Safarkaygii Islaamka: Ron Mastro waxaa wadada u furay buug yar [Video]

7

Waa markale iyo khisooyinkii xiisaha badnaa ee ku saabsan Muslimiinta cusub ee diinta Islaamka qaatay. Ron Mastro waxa uu ku dhashay dalka Maraykanka balse waxa uu Islaamka ka helay wadanka Czech. Waxa uu nooga waramayaa sidii uu Muslim ku noqday.

Mahad Allah ayay u sugnaatay, magacayga waa Ron Mastro waxaan jeclahay in aan idinkaga waramo sidii aan Islaamka ku helay aniga oo akhriyay buugaagta uu qoro Harun Yahya.

Yaraantaydii waxaan ku soo barbaaray Kiristaan, Axad kasta waxaan aadi jiray kaniisada iyo iskuulka Axada sida caruurta Maraykanku ay sameeyaan. Balse markii aan gaaray 10 sano ayaan joojiyay in aan aado kaniisada, su’aalo badan ayaa igu dashay oo aanan jawaabtooda ka helin Kaniisada. Qaabkii ay wax iigu sharaxeena waa i qancinwaayay.

Ka dib waxaan bilaabay in aan guud ahaan iska ilaawo diimaha. Wax xumaan ah ma sameyn balse waxaan iska ilaaway in uu jiro Allah iyo xitaa in uu abuuray bani’aadamka. Waxaan ilaaway jaceylka Allah uu u qabo bani’aadamka.

Waqti ka dib ayaan u soo guuray magaalada Prague ee dalka Czech. Waa magaalo qurxoon oo dhismayaasheeda iyo qaabka ay u dhisantahay ay indhaha soo jiidanayaan. Maalin maalmaha ka mid ah ayaan aniga oo guriga u socda waxaan hor istaagay dukaan yar oo buugaagta lagu iibiyo. Inta badan buugaagta taalay waxay ku qornaayeen afka Czechga balse indhahaygu waxay durbadiiba qabteen hal buug oo English ku qoran oo ciwaankiisu ahaa ““Matter: The Other Name for Illusion” oo uu qoray qoraaga Harun Yahya. Maadaama uu ahaa buuga keliya ee English ku qoran, waxaan go’aansaday in aan iibsado.

Daqiiqadii aan guriga tagay ayaan bilaabay in aan akhriyo buuga. Markii aan sii akhriyay waxaa ii soo baxday in aan helay jawaabo badan oo ku aadan su’aalihii aan qabay mudo dheer. Su’aalahaas waxaa ka mid ahaa WAA MAXAY XAQIIQADU? WAA MAXAY NOLASHU? waxay ahaayeen suaalo aanan jawaab u helin waqtigii aan yaraa.

Markii aan xoogaa sii akhriyo buuga waxaa ii soo baxay aqoon dheeri ah iyo aragti cusub. Indhahayga ayaa furmay oo waxaan bilaabay in aan qaab kale wax u arko. Markii aan dhameeyay buuga ayaan bogga ugu dambeeya ka daalacday bogga internetka ee Harun Yahya.

Waxaan furtay kombutarka oo waxaan bilaabay in aan akhristo buugaag iyo filimaan uu sameeyay Harun Yahya. Waxay ahaayeen runtii macluumaad si heer sare ah loo diyaariyay. Waxaanan ka helay jawaabo badan oo aan mudo dheer ku wareersanaa ama iska ilaaway.

Buugaagta Harun Yahya ayaa waxay igu abuureen xiiso ku saabsan Islaamka markaas ayaan go’aansaday in aan raadsado Quraanka oo aan bilaabay in aan akhriyo. Waxaan akhriyay suurada ugu horeysa ee Quraanka, dhowr maalmood ka dib wadnahayga ayaan ka dareemay in kani uu yahay xaqiiqada.

Waxaan xaqiiqsaday in Quraanku uu yahay buuga dhabta ah ee Allah u soo diray bani’aadamka. Waxaan xaqiiqsaday in Muhammed (nnkh) uu yahay nabi la soo diray. Waxaan kale oo Quraanka ka helay macluumaad sax ah oo ku saabsan nabi yaasha kale sida Ciise (cs), Muuse (sc).

Si tartiib tartiib ah ayaan u fahmay in Islaamku uu yahay wadada nolosha saxda ah ee Ilaahay u sameeyay bani’aadamka. Waxaa mahad gaar ah leh Harun Yahya oo buugaagtiisu igu hogaamiyeen wadada xaqa ah.

Maanta waxaan ku noolahay dalka Jermalka. Runtii waxaan haystaa nolol wanaagsan, shaqo wanaagsan, noloshana aad ayaan ugu faraxsanahay. Aad ayaan ugu faraxsanahay waxyaabaha aan sameeyo. Salaada shanta waqti ayaan tukadaa. Waxaan ogahay in haddii aan toobad dhab ah la imaado in Allah iga cafinayo wixii dambi ah ee aan horay u galay.

Waxaan idinku dhiiri galinayaa in aad akhrisataan ama aad daawataan macluumaadka uu diyaariyay Harun Yahya. Waxaan si xoogan idinkugu dhiiri galinayaa in aad akhrisaan Quraanka. Waa in Islaamku isagu isku hadlaa. ee in loo hadlo ma ahan.

Waxaad helaysaa nabad galyo iyo xaqiiqada nolosha marka aad Islaamka dhex gasho.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here