“Salaadda ayuu tukanayay markii qasab looga dajiyay tareenka SJ”

Nin Muslim ah oo ku nool magaaladaasi Flen ee gobolka Södermanland ayaa go’aansaday in uu dacweeye shirkada SJ ee tareenada ka dib markii booliska loogu wacay oo tareenka qasab looga dajiyay. Ninkaan ayaa la sheegay in isaga oo tukanaya ay u soo gashay haweeneyda qaabilsan jeekimaada tikadhada ka dibna markii ay isku dayday in ay la hadasho uusan u jawaabin salaada darteed.

Ka dibna waxay go’aansatay in ay booliska u wacdo kuwaasoo xaadir ku ahaa isteeshinka tareenka. Xeer ilaaliyaha cunsuriyada (DO – Diskrimineringsombudsmannen) ayaa hada shirkada SJ ka dalbaday in ay soo bandhigaan sidii wax u dheceen.

Hadaba suaashu waxay tahay, maku saxsanaa ninkaan in uu tareenka ku dhextukado isaga oo aan tikirkiisa la jeekimin? Shaqaalaha tareenku maxay waqti u siin waayeen ninka tukanayay? Bal fikirkaaga ku darso.

Faafi mowduucaan

Jimcale

Asc ku soo dhawaada Somaliska.com. Waxaan rajaynayaa in aad ka faa'idaysateen mowduucaan isla markaana aad fikrado qiimo leh ku darsan doontaan. Xumaan, qabyaalad, aflagaado iyo arimaha siyaasada Somaliya waa ka manuuc halkaan. Fadlan aan iscaawino oo su'aalaha qofkii jawabaha haya dadka ha u faa'ideeyo. MAHADSANIDIIN!

Akhriso mowduucyo kale oo xiiso leh...

54 Responses

  1. hamza says:

    ASC dhamaan ,waxan halkan uga mahad celinayaa dhamaan howl wadeenadan somalisla oo wakhtigooda u huray inay ummada somliyeed wararka xaqiiqda u so gudbyaan , intaas ka dib hadii an fikirkayga ka dhibto waxa dintena ina faraysaa kuli shay bacda salaa markaas ninkaas wa ku sax sanaa in uu saladisa iska wato ,

    Fikrad lala dhacay Thumb up 13 Thumb down 0

    • ilove somalia says:

      asc ninkan wuu saxsanaa mana umalaynayo intareenka loga dajiyey tigidka jakemintiisa ee waa cadowtinimo aynooqabaan galadaan qofkaan muslinkaa oo tukanaya baysan rabin gaal waa cadow muslim illaaaahow sharkooda naga bad baadi

      U codee: Thumb up 3 Thumb down 0

  2. xamdi sweden says:

    Salaada wax yabaha buriya ama jabiya waxa ka mid ah hadalka. taasne waxey kuu cadeenee in ninka ku saxanyahy in uusan ku hadlin salaada dhexdeeda.
    tan labaad, waxa meesha la cad in qofka aan islaamka aheyn oo mar kasta cadootinimo u haayo qofka muslimka ah taas oo Alle in badan Quraankiisa ku sheegtay Qosolka beenta ah inee ka danbeeso Caro ama xanaaq qalbiga ugu jiro gaal oo dhan.
    Polis waxa lagu talagalay meel dhib ka dhacay, ninkaane dhib ma geesan
    lkin….lkin….lkin
    Timir laf aya ku jirto
    Baroorta ordiga ka weyn
    sheeko wey danbeesa..qof musqul ku jiro aya la sugaa qof tel ku hadlaayo aya la sugaa, waxa ninkaan loo sugi wayay, Timir lafaa ku jirto waye

    Fikrad lala dhacay Thumb up 11 Thumb down 0

  3. abdirizak baste says:

    wllahi waxan leyahay nin kani wa u saxsan yahay maxa yelay
    ticket kisa iyo salada, salada aya ka muhimsan wax kastana sallada ayaa ka fadli badan salada mesha ey kugu qabato ayaa lagu tukada Shaqaalaha tareenkuna so wa galo maba garanayan saladu marka fikradeyda waxa waye nin kani wa u sax san yahay dacwadisana alle ha ku gulesiyo insha allah

    U codee: Thumb up 3 Thumb down 0

  4. abdirizak baste(Kenya - Nairobi) says:

    xamdi wallal wa sax hadalkga wan kugu racsanahay maxa yelay meshas waxa iga cad cunsurinimo muslimk laga qabo .

    U codee: Thumb up 4 Thumb down 0

  5. haashim Socdaal adis ababa says:

    asc dhamaan umada musliminta ah mahad oo dhan allaah ayee usugnatay fikirkega waxaan lamid ahay wallalahii iga horeyay waa kusaxsanyahay inoo san ujawabin wayoo allaah ayoo hortaganyahay walaalkan muslimka ah

    U codee: Thumb up 3 Thumb down 0

  6. Yool says:

    Asc wr wb. Bacdal salaan Waxaan Dhaman Salamayaa U Mada Muslimka Ah Khasatan Umada Somaliyeed Bacdal Salaan Waxaan Si Gaar Ah Iyagana U Salaamayaa Shaqalaha Shabakada Somaliskaintaa kabacdi Hadii an Figradayda Ka Dhiibto Mashaqada Ka Dhexdhacday Ninkaa Muslimka Ah Iyo Nimankaa Galada Ah Waxaan Ku Cabirilahaa Laba Arimood
    Wana Sidan:- 1.Isfahmiwaa Dhacay Kaas Oo ah Inanay Dinta Muslimka Nimankaasi Aqoon U lahayn oo anay fahmin ninkani wuxuu samaynayo 2 Inay Ahayd Badheedh Cad Oo ah Muslim Nacayb Iyo Kaxumaan

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  7. maxamed says:

    asc dhamaantiin
    de är otroligt men

    lakiin maladhihi karaa ninkaan walaalkeen ah kurisi in uu ku fadhiyay ku dukanaayay oo naagta bilyetiga jekimaysay markii ay lahadashay oo uu ka aasusay madaama salaad uu kujiray iyadiina ay uqaadatay in uu yasaayo iyo wax lamid ah oo aysan faham saneyn ninkaan in uu salaad kujiro iyo in kale sidaasna is fahmi waay ku dhacaay aniga wax ilatahay naagtaan meesha saalad kama filaneyn walaalkeen muslimka ahna salaadiisa ayuu watay waana wax dhici kara dabcan

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  8. fatush says:

    marka hore waxaan salaamaya umadda somaaliyed, marka u guda galo arintaani oo ay ku dhacday wiilkani muslinka ah aniga waxa ka mid ahaay dadka la saarnaay habeenkaasi wilkaasi tariinkasi aniga iyo saxibadayda xita waxa ka mid noqday wiilka qofta keliya ee difaacda oo markaasi xita hadalo ka dhiibtay marki oo poliska wareeysiga ka qaadaye waxa lagu haystayne qalad aya u arka waayo naagta tikityada jakimaysay waxay samayn kartay marka ay aragtay in oo ninkaan tukanaayo in ay u soo laabato oo dad kalay ka si jakinto, laakin nasib xumo ma aysan samaynin ee wiilka jakada aye ka qabatay haloo haloo.. aye tiri ayada oo jiljilayso korkiisa asgana oo si watay tikitkiisa marka waxa dhihi lahaay naagtaasi nooc cunsuriyada ka mid eh aye ku la dhaqantay ninkaasi oo horay loo arag.

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  9. muslim.com says:

    scww,

    walaalayaal waa muslim nacayb arintaani hadii aysan cunsuri ku ahayn diinta way sugi lahayd inta uu kasoo jeenstotan ka;le salaad ma taqaan ha dhihin waay taqaan in muslim iyo gaalaba la tukado, laakiin tooda waa layska hadlaa sidii larabo waaye, wa layaabtay ninka iska aamusan

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 1

  10. maryama says:

    Wuuku saxsana wey ssugi kareen varför ay u sugi wayeen 5 min waa xadgudub tareenka laga dajiyo hadii uu suuliga gali lahaaba wala sugi lahaa why loo sugi wayay marka uu dukanayay waa in uu heer maxkamad la tagaa..

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  11. suldanvich says:

    ASC wr wb , Aniga ninka ayaa ila khaldan sababtoo ah wuu ogyahay in jeekimaad la sameenayo , oo qofka jeekimaada sameenayana oo gaal yahay aan salaad iyo diinteena wanaagsan ixtiraaameen ,, marka waxa ay aheyd markii jeekimaada u maro in uu salaadiisa tukado ,, dad badan waan ogahay waxa ay iigu jawaabayaan salaada ayaa muhiimsan waan ogahay taas lakiin jeekimaada mar walba waxaa qofku maraa markuu soo raaco tåg nus saaca ugu horeeya ugu badnaan marka ma u maleenayo in salaadu sidaas ku tageyso ,,,, tan kale oo ninkaan ku khaldanyahay ayaa ah salaada dhan khushuuc maba yeelaneyso oo waxaa mar walba niyada iska dhaheysaa kuwii jeekimaada amay kugu imaadan ,,,, ,,, naagtaan Polis kaliya ayayba u yeertaye hada ka hor gabar ayaa iiga sheekeysay sheekadaan mid la mida oo ku dhacday ka dib markey sida ninkan camal sameeysay ayaa waxaa u timid naagtii jeekimaada way la hadashay waa u jawaabi waysay waxay mooday in ay dhimatay ,, oo ambulance ayayba wici lahayd oo tåg dhan waa la joojin lahaa lakiin nasiib wanaag gabadhii salaadi waa dhameeystay intaan la wicin ,, kadib markay waydiisay maxaa iila hadli waysay ayay dhahday waan tukanayay ,, naagti qaylo ,,,,, marka waxaa muhiim in aan cunsuriyad lagu ordin ee si sax ah Sverige loogu noolaado ,,,,, qofku waxa uu sameen karaa tikidka ayuu banaanka u dhigi karaa meel muuqata si qofkaas jeekimaya u arko

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 1

  12. FM says:

    Dadkaan ma oga salaad inaad ku jirto iyo kale amase wax badan kama oga qaabka salaada, aniga waxaa ila qumaneyd inuu sugto koontroolka tikitka ka dibna tukado,su,aashuse waxay tahay salaad ma ku ansaxeysaa SJ amase tareenka waajib ah.

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  13. maxamed says:

    aniga waxay ila tahay is fahmi waay dartiis in ay udhacday maxaa yeelay waxaa laga yaaba in aysan horay u arkin qof meesha ku tukanaaya maadama meesha ay tariin dushiis aheyd teeda kale sida aan ognahay waxaa jira dad badan oo ajinabi ah oo tareemada shood kuraaca ama bilesh iyo qiyaano marka waxaa fiicneed in uu sugo inta laaga imaano jekinka ileen meeshu masaajid maahane aniga waan jecalaan lahaay in uu walaalkeen salaadiisa si wanaagsan u dhameysto lakiin waa dhacday

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  14. sakaria Södermanland says:

    asc dhamaan waad gu maad santihiin fikradihiina dhamaan
    hadii aan teeyda idingu darsado waxaan qawaa in uu ninka sax sanaa sawabtoo ah salado waxaa lagu dukan garaa ugu yaraan 10 daqiiqo weena sugi kareen hadii ee daacad nimo meesha taalo lkn horaawa qur,aanka kariimka noogu sheegay in aan iska ilaa lino cadaw geena iyo cadawga diinteena waxaan rajeynee naa in illaah nagu shartiro shardooda aamiin aamiin

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  15. Jawaab says:

    Ugu horeyntii waxaan rabaa in wax yar oo arintaas salaada ah wax ka taabto.
    Ruuxu haduu meel safar u yahay waqtiga salaadana ay ka sii dhamaaneeso waxaa u banaan laba siyaabood.
    1: in uu salaada ku dhex tukado daabadda uu saaranyahay
    2: in uu salaada u niyeesto in uu mida kale ku darayo.
    Waxaa kaloo haboon in ruuxa muslimka ah uu fahmo in salaada waqtiga jamacaada hadiia aan la tukan ay kaa tagtay saas maahan ee salaadu waxaa ay kaa tagaysaa markii la gaaro salaadii kale ee xigtay.
    Tusaale hadii maqrib aad raacday tareen meeqa saac ayuu kula socon karaa ? hadii aad tareenka ka degto salaadihii cisha oo aan la gaarin waad tukan kartaa salaadii maqrib.
    HADII AAN U SOO LAABTO SU AASHA JIMCAALE WAXAAN LEEYAHAY.
    NInka salaada ku qaldanaa in uu ka aamuso masuulka tareenka waayo ilaaheey diinta ma uusan ka dhigin cusri yusri ayuu ka dhigay wuxuuna allaah noo baneeyay baqtiga si aan u badbaadinayo nafta markii ay xaaladu ku xumaato.

    sidaas darteed diintu waa yusri ee yaan laga dhigin cusri
    wuu awooday inta la hadlo oo uu udhiibo uu hadana salaadiisii ku laabto.

    waayo naftaada alle wuxuu ku dhahay ka badbaadi wax walba hadi loo maleen lahaa nin isqarxin rabaa ee xabsi la dhigi lahaa isaga ayaa ku tacadiyay naftiisa ruuxaas oo alle wuu noo sheegay oo wuxuu na dhahay wixii halis GACMIHIINA HA ISKUGU TUURININA HALAAG, WALAA TULQUU BI,AYDIIKUM ILA TAHLUKA.

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  16. Abdinaasir says:

    Waxan warajeynaa in an ku daysano wilkaas. Wax qalad ahna kuma lahan. Fadlan aan tageerno meel walbo oo an joogno. Anago dareensineyno, in willkas uu xaq u leyahay saladiisa. Tiket waxbo ma ahan wa la ibsada lakin salada lama ibsan karo. Marka fadlan an u doodno xaquuqdiisa. Mahadsanid Somaliska.com

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  17. sanka says:

    Asc dhamaan aqyaarta wax ku qorta boggan iyo inta aqrisata
    hadii aan ka dhiibto fikirkeyga arintan ku dhacday walalkeena Muslim-ka ah horta wan ka xunahay dhamaan in qof muslima ah wax gaaraan ciduu doona ha u dhasho.
    mida kale walalkeen aniga waxan isleeyahay wuu ku qaldanaa
    waayo qofka muslimka ah haduu safaryahay waxaa u banaan in uu hormarsado salaadda wa markii uu safar dheer galayo ama uu dib dhigto sida uu sheegay walalkey iga horeeyay.
    hadii uu safar u socdaalana tareenka ama busska wuu ka hari karaa markuu waajibkiisa dukado ayuu soo raaci karaa midka ka dambeeyay ileen hada yurub tuula kasta buss ama tareen ayaa taga saacad kasta marka walal sidaas in uu sameeyo ayaa la rabay maadaama Dunida dhibkii ku batay mahadsanidiin

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  18. luqmaan says:

    asc wr wb aad buu ugu sax sanaa ninkaan waayo wax waliba waxaa ka horeeyo salaada waana in waqtigeeda lagu dukadaa lkin waxaaa ila habooneed marka uu salaada galaayay in uu kursiga gacankiisa uu u saaro tikidka si ay u aragto una fahanto in uu arin mashquul ku yahy

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  19. saalim says:

    waxe eheed iney sugto naagta intu salada kadhamesanayo,lakin musliminta qaxotigana wa iney kafiirsadan xiliyada iyo meelaha kutukanaayaan,ma ahan in marki wax dhacaan lalasoo boodoo wa cunsurinimo,dadkaan anakaa dalkooda imaane waxey leeyihin dhaqan,marka waa aan ixtiraamnaa diinta islaamkana maqabto in qofka lagu jazaaro wa ogtihiin inta asxaan ee noosameeyen,oo wadamo muslino badan aan kaweene,marka ilahay kabaqa oo dadka haku jazaarina,nabadana iyo wadanooladhana kashaqeeya,hadi ay dhib kugu tahayna walaloy ama walaley tartiib bax oo iska laabo,inteena mesha joogta hanoo aqoonsaina

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  20. najma says:

    a s c walaaha islaamka ah ninka muslinka ah salaadu waa ku waajib melkasta uu jooga hadii la gaaro waqtiga salaada kuwa tigidhada jakima haday soo daahaan waqtiisalaadane la joogo waa qasab inuu dukada waayo kuli sheeyu bacda salaad waa taas runtu lakin dadkan aan la nolnahay waa kuwuu ahe yiri waa meeyd socdo waayo ruxda aqliga iyo qashuukuba waa islaanimada waxan dhihi lahaa ninkaas iska samir diinta nabigeeniima scw dhibtaa ogeeyd ayeey u geeysteen gaaladu maku diinta fidinayeye

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  21. NASRA ÖSTERGÖTLAND says:

    a s c dhamaan bahda somaliska iyo asxaabta somali wayn dhamaan waa qalad runtii iyo xad gudub wayn waayo ninku wuxuba ahaa safar kama dagayn makaas tareenka may sugto habarta gaalo waa cadawulaah naclatullaah calal kaafiriin anigu waxan qabaa inuu dacweeyo ilaa meesha ugu danbeeyso uu la gaaro

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  22. Abuxudayfah says:

    Muslimkaas Alle ha u danbi dhaafo , Jannnnnnno dhib ayaa ka horeeya , in salaadadaada lagugu dhibana waxay ka mid tahay dhibka , walaalaheey ayaan ku raacsanahay in LAFTA TIMIRI KU JIRTO , xaqiiqatana dadka waqtibaa la sugaa.

    Salaadana meesheey kugu qabato waa lagu tukanaa inkastoo eey ka habooneed uun in uu Ogeysiiyo taasna waxaan ugu cudur daareeynaa walaalka waxaa laga yaabaa waqtiga salaada in eey naagto imaanin sidaana uu salaada u Tukaday.

    U codee: Thumb up 3 Thumb down 0

    • XAAJI YUU says:

      SALAAN KA DIB WALAALAYAAL NINKAAN AAD IYO AAD AYUU UGA QALDANAA GABADHA KA SHAQEYNAYSAY TAREENKA WAAYO ASAGA MAAHA INUU KA DHIGO SALAADEENA MID CARIIRI AH OO DHIB BADAN ALXAMDULILAAH DIINTEENA WAA MID WADA NAXARIIS AH OO ILAAH WAA UU U FUDUDEEYAY DADKA GUUD AHAAN GAAR AHAANA MUSAAFIRIINTA WAAYO UU ASAGA INTUU SOO FUULIN UU SALAADII TAAS KA HOREYSAY UU UGU DARIWAAYAY TAN KALE WAABA QALAD INUU SALAAADEENA KU DHEX TUKADO DAD WADA GAALO AH DHEXDOODA OO AAN FAHAMSANEYN WAXA UU FALAAYO IYO MACNAHA LOOLA JEEDO WAXAAS OO KALE AYAA NOO SABABAAYO IN NALA CAAYO AMA AY DIINTAAENA LA CAAYO WAXAA LA ARKAY DAD SIDAN OO KALE INAY ARIBOOR CAALAMI AH INTAY DADKA MEESHAY ISTICMAALAAN QOF SALAAD KU XIRANAAYO OO KU LEH WAA QASAB INAAN TUKADAA WAR TUKO SALAADA LAAKIN HADANA MEEL WACAN RAADSO MARKA TAAS WAXAAN U ARKAA HALAAGAA SHEEGO WAXAASNA KA DAAYA DIINTA MARKAAD ADIGA DIINTAADA XISHMEYSO AYAY DADKA KALANA KUU XISHMEYNAYAAN EE WAXAA IGA TALO AH WALAALAYAAL ISTICMAALKA XUMAHA DAD KU FUDUD AYAAN LEENAHAYE XUMAHA UUN WAX WALBO HA ULA URDINA WABILAAHI TOWFIIQ WALAAHU ACLAM.

      U codee: Thumb up 0 Thumb down 1

  23. mandeq says:

    waa kusaxan yahay in usalada siwate sababta oo ah wax walba waxa kamuhimsan salada nagtana waa usoo laban kartay ee waxa ugeeyay cadawtinimada ay uqabtoo dinta islaamka

    U codee: Thumb up 2 Thumb down 0

  24. omar says:

    asc wan ka xumahey arinta qabsatey wallaalkeen muslimka ah gaaladaan waxey yiraahdaan wadanku waa dimoqraadi qof walbana diintiisu xor ayuu u yahey maxaa keeney iney nagu carqaladeeyaan diinteena aniga ma qabo in aan niraahno see yeeleysaa adaa wadankooda ugu yimaadee maya meel walboo dunida aad ka joogto waa in allaah lakoryeelaa midaas ayaa libaan aduun iyo mid aaqiraba lagu gaaraa gaaladana allaah ayaa noo cabiidiyey inaan ku xadgudubnana waa qalad iney nagu xadgudbaan oo aan ka aamusnana waa qalad kasii weyn kii hore aniga school aan dhigto ayey sidaan oo kale nagu qabsatey waxa isku soo aadey waqtiga salaada jimcaha lagalayo iyo macalimad swedish ah markii ay timaado waxaa caado noo aheyd in ay anagoo dhowr somaali aan nus saac kasoo daahno maalinkasto oo jimca ah maalintii dambe ayey waxey noo sheegtey in aysan waxbo uga galin salaada aan kusoo daahno waayo waxey tiri wadankaan waa kiristan qofkii soo daahaana nuskaas saac wan ka jaranayaa anagana waxan u sheegney iney iska jarato kadibna intey xanaqdey ayey dhahdey halkaan waa sverige ma ahan somaliya oo aad naagaha ku gumeysan jirteen waxan dhahey macalin waxan ka hadleyney arinta salada xaq uma lihid inaad magaca soomali meel uga dhacdo maalintaas waxey noo sharaxeysey diskriminaring iga raali ahaada hadaan qalad u qorey waxana go aan ku gaarney in aan chefka ku dacweeno waana nalaga badaley marka wallaalayaal ma aha inaan ka aamusno hadii laguugu xadgudbaayo wabillaahi towfiiq

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  25. smile boy says:

    marka hore asxaabeey dhamaantiina hal dhinac ayaad u janjeertaan lkn aniga fikirkiina fikir ka duwan ayaan wataa sababtoo ah ninkani wuu saxan yahay marka loo eego dhanka diinta hadii aan dhinaca kale ee haweeneeydii jakimeesay tikidyada iyadana wee saxan tahay waayo qoftaasi waxee aheed qof aan muslim aheyn oo magaraneeso qofkaasi waxa uu sameenaayo iyaduna waxee ku fakartay qofkani waa qof isla weyn oo wuu iska aamusan yahay yacnii sharciga ma ilaalin waana run sharci baa u degsan tareemada sidaasi darteed aniga hadaan u eego dhinaca sharciyada caalamiga ah ee tareemada dalka ninka waa laga sax san yahay wuuna qaldan yahay balse dhanka diinta wuu ku saxan yahay in uu salaadiisa ku tukado salaad meeshee kugu qabataa lagu duktaa yaanan leesku keenin arintaan iyo cunsuriyad ma ahan cunsuriyad oo waa qalad dhacay qalad kana ninka baa iskaleh haduu ninkaasi swedish ahaan lahaa wee u yeeri laheed polis ka sababtoo ah waa sharci waana qasab qofka haduu ka dhega adeego ama uu ka aamuso shaqaalaha tareenka in polis ka ee u wacdo marka ninka ayaa qaladka iskaleh sxb yaal arintani cunsuriyad shakho kuma lahan yaa iigu fikir ah inta iigu fikirka ah like ha dhahdo lolz

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  26. XAAJI YUU says:

    WAXAAN KALOO INTAA KU DARAYAA MEEQAA FURSAD AYUU HAYSTAY NINKAAN UUSAN ISTICMAALIN 1 INUU SALAADII HORE UU RAACSIIYO LABO INUU TUKADO MARKII AY GABADHA TIMAADO KA DIB 3 INUU TIGIDKA SAARO MEEL AY KA ARKI KARTO 4 INUU WARQAD YAR U QORO UU MEESHA U SAARO 5 INUU QILEEYO ANOONA JECLAYN TAAS WAAYO WAA MUSAAFIR JOOGO MEEL AAN LAGA ISTICMAALIN ISLAAM MARKA ILAAHNA WAA U JEEDA WAXA MAANTA KU KALIFAY TAAS.EE WAXAAN LEEYAHAY WALAALAYAAL ANIGOO AADAN II FAHMAYNIN QALAD DADKAAN WAAD OGTIHIIN ABAALADA FARAHA BADAN EE AY NOO GALEEN MAR WALBAA WAA INAAN AFKEENA KA DHOWRNAA QALADKA WASALAAMU CALAYKUM JAMIICAN.

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 1

  27. abdirisaaq says:

    ninkaas wuu qaldanaa trainka kutukanayay muu gurigiisa ku tukado marku tago xitaa waxaa laga yabaa inu najaaso tahay meshuu kutukanayay galada kabahooda beey lamaraan marka salada waa farad ilaah nafaray oo xaq ah lakiin dadkaan galada mayaqanaan salada iyo xushmada marka melahooda yanan lagu tukan fadlan

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  28. simmy says:

    Ninka gar leh, naagtana gar leh……waa sidaa

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 3

  29. FM says:

    Asc codkii Jimcaale ayaa dhiman eller hur?

    U codee: Thumb up 3 Thumb down 0

  30. muwaadin says:

    asc waxa aan halkan ka salamayaa dhamaan umada muslimita ah waxan kalon salam bahda i dacada somaliska salaan kadib aniga wexey ilatahay qof hor taagan alle in uusan aqoon qof agtaagan marka waxa ii cad in aay tahay muslin naceeb waayo waxa aan saan ku leeyahay ayaa ah meeqo ayaan raaceynay tåg oo marka ayaan nala hadlaan aan dheheenay sug aan soo baxsade inta kaa tagto kuu soo laabanesay marka waa xaalada qurbaha iyo islaam naceebka waa kuma gaalka jecel islaam?

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  31. mandeq says:

    saalad waa ay yaqnaan galada in u soo noqoto ayaa larabey bolisne dambi ayuu qabta in wax salad qabto mahab

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  32. Raaqia says:

    asc
    salan kadib anigu wiilkaa islamnimadiisa cadaystay
    wax khalada kuma arko waa NAAGTU way arakaysay inuu inanku
    uu kasa uga aamusnayn ee uu maxsamaysnayo wax kastaba ha ahaate
    marka waa islaan nacayb waxasii
    ee aan codkena siino wiilkaa
    WABILLAAHI TOWFIIQ

    U codee: Thumb up 3 Thumb down 0

  33. muwadin says:

    war waa saxan ayahay oo saxan yahay cod dheerna waa ku sheegaynaa ilaah haka aqbalo salaada anagana ilaah hanoo siyaadiyo iimaanka iyo xasanaadka subaxaanak yaa rabi waa imtaxaan aduunyo ee hala sabro yaa muslimiin

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  34. Anas... says:

    Asc aniga ra yigayga wuu ila qaldanaa sababtoo ah dinta ma qabto in dadka la dhaco nagta jekinkana waxay u qadatay nin tikid an wadan owaliba yasaya madama usan lahadlayn ayadana ma oga in u tukanayo iyo inkale boliskana xaq ayey uleyihin in ey dajiyan o ey wareystan madama wareysiga an loga qadi karin tarenka dushisa marka arinta waxay ila tahay in an la sii bun bunin

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

    • ADNA says:

      ASC marka hore waxaan salaamayaa walaalaheyga muslimka ah meel kasto oo ey joogaan marka xigta figradeydu waxeey tahay qofka muslimka ah haduu safar aadaayo inuu salaadda gurigiisa kusoo dukado si degan oo fiican diinduna waa ogoshahay taas, wiilka walaalkeen ah ALLAH ha u fududeeyo dacwadiisa waa guuleysanayaa insha ALLAH.

      U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  35. Daad says:

    dhamaan walaalyaal Asalaamu Calykum wr wb

    waxaan u arkaa nigu in aan la is wareerin oo aan diinta si qaldan loo fasiran diintu waa naxariis waxaa laguu baneeyey in aad markaad safarka tahay salaadaha aad isku jimciso marka tareen nin leeyahay ayaan soo fuulayaa markaan cagta soo saarana salaad ayaan galayaa waa sheeko aniga ila qaldan oo waliba aan oran karo waxay gaaladu orandoontaa salaada in uu ku dhuuntuu rabay ee bilaa ticket ayuu ahaaa marka ilaahay wax uu kuu fududeeyey yaan ikhwaanay la isku cuslayn …. wixii khalada ilaahay ayaan danbi dhaaf ka waydiistay.

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  36. bishaaro says:

    Asc salaan ka dib salaad waa waajib balse waxa aad soo kortay rakaab asana laga rabo cadayntii mar kasta tan alle aya horaysa waxase is xasuusin mudan salaada meel aad si nabada ku dukaan karto in aay kuu ansaxayso waddankan muslin ma ahan in kasto aay arkaan dad dukada haddana dadku isku mid ma ahan naagta armay u argtay in uu bila tikid yahay ileen naagtu islaan ma ahan maana taqane . asagana waxaan urajayana qayr faro badan maddama wajibkiisi uu gutay . aniga maalin baan racay tareen magaalo ban aaday waana cusbaa tikidkii hore aan ku racay baan haddana ku so racay meel dhaxe marku marayo ayana la idajiyay afna ma aqoon dadkan mar kasta sharci bay ku soocdaan

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  37. khaboowsade says:

    waa saxsanaa lakin waxaa fiicneeyd in uu sugo inta wax laga jekimayo kadibna uu iska dukado.

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  38. Amal says:

    ASC. walalayal horta waxa jira is fahan la aan iyado ay jirt muslin nacayb taso kuligin aydun argaan waxa ka dhacaya wadankan ayunu googno iyo kuwa kaleba lakin Jawabta ah markad wadangaga anad joogi waa inad waxa walba ka digdonata tarenad markad sarantahay waa inad digidhigaga i s hor dhigta si qofki jekimayay u arko inu yahay kan tikidhki aadigana danbi kuma imanayo saldadina wad guta tay manu qaldanayn ninku inu salada ku ´tukado taren salada ha la ogo melkasta oo aad jogto wa bilahi tawfiq.

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  39. HASSAN AND AADAN says:

    WAXAAY NALA TAHAY NINKAA IN UU QEEB KULEEYAHAY QALADKA DHACAY KUWA WAX JIKIMANE AYAGNE SIDOO KALE AALABA WAXAA LAJIKIMAA MARKAAAD SOO RAACDO TAREENKA 30DAQO KADIB WAXAAY AHEEY IN UU SUGO ILAA LAGA JIKIMO TIKIDKA KUWA WAX JIKIMANE MARKAAY ARKEEN NINKAN CIBAAADEEYSANAAYO IN USUGAAN ILAA KADHAMEEYSTO SALAADIISA WWYO SALAADA WAA WAAJIB MEELKASTANE WAD KUDUKAN KARTA GABADHA QALADKA AYAADA LEH AYADA LAFTEEDA WAA LAGU LEEYAHAY SALAADA AQIRO KASAARIMEEYSO GAALAAN AHAAY BYYYYYYYYY

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  40. midnimo says:

    assalaamu caleeykum

    asxaabta sheekadaan waan aqriyay, shalay ayaan ku arkay bogga MSN waana sheekada xoogaa dheertahay.

    Ninka wuxuu ku dukanaayay Meel gaar ah oo ka go’an meesha lafadhiisto. gabarta meesha ayay ugu timid.

    labo ilaa sexed jeer ayay dhabarka ka riixday, assagana wuu iska siiwatay salaada.

    markuu soobogay ayuu sooraadiyay gabartii. waxay ku dhahday markii aan ku weeydiinaayay ayaa lagaarabay in aad itusiyo bilyeetiga. TAREENKANA WAAD KA DAGEYDAA MAXADA XIGTO!

    ninkii wuu diiday inuu dago maadaama tareenku ahaa kii ugu tagbeeyay.
    poliska ayaa looga wacay. waxay ku yiraahdeen, waxaa lagugu soodacweeyay goodin shaqaale. poliska ayu ka codsaday inuu tareenka ku laabto. laakiin waxay ku yiraahdeen, waxaa kuu ogolaankara shaqaalaha tareenka.

    sidaas ayuu tareenkii igu haray. wuxuu dib ugu soolaabtay Stockhol, wuxuu jiiftay masaajid ku yaalo xaafada Akalla.
    nin maaheen masaafur. ee sidaas shaqadiisa iyo guriga ayaa kala fog.

    Qolada SJ ayuu wacay, wuxuu ku sheegay wixii dhacay. waxay ku yiraahdeen arinta lagugu sameeyay waa qalad. 1000 karoon oo magdhaw ah ayaa lagu siinayaa ayaa lagu yiri.

    Anigga waxaa ogahay oo aan marqaati ka ahay kkkkkk salaad iyo qurbaha in aysan isku fiicneen. marka salaada daqaro badan waa iska qabtaa.

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  41. Cabdullahi says:

    As.
    walaalaha muslimiinta ah ee arinkaan rayigooda ka dhiibtay waxaan leeyahay waad mahadsan tihiin. walaalayaal sida aan wada ognahay salaadu waa tiirka labaad ee islaanimada waana camal ku fiican in lagu guto si wanaagsan oo istustus iyo jejebinba ka nadiif ah. waxaan aad ula yaabaa dad badan oo muslimiin ah inaysan sidaas u fahmin oo aad arkayso ayagoo salaada ku tukanaaya meelo aanan munaasb ku ahay ayagoo heli kara meelo ka nadiifsan, ka xasilan oo ay cibaadadooda ku gudan karaan. Waxaad arkaysaa ayadoo ruux haween ah ay skoolka dhahayso waan ku tukunayaa ayadoo waqtiga salaada intiisa badan dhiman yahay oo ay gurigeeda ama masaajid la gaari karto ayadoo ku hortukanaysa gaalo iyo rag badan. Haweenka oo kelya maahee rag waxaad arki ayadoo anaan salaadu ka tegayn ku tukanaaya meelo aanan xasilooni iyo qushuuc ka surrogelayn ama dahaaraduba ku sugnayn. Waa jirtaa in salaada oo waqtigeeda lagu dukadaa tahay camalka kan ugu qayrka badan haddana waxaa lama huraan ah in ruuxu uusan iloobin wanaaga iyo sugnaanta salaada, lana ogaado meesha lajoogo. alle abaal fiican haka siiyo walaalkeena tareenka lagu dhibay.

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  42. Samsam says:

    Wax kasta wa qoraal.Ilaahy salaadisa ha ka aqbalo.
    Gaal wa gaal, jixiimana way ka danbeysa aduunkan wa laga wada tagaya.Inay dadkan hoosta wada cusuri ka yehiina shaki inagma jiro.

    U codee: Thumb up 2 Thumb down 0

  43. Alaa Kariim says:

    asc dhamaan walaalaha muslimka ah waxaan shaki ku jirin ninka muslimka ah in uu saxsanyahay sida uu allaah qur.aanka inooku sheegayna Salaadkastaa wakhti bay ledahay wakhtigeeda markii lagarana meelkasta oo aad jogto waa inaad tukataa waxaa kaloo xaram ah in salada aad waxyaabo basiida uga baxdo wayo waxaa tahay qof Allah hortagan oo la xiriiraya. waligaa ma soogashay xafiis qof gala fadhiyo? mase la kulantay isagoo qofkale taleefan kula hadlaya ? hadii aay san kugu dhicin arintan anigay igu dhacday oo ugu yaran 15 jeer usoo galay qof gala oo xafiis fadhiya oo telefon ku hadlaya waxaana ku qasbanaaday inaan sugo ilaa intuu ka dhameysanayo! wayo hadaan ka dhexgalo waxaan ogahay in aanu kala badbaadeyn! marka waan ini su,aalay ee kee baa awliyaysan qof adoo la hadlaya iyo adoo Alihii ku abuurtay la hadlaya? jawabtu waa cadahay cidaan indhaha iska turayn lakiin mida mesha ku jirta waxay tahay qofka jeekinka ticka sameynayay ma fahansanaa inuu qadadku salaad ku jiro? Allahu aclam ilaah baa garan any way waxay ahayd in markii uu wadaadku poliska ushegay inuu tukanayo iyo qofka jekinka samaynayayba shiikha raaligalin lasiiyo tasi hadii aysan dhicin mesha waxaa ku jirta cunsurinimo
    balse waxaan inii shegayaa inaan anugu wixii nagu dhacayba isku geysanay ilhay qoom dhib ma tuso ilaa aay kasbadaan somaliyeey wadankiinii ini ka bur buriyay ee u adkaysta dhibka waa waxaad gacmihiina ku abuurteene

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  44. FM says:

    Salaad waajib ah amase faral ah culumadda aad diinta u taqaana bal weydiiya in lagu tukan karo tareen amba baabuur?.

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  45. maxamed says:

    asc waa lagu dukan karaa nabi mohamed s c w ayaa awr dushiis ku dukaday sidaas darteed rakaab oo dhan waa lagu dul dikan karaa sida baabur tareen neef geel ah dushiis iyo iwm waana ansax salaada ladu dukadaa waqtiga safarka aad tahay

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 1

  46. cabdi says:

    wallahi hadaan fikirkeyga kudarsado wuu saxsanaay ninkan maxaayeelay saald buu kujuraa mida kale waa naag gaalo ah is kadhaaf uu salaad kagabaxee aniga hadaan ahaanlahaa ticket xitaa matuseen ayada laftirkeed wey ogtahay in ad salaad tukaneysid kas ayeey kawadaa waa wax ay uugu talagashay

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  47. Mohamed STKHLM says:

    Asc dhamaan walaalaheena soomaliyeed meel kasto ey joogaan nin kaan wuu ila qaldan yahay because train ka tikid kiisa waxaa la kontoroolaa marki aad gashid kadib mar mar waxaa dhacda in station ka ku xiga lagaga jeekiko marka waxaan dhihi karaa arintaasi meysan aheyn cunsurinimo ee waxey u qaadatay inoo ticket haysanin oo shuud ku raacaayo mida kale haduu qofku safar yahay salaada dib ayuu ka dukan karaa qasab na ma ahan hadaa safar tahay ina dukatid mida kale

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  48. Najmo says:

    asc dhaman walalaheyga somaliyed wad salamantihin salan kadi aniga wuu ila sax sanyahay maxa yelay wuxu gudanaye wajibka allah wana ku faraxsanahay in uusan ujawabin kufarta xuntaa wuuna ku saxanyahay ilah imankiisa ha usiyadiyo walalaha kalene waxan jecla lahaa in ey sidan oo kale noqdan

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  49. jabiiba says:

    walalaha muslimiinta ahaw waa iin salamay salanta ismalmka ah AsC inta kadib aniga waxa qaba inuu ku saxnaa qofka sida oo samayey waxana dhihi kara kalada inee na jeclayn waan wada ognahay lkn hadane muslim neceb iyo somali necayb ayee qabaan tusaale ahan adiga oo musqul kujiro ee ku arkayso waxba kuma dhahayso kalka jiifo ayada oo arkayso waxba dhihi mayso maxay ku dhacday ninkan salada dukanayo in ee bolis ee ugu wacdo mida waa mid aan wada fahan sanahay waxa qaba aniga sj dacwo in la ku qado arintane la wargaliyo waana mahadsantihiin somaliska

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 1

  50. ahmed says:

    mudanayaal iyo marwayoin asc dhamaan salaanta kadib waxaan oran lahaa aniga ninku wuu qaldan yahay waxaana la rabay in u sugo inta laga jegarenayo tikidkisa wayo ma lago in uu tikid wato iyo in kale ileen gabadha shaqaded waxay tahay in ee jegareso tikidah waxaana laga yabaa in esan garanenin qofkaan wax u samenayo marka sidedba labo dhib hadii isku so adaan waxaa la qataa mida fudud 5 ama 10 daqiqo waa u dhigi kartaa dib salaada wadankaan ma ahan wadankena marka waa in aan raacnaa sharciga u yaalo wayo anag ayaa imanay oo lugahena ku so donanay, waad mahad santihin.

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 1

  51. warda says:

    ASC WAN IDIN SALAAMAY DHAMAAN U MADA SOMALIYED MEELKASTO JOGTAAN TAN KALE WAAKU SAXNAA WILKA MUSLIMKA EE KU TUKADAY TAREENKA WAYO SALADU MESHAY KUGU QABATO AYAA LAGU TUKADA TAN DAC WAYSANA WAA CUNSURIYAD IN LAGA HARANA MAHAN WAA IN MEELGAGA SARAA KUWAS UMADA MUSLIMINTA AH SI AYNA MARDANBE UDHICIN TANOOKALE

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0