SFI oo isbedal weyn lagu samaynayo

20

Dowlada Sweden ayaa ugu dameyntii qiratay in Waxbarashada luuqada Swedishka ee la siiyo dadkaerik-jan soo galootiga ah ay noqotay mid fashil ah isla markaana loo baahanyahay in isbedal weyn lagu sameeyo. Sadex wasiir oo ka tirsan dowlada ayaa sidaasi ku daabacay wargeyska Dagens Nyheter.

Wasiiradda oo kala ah wasiirka Waxbarashada iyo ku xigeenkiisa Jan Björklund iyo Maria Arnholm, Wasiirka isdhexgalka Erik Ullenhag ayaa ku dhawaaqay in dowladu ay qabiir u xilsaartay in uu soo baaro sidii SFI-ga loo hormarin lahaa.

Qodobada la soo baarayo ayaa waxaa ka mid ah in meesha laga saaro shuruuda ah in ay dadku luuqada bartaan inta aysan shaqo raadsan, waxaa la doonayaa in Xafiiska shaqada (Arbetsförmedlingen) lagu wareejiyo masuuliyada SFI-ga iyo in laga mid dhigo waxbarashada dadka waaweyn ee Komvux.

Qorshaha ayaa ah in SFI-ga laga dhigo mid ku salaysan baahida qofka isla markaana muhiimada la saarayo shaqada. Waxaa la doonayaa in qofkasta aqoontiisii hore iyo kartidiisa uu wax ku barto. Xitaa waxaa la doonayaa in SFI lagu qabto waxbarashada xirfadaha si qofku uu u samaysto xirfad uu ku shaqaysto marka uu dhameeyo koorsada.

Isbedaladaan ayaa ah kuwo muhiim ah iyadoo ay muuqato in dowladu yaqiinsatay arimihii aan mudo dheer ogeyn oo ah in SFI uu yahay fashil aan faa’iido weyn  u lahayn dadka dhigta. Haddii ay ka dhabayso dowladu in ay dhaqan galiso isbedalada uu soo bandhigo qabiirka loo saaray arintaan ayay noqon doontaa talaabo dhinaca wanaagsan loo qaaday.

Hadaba sidee u aragtaa isbedalaan? iyo xaalada ay ku sugantahay koorsada SFI-ga ee hada socota? Fikradaada ku darso…

 

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here