SD oo noqday xisbiga ugu weyn Sweden

Afti ururintii ugu dambeysay ee laga qaaday shacabka Sweden ayaa muujinaysa in xisbiga cunsuriga ah ee Sverigedemokraterna (SD) ay hada yihiin xisbiga 1-aad ee ugu weyn Sweden. Waxay hada ka codbateen xisbiyada qadiimiga ah ee Socialdemokraterna (S) iyo Moderatenra (M).

Baaritaankaan oo ay samaysay YouGov ayaa muujinaya in SD ay hada helayaan cododka 25,2%,baaritaankaan uu yahay mid lagu kalsoonaan karo,. Quburada siyaasada ayaaa ku tilmaamay in arintaan ay ka dambayso maadaama Swedish badan ay cabsi ka qabaan qaxootiga badan ee soo galaya wadankooda isla markaana ay SD yihiin kuwa sheegta in ay wax ka qabanayaan oo joojinayaan qaxootiga.

Waxaa kale oo lagu macneeyahay taageerada korortay ee SD inay lug ku leedahay falalka dambiyada ee ka dhacaya wadanka, qaasatan dhawaan markii dhowr qof oo soo galooti ah ay dilal ka geysteen wadanka. SD ayaa aaminsan in wadanka laga saaro soo galootiga dambiyada kala isla markaana waxay balan qaadeen in 90% ay joojinayaan soo galootiga.

Sören Holmberg oo ah qabiir xaga siyaasada ah oo wax ka dhiga jaamacada Göteborg ayaa aaminsan in isbedal uu ku dhici doono aragtida dadka iyo aftidaan oo ay u badantahay in natiijiada dhabta ah ee doorashada 2018 ay sidaan ka duwanaan doonto.

Si kastaba ha ahaatee, haddii ay dhacdo in SD ay noqdaan xisbiga ugu weyn Sweden ayay taasi keeni doontaa isbedalkii ugu weynaa ee ka dhaca Sweden isla markaana ay noqon doontaa mid dhibaato u horseeda soo galootiga wadanka ku nool iyo kuwa soo gali doona.

Faafi mowduucaan

Jimcale

Asc ku soo dhawaada Somaliska.com. Waxaan rajaynayaa in aad ka faa'idaysateen mowduucaan isla markaana aad fikrado qiimo leh ku darsan doontaan. Xumaan, qabyaalad, aflagaado iyo arimaha siyaasada Somaliya waa ka manuuc halkaan. Fadlan aan iscaawino oo su'aalaha qofkii jawabaha haya dadka ha u faa'ideeyo. MAHADSANIDIIN!

Akhriso mowduucyo kale oo xiiso leh...

6 Responses

  1. Yuu says:

    Aftidaan waxaa laga qaaday 1500 oo qofood marka ma noqon doonto mid rumowda.

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 3

  2. Buurfuule says:

    Illahayow muu hada ku guulaysto..!!
    Wax ka daran Ayaan usoo joognay

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 3

  3. Abdinasir says:

    Hidden due to low comment rating. Click here to see.

    Fikrad aan lala dhicin Thumb up 0 Thumb down 7

  4. marwaan says:

    Cabdinaasir Ana u codee Ana daa lkin ogsoonow qaxootiga soo gali doonaa calafkaaga qaadi maayo II kiisii cuno mid sooo gala iyo mid sii joogeyba wixiu ala qory cunayaan adigana iimaanso xaasidnimda iska saar faqrigaad ka soo irodey bey ja ordayaaane u garaaab libaaax

    U codee: Thumb up 4 Thumb down 0

  5. liban says:

    talyanigu wuxuu ku maahmahaa 2due bastarde melgo UNO oo macnahedu yahay laba habaar qabe midkood dooro aniga kuwa hada jogana biyo imasiiyan kuwa cusub baan kadoorbiday SD soo dhawada oo naqabsada oo nasima anaga iyo qaxootiga kalaba

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 3

  6. Mustafe says:

    Waaryaa somalidii xaasidnimadu qayrkood ka reebtaa meesha ka calaa calaya’ qaxoontiga aad ka ordaysaan kolay waa somalida oo kaliya markaas yaguna sidaad usoo gasheen si LA miday usoo galayaan ama qarxa ama ooya’ ilaahay cid kastuu u qoray halkaas in ay yimaadaan futadiina uraysa ayaan ka celin Karin walaa SD’ markaas qudhunka caloosha idiinka buuxa ilaahay ha idinka safeeyo waad buktaane.

    U codee: Thumb up 4 Thumb down 0