Safarkaygii Somalia Q.1-aad: Waa sidee xaalada amaanka Muqdisho? Daawo Sawirada

33

Bishii la soo dhaafay waxaan booqasho qaas ah ku tagay magaalada Muqdisho iyo gobolada dhexe eeMuqdisho-5 Somalia. Safarkayga ayaa ahaa mid booqasho familka ah balse waxaan sidoo kale u guur galay xaalada wadanka qaasatan magaalada caasimada ah ee Muqdisho, halkaasoo aan waqtigayga inta badan ku qaatay.

Hadaba halkaan waxaan idinkugu soo gudbinayaa warbixin kooban oo ku saabsan sidii aan u arkay xaalada wadanka iyo aragtidayda ku aadan dhinaca amaanka, nolosha, ganacsiga iyo waxbarashada. Qeybta koowaad ee warbixintayda ayaan kaga warami doonaa xaalada amaanka ee magaalada Muqdisho.

AMAANKA

Waxaan gegada diyaaradaha ee magaalada Muqdisho ka degay 8 bishii December anigoo aan hubin sida ay tahay xaalada dhabta ah ee magaalada Muqdisho. Markii aan talaabada ugu horeysay dhigay dibada Ayroboorka Aden Cadde International Airport ayaan dareemay isbedelka weyn ee ku yimid magaalada Muqdisho oo aan ka soo maqnaa mudo gaaban. Aagaga ciidamada Amisom iyo kuwa Soomaalida ayaa ah kuwo si hufan loogu wareejiyay gegada diyaaradaha.

Muqdisho-2

 

Ka dib jahwareer xaga la qabsiga ah oo i saameeyay labadii maalmood ee ugu horeeyay safarkayga ayaan dib u milicsaday magaalada Muqdisho oo aan durbadiiba dareemay in xaalada amaanka ee magaaladu ay tahay mid ka wanaagsan sidii aan cabirayay. Waxaa ii cadaatay in magaaladu ay u qeybsan tahay labo dhinac oo la dhihi karo dhinac waa mid aad amaankiisu u suganyahay kaasoo ah wixii dhinaca badda ka xiga wadada 30-ka, halka dhinaca kale aad isleedahay in dowladu aysan si dhab ah ugu soo jeesan, qaasatan xiliga habeenkii oo ay dadku xaroodaan fiidka hore, iyadoo ka dib xiligaas ay bilowdaan dilal qorsheysan, bam gacmeedyo, madaafiic laga soo tuuro dhinacaas iyo xitaa ciidamada dowlada ee ku sugan xaafadahaas oo dhibaatooyin ku sameeya dadka shacabka.

Muqdisho-3 Muqdisho-1

 

Waxaan booqasho ku tagay qaar ka mid ah xaafadaha Muqdisho qaasatan qeybaha ay dowladu ku xoogan tahay sida  Suuqa bakaaraha, Xamar Weyne, Banaadir iyo wadada Maka Al Mukarama oo aad dareemi karto in ganacsigii magaalada uu halkaasi u soo wareegay. Iyadoo wadadaas ay tahay mid amaankeeda aad loo adkeeyay. Intii aan ku sugnaa magaalada ayaa waxaa hal Qarax ka dhacay wadadaasi.

Guud ahaan amaanka magaalada Muqdisho ayaa ahaa mid aad u wanaagsan oo runtii aysan jirin dhibaatooyin waaweyn oo dadku kaga cabsan karaan in ay booqdaan magaalada. Dadka magaalada ayaa u muuqday kuwo u bisil amaanka iyo nabada, iyagoo ka daalay dhibaatooyinkii ay la soo darseen. Dadka ayaa si mutadawacnimo ah isaga dhigay hubkii.

Muqdisho-4

 

Si kastaba ha ahaatee, ciidamada dowlada ayaan ka dareemay in ay haysato habacsanaan aad u balaaran. Ciidanka dowlada ayaa ah kuwo lagu jahwareerayo iyagoo kala xiran dareesyo kala duwan. Qaar badan oo ka mid ah ciidanka dowlada ayaa ah kuwo ka haray mooryaantii hogaamiye kooxeedyada kuwaasoo aan lahayn akhlaaqda ciidamada aanan garanayn xushmada ciidanka. Waxaan aad u dhibsaday hab dhaqanka qaar ka mid ah ciidamada dowlada oo aan arkay iyaga oo dhibaataynaya dadka shacabka ah, qaarkoodna ay leejo ka qaadayaan.

Inkastoo horumar weyn laga sameeyay dhinaca amaanka ayaa hadana dhibaatada ugu weyn ee dowlada Somalia hortaagan ay tahay sidii loo heli lahaa ciidamo sharaf leh oo garanaya akhlaaqda iyo sharciga sugida amaanka iyadoo shacabka la amaan galinayo.

Ugu dambeyntii, haddii aad ku haminayso in aad booqato magaalada Muqdisho ayaan ku leeyahay waxaa la joogaa xiligii ugu fiicnaa qaasatan dhinaca amaanka ee aad booqan lahayd Muqdisho. Inkastoo ay jiraan dhacdooyin yaryar oo dhinaca amaanka ah ayaa hadana kuwaasi ay yihiin waxyaabo qorsheysan oo loola golleeyahay dad gaar ah. Qofka shacabka caadiga ah ayaan ahayn bartilmaameed.

La soco qeybaha kale ee mowduucaan….

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here