Safarkaygii Islaamka: Talooyin ku saabsan sida diinta lagu gaarsiin karo dadka aan la noolnahay

9

Sabti kasta waxaan qaadan jirnay mowduucyadii aan ugu magacdarnay Safarkaygii Islaamka ee aan ku soo qaadan jirnay qisada Muslimiinta cusub iyo wadadii ay diinta u soo mareen.

Maanta waxaan go’aansaday in aan waxyar ka taabto talooyin ku saabsan sidii dadka aan la noolnahay diinta lagu gaarsiin lahaa. Anigu diinta cilmi badan uma lihi balse talooyinkaan waa kuwo si xaqiiqo ah aniga ii anfacay oo aan jeclahay in aan idinla wadaago.

1. Haka xishoon Muslimnimadaada: Qodobkaan waa mid muhiim ah maadaama aan aragnay wadankaan dad Muslimnimadooda ka xishoonaya. Oo marar badan qarinaya in ay Muslim yihiin. Haddii aadan ku faaneyn in aad Muslim tahay oo aadan dadka ogeysiin Muslimnimadaada cid ogaanaysa ma jirto. Adiga oo aan arinta ka dhigin Show ayaad si wanaagsan u muujin kartaa in aad Muslim tahay.

2. Ku dhaqan diinta: Marar badan waxaa dadka cusub diinta ku soo jiida ka dib markii ay arkaan Muslimiinta oo ku jira cibaado. Hadaba waxaa muhiim ah in aad diinta ku dhaqanto meelkasta oo aad joogto, salaada in aad tukado meel kasta oo aad joogto. Haddii dhaqan Muslim oo wanaagsan lagaa helo intaas ayaa ugu wanaagsan tusaalaha aad u muujin karto dadka kale. Haddii ay dhacdo in su’aalo lagu waydiiyo fadlan ka jawaab intii awoodaada ah. Wixii aadan aqoon waxaad kala tashataa cidii aqoon dheeri ah u leh diinta.

3. La xiriir cidii diinta danaynaysa: Haddii ay dhacdo in qof uu diinta wax kaa waydiiyo oo u muuqdo in uu diinta xiisaynayo. Waa in aadan xiriirka u jarin balse aad telefoonka iyo emailka ka qaadataa. Waa in aad xiriirka la wadaa oo aad u bandhigtaa macluumaad dheeri ah. Waxaa kale oo wanaagsan in aad u hadiyayso Quraanka haddii uusan qofku horay u aqrin. Marar badan isaga oo keliya ayaa ku filan in uu fure u noqdo qofka.

4. Noqo tusaale wanaagsan: Qodobkaan waa midka ugu muhiimsan. Diinta waxaa dadka ku soo jiidan kara dhaqanka Muslimiinta. Qofkasta haddii laga helo in uu noqdo tusaale wanaagsan mar hore ayuu Islaamku ku faafi lahaa Sweden. Ha iloobin in aad tahay ambassador diinta matalaya.

5. Tartiib Tartiib: Hanuunka Allah ayaa haya sidaa darteed haku tashan in qofku uu horay diinta ka qaadanayo markii aad labo eray u sheegto. Waxaa muhiim ah in aad si tartiib tartiib ah wax ugu sheegto. Waxaa muhiim ah in aadan qofka cabsi galin. Marka hore uga sheekee mowduucyada qafiifka ah ee uu qofku fahmi karo.

6. Xushmad iyo dhageysi: Mararka qaar waxaa dhici karta in aad is qabataan dad kale oo iyaguna faafinaya diintooda. Waxaa muhiim ah in aad dhagaysato oo aad xushmad u muujiso. Horay ha kala soo boodin DIINTAYDA AYAA SAX AH, TAADUNA WAA BAADIL. Arintu tartan ma ahan waxaa la doonayaa in aad xushmad u muujiso qofku waxa uu aaminsanyahay iyo in aad u muujiso waxyaabaha Islaamku ku wanaagsanyahay.

Wabilahi Towfiiq.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here