SD oo sawiro qarsoodi ah ka qaaday Soomaali lacag la baxaysa

11

Xisbiga cunsuriga ah ee Sverigedemokraterna (SD) ayaa waxay sawiro qarsoodi ah ka qaadeen Soomaali lacag kala baxaysa Bankiga si ay ugu isticmaalaan dacaayadooda. Sawirada Soomaalida oo lagu soo bandhigay xayaysiin ayaa lagu dul qoray “Waxaa la joogaa xiligii aan shuruud saari lahayn”.

Waxay hadalkaas kala jeedaan ayaysan sharixin balse waxaa iska cad in ay doonayaan in Soomaalida ay u muujiyaan kuwo la baxaya lacagtii cayrta oo shuruud la’aan ah. Waxay kale oo soo  bandhigeen sawir haween Soomaali ah oo lacag la baxaya iyo oday waayeel Swedish ah oo jaranjaro fuulaya. Markaa ayay ku dul qoreen “Dhibaatada kala doorashada 2014”.

Ma ahan markii ugu horeysay ee SD ay Soomaalida sawiro qarsoodi ah ka qaado.

SD-somalier-2

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here