Shacabka Sweden kuma qanacsana soo galootiga

4

Sida lagu soo bandhigay afti ururin ay samaysay shirkada Novus inta badan shacabka Sweden kuma qanacsana siyaasada ku aadan soo galootiga. Dadka wareysiga laga qaaday ayaa 80% muujiyay in aysan ku qanacsanayn sida ay dowladu u maamushay siyaasada soo galootiga, taasoo qaasatan ku aadan tirada soo galootiga wadanka imaanaya iyo xaalada isdhexgalka ee kuwa ku nool Sweden.

Afti kale oo ay samaysay SIFO ayaa sidoo kale muujisay in 50% shacabka Sweden ay doonayaan in xisbiyada siyaasada ay la shaqeeyaan xisbiga cunsuriga ah ee SD qaasatan arimaha ay isku aragtida ka yihiin. Arintaas ayaa muujinaysa in dadka Swedishka ay caadi ka dhigeen xisbiga SD isla markaana ay sii kordheyso tirada dadka Swedishka ah ee ku fikirka ah SD.

Guud ahaan cunsuriyada, iyo aragtida xun ee laga qabo soo galootiga iyo qaxootiga ayaa u muuqata mid ku sii fidaysa Sweden oo lagu yaqaanay wadan furan oo soo dhaweyn fiican. Xisbiyada kale sida Moderaterna (M) ayaa bilaabay in ay raacaan wadada SD oo ay soo bandhigaan qorshayaal lagu yaraynayo soo galootiga.

Waxaa laga cabsi qabaa in Sweden ay sanadaha soo socda la mid noqoto Denmark oo halkaasi ay dhamaan xisbiyada siyaasadu wada noqdeen kuwo ka soo horjeeda soo galootiga.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here