SD oo doonaysa in soo galootiga lacag la siiyo si ay u laabtaan

Xoghayaha guud ee xisbiga cunsuriga ah ee Sverigedemokraterna (SD) Björn Söder ayaa wareysi dheer oo uu siiyay wargeyska Dagens Nyheter ku sheegay in ay fiicantahay in soo galootiga la siiyo lacag si ay wadankoodii ugu noqdaan. Söder ayaa intaas ku daray in Yuhuuda, Kurdiga, iyo Saamiyiintu aysan ahayn Swedish.

Söder oo ah gudoomiye ku xigeenka labaad ee Baarlamaanka Sweden ayaa si qoto dheer uga hadlay waxa uu ku tilmaamay Swedishnimada iyo qilaafaadka ay keeni karaan qowmiyadaha kala duwan ee ku nool Sweden. Hadaladiisa ku aadan Yuhuuda ayaa durbadiiba cambareeyn weyn la kulmay balse xisbiga SD ayaa u muuqda mid maalmahaan kacsan oo kalsooni dheeraad ah ay gashay.

Ka dib markii lagu dhawaaqay in doorasho cusub ay ka dhici doonto Sweden bisha maarso ayaa afti ururinta ugu dambeysa muujinaysaa in taageerada xisbiga SD ay kor u kacday, iyagoo helay 18%. SD ayaa la filayaa in ay ka faa’idaan tooshka saxaafada ee ku aadan, madaama ay ka dambeeyeen burburka dowlada Löfven.

Haddii xisbiga SD uu sii xoogaysto, ayay taasi cabsi weyn iyo qatar joogto ah ku abuuri doontaa soo galootiga ku nool Sweden, qaasatan Muslimiinta iyo Soomaalida, oo xisbigaas bartilmaameed u ah.

Faafi mowduucaan

Jimcale

Asc ku soo dhawaada Somaliska.com. Waxaan rajaynayaa in aad ka faa'idaysateen mowduucaan isla markaana aad fikrado qiimo leh ku darsan doontaan. Xumaan, qabyaalad, aflagaado iyo arimaha siyaasada Somaliya waa ka manuuc halkaan. Fadlan aan iscaawino oo su'aalaha qofkii jawabaha haya dadka ha u faa'ideeyo. MAHADSANIDIIN!

Akhriso mowduucyo kale oo xiiso leh...

4 Responses

  1. waryaa says:

    1 million kroner hadii ey isiiyaan wan iska noqonlahaa hahahaha

    U codee: Thumb up 2 Thumb down 1

  2. luul says:

    asc
    wey fiicnaan laheyd in aduunka oo dhan laga soo celiyo soomaalida iyo kuwa lamidka ah oo wadamadooda soo dumiyey ee aan damiirta laheyn niman ayaga oo kale ah ayaa sameystay nidaankan iyo nabadaan markaasey intey ilmahooda wadama kale geysteen ayey qabiil iyo wax dhibaato u keeni kara unbey maalin walba ku mashquulsan yihiin kuwaas ayaa ciil iyo cariiri ina baday

    Dood kulul. Ka Jawaab? Thumb up 7 Thumb down 3

  3. wafka abdi says:

    Hidden due to low comment rating. Click here to see.

    Fikrad aan lala dhicin Thumb up 1 Thumb down 6

  4. umu Munasib says:

    Kkkkkk funny boy waa la ogyahaye meeshan wax kale baad ku joogta waana lasoo noolaa qarniyo badan utan Sverige. Alxamdu Lilaah waan noolaan doonaa inshalah hadaba dad baa nool wali ku nool waligoodna welwel ku seexan. Asc wrb

    U codee: Thumb up 2 Thumb down 0