabaheen uu yahay aalkoliiste dhibaato badan ka dhex abuuray gurigeena. Hooyaday waxay ku nooshahay guur aan farxad lahayn maadaama uu aabahay si xun ula dhaqmo isla markaana uusan ogoleyn in xitaa ay asxaab yeelato. Xiriirka reerkeena waxa uu gaaray in aan kala fogaano balse aanan guud ahaan isdhaafin.

Markii aan jaamacada galay ayaan markii ugu horeysay la kulmay Muslimiin. Waqtigaas ayaa iigu horeysay in aan macluumaad ka helo Islaamka, markii hore waxba kama aqoon ama waxyar oo qalad ah ayaan ka fahansanaa. Waxaa i soo jiitay diinta Islaamka qaasatan markii aan arkay dabeecada wanaagsan ee Muslimiinta iyo sida ay ugu dadaalayaan cibaadada. Diin ku saleysan guud ahaan nolosha waa waxa aan raadinaayay balse xiliga aan Muslimiinta la kulmay waxaan ahaa qof diinta Kiristaanka aad ugu dhagan Baybalka ayaan aad u akhrin jiray.

Markii ugu horeysay ee aan Quraanka akhriyay waxa uu ka jawaabay su’aalo badan oo aan jawaabahooda Baybalka ka waayay balse ma jeclaysan akhrinta Quraanka maadaama uu diiday in nabi Ciise uu yahay wiilka ilaahay iyo waxyaabaha ku saabsan dagaalada ee ku qoran balse dabeecada wanaagsan ee Muslimiinta ayaa dib iigu dhiiri galisay in aan sii akhriyo Quraanka.

Waxaan isweydiiyay sida Baybalku sax ku noqon karo Quraankuna qalad ku noqon karo maadaama labadu ay aad isugu dhowyihiin, waxaan dareemay in ay yihiin labo buug oo hal il ka soo baxay. Waxaan xitaa xasuustaa in macalinkeyga Baybalka uu yiri Quraanku waa buug sheydaan balse arintaas waa iga dhaadhici waysay.

Waxaan bilaabay in aan Baybalka iyo Quraanka si isbarbar dhig ah u akhriyo taasoo keentay in toosh aan ku daaro Baybalka waxaa durbadiiba ii soo baxay qilaaf iyo qaladaad aanan horey u arki jirin, iyadoo baadariyaashu nagu oran jireen “caqiido yeelo”. Waxaa kale oo aad ii cajibayay sida Quraanka uga hadlayo Allah iyo ujeedada nolosha. Waxkasta oo aan Quraanka ka akhriyay waxay iila muuqdeen macquul. Waxaan mudo dhowr bilood ah tartan dhex dhigay Islaamka iyo Kiristaanka balse ugu dambeyntii Islaamka ayaa guuleystay.

Waxaan yaqiinsaday in Islaamku uu yahay diinta saxda ah ee ilaahay u soo diray bani’aadamka. Markaas ayaan go’aansaday in aan Muslim noqdo balse bilowgii hore aad ayay iigu adkaatay Muslimnimada.

Waxaa aad iigu adkaatay in aan cadeeyo in qofkasta oo aan aqaanay sida waalidkey, macalimiintayda iyo asxaabtayda ay qaldanyihiin oo anigu aan saxanahay. Waxaa aad iigu adkaatay in aan khilaafo reerkayga oo aan sameeyo shey aan ogahay in ay igu nacaybsanayaan. Waxaa aad ii cabsi galiyay sida ay ii arki doonaan reerkeyga iyo maamulka shaqada. Balse waan ku qasbanaa in aan raaco wadada cusub ee aan doortay.

Reerkayga way necbaysteen wadadaas balse guud ahaan iima dayrin. Balse xiriirkeena guud ahaan waa isbadalay, qaasatan hooyaday waxay aad u dhibsataa dharka xijaabka ee aan xirto, xitaa waxay ii soo dirtaa fariimo Kiristaan ah iyada oo isleh gabadhaada way soo noqon doontaa. Markii ugu horeysay ee aan xijaabka xirto xitaa way ilmaysay oo waxay ii soo qortay warqad ay leedahay waxaan noqday carab oo waan ka leexday dhaqankii ay igu soo korisay.

Waxay kale oo iska dhaadhiciyeen in aan waxkasta u sameeyay ninkeyga (Waxaan guursaday wiil Muslim ah) oo xitaa ma aysan soo dhawayn isaga. Ugu dambeyntii xitaa waxaa igu adkaatay in aan joojiyo waxyaabaha aan xalaasha ahayn sida cuntada, qamriga iyo salaada oo aanan bilaabin markastana waxaan ka cabsaday in aan reerkayga khilaafo.

Qaar ka mid ah dadkii aan aqaanay waan isdhaafnay oo xiriirkeenii wuu soo afjarmay balse inta badan dadka way aqbaleen in aan Muslim ahay, qaasatan xaga shaqada wax dhibaato ah kama imaan. Wax cunsuriyad ahna layguma sameyn.

Runtii waa adagtahay in loo sharxo qof kale sida Islaamku qof u badali karo. Aniga Islaamku guud ahaan waa i badalay. Waxaan noqday qof kale. Waxaa si aan shaki lahayn iigu cadaatay ujeedada aan aduunka u joogo iyo waxyaabaha layga rabo in aan sameeyo. Qorshaha ilaahay ayaa ii cadaatay . Waxaa ii kala cadaatay sax iyo qalad marka loo barbar dhigo Kiristaanka oo aan la hubin wixii sax ah iyo qixii qalad ah balse lagu socdo indho la’aan. Haddii aad su’aal keento lagu leeyahay “caqiido yeelo”.

Markii aan Muslimay waxaan xaqiiqsaday in aan lunsanaa markii hore oo xitaa aanan dareemin balse markii aan islaamka qaatay waxaan dareemay in aan hada gurigaygii imid. Islaamku sidoo kale waxa uu kor u qaatay heerka noloshayda, qaasatan dumar ahaan waxaan dareemay sharafta ay leeyihiin dumarka Muslimiinta ah iyo sida wanaagsan ee ay ula dhaqmaan ragga Muslimiinta ah ee wanaagsan xaaskooda. Dumar ahaan sidoo kale waxaan dareemay in aan hada gurigayga imid. Islaamku waa guriga dumarka.

 

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here