SD: Muslimiinta ha laga mamnuuco dhalida caruurta

15

Haweeney ka tirsan siyaasiyiinta xisbiga cunsuriga ah ee SD ee kamuunka Älmhult ayaa ku baaqday in SD-Annika-RydhMuslimiinta laga mamnuuco dhalida caruurta badan.

Haweeneydaan lagu magacaabo Annika Rydh oo xisbiga SD u fadhiga magaalada Älmhult, ayaa wargeyska Expo u sheegtay in bulshada caalamku ay u baahantahay in go’aan laga qaato sidii loo xadidi lahaa dhalmada Muslimiinta oo ay sheegtay in ay aduunka qabsanayaan.

-Arintaani waa dhibaato caalamka ku soo fool leh, ma ahan arin si maxali ah wax looga qaban karo. Aduunku waa in uu goostaa siyaasad ku aadan sidii loo xadidi lahaa dhalmada. Haddii ay caruurta iska dhalaan xad la’aan waxay noqonaysaa dhibaato caalamka ku soo fool leh – Ayay tiri.

Haweeneydaan ayaa xitaa bogga xisbigeeda waxay ku daabacday filim borobogaando ah, kaasoo looga digayo in muslimiintu ay qabsan doonaan qaarada Yurub sanadkad 2050. Filimkaan oo mudo ku jiray internetka ayaa ah mid loogu baaqayo wadamada reer galbeedka in ay hurdada ka kacaan, oo ay ka hortagaan Muslimiinta wadankooda iska dhiibaya ka dibna caruurta ku dhalaya.

Dadka ku xeel dheer arimaha dhalmada iyo kororka shacbiyada ayaa been ku tilmaamay in Muslimiintu ay aqlabiyad ka noqonayaan wadamada Yurub qarnigaan.

Ma ahan markii ugu horeysay ee siyaasiyiin ka tirsan xisbiga SD ay ka hadlaan in Muslimiinta laga mamnuuco wadanka Sweden. Guud ahaan siyaasada xisbigaan ayaa ku dhisan naceybka soo galootiga qaasatan Muslimiinta, waliba si gaar ah Soomaalida.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here