Sanadka cusub iyo saadaasha Somaliska 2013

15

Maanta waxaan sagootinaynaa sanadka 2012 inagoo gacmo furan ku soo dhaweyneyna sanadka 2013. Sanadkii 2012 waxaan u soo joognahay dhacdooyin muhiim ah oo ka dhacay dalkii hooyo iyo dalkaan aan ku nool nahay ee Sweden.

Sanadka 2012 ayaa ahaa sanad muhiim u ah Soomaalida ku dhaqan Sweden. Bilowgii sanadkaan ayay ahayd markii ay dowlada Sweden dib u bilowday mideynta qaar ka mid ah reeraha Soomaalida kuwaasoo hada qaar badan lala mideeyay caruurtooda iyo waalidkooda, halka wali ay jiraan dad badan oo aan helin fursad ay kula midoobaan familkooda. Sanadkaan ayaa sidoo kale ahaa sanad ay isbedelo waaweyn ka dheceen dalkeenii hooyo halkaasoo dowlad cusub ay ka hano qaaday iyo amaankii magaalada Muqdisho oo dib u soo noqday balse ay wali jiraan caqabado dhowr ah [Isbuucyadii la soo dhaafay ayaan booqasho ku tagay Muqdisho oo waxaan idin soo qori doonaa warbixin ku saabsan safarkaygii].

Hadaba maxaan ka filan karnaa sanadka 2013? Haddii aan cabiro rayigayga ku aadan nolosha Sweden qaasatan arimaha mideynta familada ayay ila tahay in sanadkaan 2013 uu noqon doono mid aan wax isbedal ah keeni doonin oo ku aadan arintaan iyadoo dowlada Sweden ay qorsheysatay sidii xaaladu ku socon lahayd ilaa sanadka 2014 ee doorashadu ay dhici doonto. Dhinaca socdaalka ayay Sweden sanadkaan cusub adkeyn doonto qaabilaada Soomaalida wadanka magangalyada ka dalbata, taasoo ku xiran xaalada amaanka Soomaaliya.

Dhinaca Somaliya, ayaa sanadka 2013 waxaan isleeyahay in uu noqon doono mid horumar wanaagsan oo xaga amaanka ah iyo horumarka nolosha uu gaari doono wadankeena. Insha Allah

Dhinaca shaqada Sweden ayaysan jirin ififaalo cusub oo u muuqda Soomaalida. Waxaan nahay dadka ugu shaqo la’aanta badan soo galootiga ku dhaqan Sweden. Isbedelka ku yimaada arintaas ayaa ah mid aan cadeyn maadaama suuqa shaqada ee Sweden uu sii adkaanayo. Waxaa midaas looga itaal roonaan karaa Soomaalida oo xooga saarta barashada luuqada iyo waxbarashada xirfadaha degdega ah iyo  in xaga ganacsiga xooga la saaro oo Soomaalidu dhexdooda ay abuuraan ganacsiga kuwaasoo shaqo u abuuri kara  xubnaha kale ee bulshada.

Saadaashayda sanadkaan ayaa waxay inta badan la midtahay midii sanadkii tagay taasoo muujinaysa nidaamka gaabiya ee dalka Sweden uu u shaqeeyo.

Dhamaan akhristayaasha Somaliska waxaan leeyahay hambalyo sanadka cusub, waxaan ilaahay idin weydiinayaa in uu idin gaarsiiyo sanadka sanadkiisa kale, oo uu wadankeena ka yeelo mid nabad ah – Ameen!

Jimcale

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here