Sanadka cusub iyo saadaasha Somaliska

14

Maanta waxaan sagootinaynaa sanadka 2011 oo noqonaya sanad ay Soomaalida si fiican u xasuusan doonaan inagoo gacmo furan ku soo dhaweyneyna sanadka 2012. Sanadkii 2011 waxaan u soo joognahay dhacdooyin muhiim ah oo ka dhacay dalkii hooyo iyo dalkaan aan ku nool nahay ee Sweden.

Sanadkii hore ee 2010 ayaan ku tilmaamay sanadkii caqabada Soomaalida kaasoo ahaa sanadkii la joojiyay mideynta reeraha Soomaalida. 2011 ayay Soomaalidu rajo ka qabaneen in caqabadaas laga qaado inkastoo aysan taasi dhicin ayaa hadana waxaa dhacday in aan helnay balan qaadyo iyo in la mideyn doono Soomaalida 2012.

Hadaba maxaan ka filan karnaa sanadka 2012? Haddii aan cabiro rayigayga waxay ila tahay in sanadkaan uu noqon doono mid Soomaalida Sweden soo dhaweeeya. Dhinaca socdaalka ayuu noqonayaa sanadkaan mid muhiim ah maadaama la filayo furitaanka mideynta reeraha bisha July 2012. Ka hor inta aan la gaarin bishaas ayaan dhagta u taagi doonaa horumarka laga sameeyo badalaada sharciga lagu mideynayo Soomaalida iyo hordhigida baarlamaanka.

Waalidiin iyo caruur badan oo mudo kala maqnaa ayaa heli doona fursadii ay mudo sugayeen. Dhinaca kale waxaan cadeyn sida ay noqon doonto xaalada lamaanayaasha isku hiloobay ee aan caruurta isku dhalin. Qiyaasteyda ayaa ah in aysan si fudud u dhici doonin mideynta dadka aan wax isku dhalin oo xitaa haddii shuruuda baasaboorka iyo aqoonsiga meesha laga saaro ay jiri karto shuruudo kale. Ugu yaraan waxay samayn karaan in ay faraha ka qaadaan dadka laysku keeno oo aysan suurto galin in ay wadan kale oo Yurub ah iska dhiibaan.

Dhinaca shaqada ayaysan jirin ififaalo cusub oo u muuqda Soomaalida. Waxaan nahay dadka ugu shaqo la’aanta badan soo galootiga ku dhaqan Sweden. Isbedelka ku yimaada arintaas ayaa ah mid aan cadeyn maadaama suuqa shaqada ee Sweden uu sii adkaanayo. Waxaa midaas looga itaal roonaan karaa in xaga ganacsiga xooga la saaro oo Soomaalidu dhexdooda ay abuuraan ganacsiga kuwaasoo shaqo u abuuri kara  xubnaha kale ee bulshada.

Inkastoo aanan wax ka qorin xaalada dalkii hooyo ee Soomaliya ayaan hadana indhaha laga daboolan karin xaaladiisa. Ma saadaalin karo xaalada isbadalka badan ee Soomaaliya balse waxaan ilaahay uga baryayaa nabad degdeg ah iyo barwaaqo raagta.

Jimcale

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here