September 11: Ma maalin lagu farxo mise laga naxo?

19

Waxay ahayd galab taariikhdu tahay September 11, 2001. Waxaan xasuustaa aniga oo iskuul ka imid ayaan soo galay xafiis ku yaala magaalada Muqdisho oo dadka oo dhan ay telefishinka wada eegayaan. Dadka wajiyadooda waxaa ka muuqday layaab iyo farxad. Waxay la yaabanaayeen dhacdada isdaba jooga ah iyo diyaaradaha galaya dhismayaasha, iyaga oo ku faraxsanaa jabka maraykanka.

Muqdisho waqtigaas waxay ahayd goob ay maamulaan hogaamiye kooxeedyadii. Noloshu waxay ahayd mid iska socota oo aan mustaqbal lahayn balse xaaladu waxay ahayd mid wax badan dhaanta mida maanta. Isbedelkii bilowday maalintaas ayaa noqday mid saameyn ku yeeshay guud ahaan aduunka, gaar ahaana wadankeena.

Dhibaatadii iyo qalalaasihii nagu bilowday maalintaas ayaa noqday mid in uu sii kordho mooyee aan nusqaameyn. Hadaba maxaa sababay arintaas? ma faraxii ay qaarkeen ku farxeen dad biri ma gaydo ah oo diyaarad inta lagu afduubay ka dibna lagu qarxiyay kuwa kale oo xafiisyadooda fadhiya? Mise cadaawad soo jireen ah oo maraynka u qabo Muslimiinta qaasatan Soomaaliya?

Si kastaba ha ahaatee, waxaa hubaal ah aduunku in uu isbedelay ka dib 2011, waxaa kale oo hubaal ah in nolosha lagu adkeeyay Muslimiinta caalamka meel kasta oo ay joogaan. Hadaba midaas ayaa iska leh masuuliyadeeda. Ma raggii diyaaradaha afduubay? Mise jawaabtii maraykanka ee aan kala sooca lahayn?

Markaad dib u milicsato 10 sano ka dib. Sidee ayaad u aragtaa dhacdadii September 2011? Sidee isku badalay fikirkaaga ku aadan dhacdadaas maanta iyo shalay?

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here