Shabakada Somaliska.com oo xarun rasmi ah furatay

11

Bahda shabakada Somaliska.com ayaa xafiis rasmi ah ka furtay magaalada Fagersta ee gobolka Västmanland. Xaruntaan ayaa noqon doonta xarun waxbarasho isla markaana ka shaqeyn doonta horumarinta arimaha isdhexgalka ayaa hawsheeda waxay si toos ah u bilaabeysaa isbuucaan.

Xarunta cusub ayaa loogu magac daray New Progress Center (Xarunta horumarka cusub) taasoo magaceeda muujinayo heerka sare ee aan higsaneyno taasoo ah in bulshada Soomaaliyeed laga caawiyo sidii ay horumar uga sameyn lahaayeen dalkaan Sweden iyadoo loo marayo waxbarasho iyo wacyi galin.

Xarunta ayaa noqon doonta xafiis rasmi ah oo loogu soo hagaago bogga Somaliska.com oo hada noqday isha ugu weyn ee wararka Soomaalida Sweden. Xarunta ayaa sidoo kale waxay bixin doontaa koorsooyin waxbarasho oo kor loogu qaadayo heerka bulshada kuwaasoo isugu jira Luuqada Swedishka, Teoriga körkortka iyo koorsooyinka kombutarada.

Waxaan sidoo kale ugu bishaareyneynaa akhristayaasha ku xiran Somaliska ee kala jooga daafaha Sweden in xaruntu ay furi doonto Iskuul Online ah oo aad si toos ah ula socon doontaan koorsooyinka ka bixi doona xarunta NPC. Iskuulkaan ayaa noqon doona mid aad ku baran doontaan Teoriga körkortka iyo luuqada Swedishka adiga oo gurigaaga jooga.

Faahfaahinta ku saabsan iskuulka Onlineka ayaan dib ka soo qori doonaa.

Telefoonada iyo adreeska xarunta ayaan ku soo daabici doonaa Qaybta Contactu-us ee Somaliska.com waqti dhow. Haddii eebe idmo.

Xafladii furitaanka Xarunta ayaa waxaa lagu qabtay tarmo aad u xiiso badan sida cunto afka lagu cunayo iyo kuraas lagu tartamayo. DAAWO SAWIRADA.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here