Shaqaalaha Laanta Socdaalka oo handadaad lagu sameeyo

Shaqaalaha ka hawl gala Laanta Socdaalka Sweden (Migrationsverket) ayaa la sheegay in lagu sameeyo cabsi galin iyo weeraro gacan ka hadal ah.

Sida uu qoray wargeyska Sydsvenskan 349 dhacdo ayaa laga soo wariyay xarumaha laanta Socdaalka sanadkii la soo dhaafay iyadoo 58 ka mid ah dhacdooyinkaas ay yihiin gacan ka hadal lagula kacay shaqaalaha Laanta.

Dhacdooyinka ugu badan ee la xiriira gacan ka hadalka lagu sameeyo shaqaalaha ayaa ka dhaca xarumaha lagu haaayo dadka la celinayo maadaama dadkaas ay yihiin kuwo ka rajo beelay in ay degenaansho ka helaan Sweden.

Balse sidoo kale waxaa dhibaatooyin ka dhacaan xarumaha lagu qaabilo magangalyo doonka, iyadoo bishii September ee la soo dhaafay ay ka dhacday mid ka mid ah xarumaha Laanta Socdaalka in nin diidmo la siiyay intuu soo galay xarunta uu garaacay turjumaankii iyo in uu qarbuday qalabkii xaafiiska Laanta Socdaalka.

Afti laga qaaday shaqaalaha Laanta Socdaalka ayaa lagu soo bandhigay in inta badan ay la daristo cabsi iyo weeraro lagu sameeyo iyadoo qaar badan aysan wax dacwad ah ka gudbin. Maamulka sare ee Laanta Socdaalka ayaa lagu eedeeyay in aysan si dhab ah ula socon xaalada. Iyadoo arintaas ay walwal ka muujiyeen ururka shaqaalaha.

Faafi mowduucaan

Jimcale

Asc ku soo dhawaada Somaliska.com. Waxaan rajaynayaa in aad ka faa'idaysateen mowduucaan isla markaana aad fikrado qiimo leh ku darsan doontaan. Xumaan, qabyaalad, aflagaado iyo arimaha siyaasada Somaliya waa ka manuuc halkaan. Fadlan aan iscaawino oo su'aalaha qofkii jawabaha haya dadka ha u faa'ideeyo. MAHADSANIDIIN!

Akhriso mowduucyo kale oo xiiso leh...

14 Responses

  1. Abdirahaman sheikh dahir (wasiirka) says:

    Waxa qaska iyo dagaalka sameye ma somali baa mise waa ajnabi kale ma fahmin qofka wax sameye

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

    • Hector says:

      there by the IAB. Her post was met by some rather harsh ciscitrim by Eric Peterson, who was then sternly lectured by April Wilson (who is a WAA Board director) and then apologized to Jodi down in the comments of

      U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  2. kadar kadar says:

    Asc mahad meel ayku dhamaato iyo meel ayku dhamato lahhayn ilaah ba u sugnaatay marka xigtana Mr. Jamcaale… Haadan Arintaan Kaa WaydiiYo Su”aal ma waxaa JiRa dad Somaali ah oo La celinayo…?? hadiiba ay jiraan dadkaas Maxaa Loo celinayaa? Halkkese Lagu celinayaaa bro,,InTas IIga So Jawaab Aaad iyo aad Ayaan Idin Wada saLamaya BahDa SomalISka.com

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  3. fuaad ilkacase says:

    Hidden due to low comment rating. Click here to see.

    Fikrad aan lala dhicin Thumb up 0 Thumb down 7

  4. MASSAGO says:

    Hidden due to low comment rating. Click here to see.

    Fikrad aan lala dhicin Thumb up 1 Thumb down 6

  5. haygu mashquulin says:

    fu,aad ilkacase iyo waliba massago fikirkiinu waa hal bacaad lagu lisay sxb, ta kowaad fu,aad waxaad meel kaga dhacday xoriyatal qowlka waayo qofku fikirka uu dona ayuu dhiiban karaa inaad la yaabtidna mahan, masasago waad fiican tahay sxb lakiin waxaan ka biyo diiday, inay dad la siin wayey sharciga ay sameeyan qas waayo wadankan hooyadood malaha, xoog wax layidhana ma jirto, hadii isaga loo diiday waxa laga yaba in somali kale la siiyey inuu sumcada ka xumeeyana mahan, waayo waa xasidnimo, xasidnimaduna wax kale maha ee waa qof inaad la jeclaato balayo adiga oo aan wax faa ido ah ka helaynin taasi waa xaran.

    U codee: Thumb up 3 Thumb down 0

  6. C/k says:

    Kkkkkkkk maxaa kan cusub safaaradda Kenya oo shaqadeedii dib uu bilowday thanks?

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  7. C/k says:

    Xukun lagu riday xubun hore uga tirsaneyd xisbiga xagjirka ee SD. By C/kariim.

    Waxaa uu xukun ku dhacay xubin aad u firfircooneeyd oo hore uga tirsaneeyd xisbiga xag-jirka SD ee magaalada Örebro, kadib kolkii uu qoraal ku qeexay boggiisa xusuus-qorka ee internet kuna dhaleeceeyey soomaalida iyo dadyowga aaminsan diinta muslimka.
    Isagoona lagu eedeeyey meel kaga dhac (mustacjil) qowmiyadaha laga tirada badan yahay. Ninkaasi ayaa aaladda internetka ku daabacay qoraal uu ku sheegay in ”Ragga soomaalidu guryaha ayey fadhiyaan oo maan-dooriye ku cunaan halka dhanka kale ey ka diyaariyaan sidii caqabado loogu geeysan lahaa dadyowga aan heeysan diinta islaamka, sida uu boggiisa internetka ku daabacay war-geeyska Nerikas Allehanda.
    Eedeeysanahan xukunku ku dhacay ee hore uga tirsanaan jiray xisbiga SD iminkase laga saaray ayaa isku difaacay in aaney qoraalkiisa akhrisanin dadyow badan. Halka maxkamadda degmadu go’aankeeda ku gaadhay maadaama uu qoraalka noocaasiya ku daabacay aaladda internetka.
    Xuquuqda warka sr/somaliska

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  8. Khadija says:

    ANI WAA YAABAYE YAA IDIN DHAHAYNA WAA SOOMAALI. WAXA LEE LA YIRI SOO GALOOTI ANAGA LEE MAA SOO GALOOTI AH MAXAA DEMBI AYSAN SOOMAALIDU LAHAYN DUSHA UGA SAAREYSIIN WAA SU’AAL FURAN.

    U codee: Thumb up 2 Thumb down 0

  9. craxaman rooble says:

    CK SXB MA SHAQA BILAWDAY SAFARADA KINYA SWEDAN EEY KU LEDAHAY WABA YABANAYE

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  10. Ina afrax G+++ says:

    Waxeey horey soomalidu u tiri”ninkii bahal nool barbaariyoow! ama ka bax satey, ama ku boqno gooy!”

    police-ka migration-ka jooga laftooda naxariis aktooda ma taal, runta waa saas, marak waa: sidaad rabto in laguula dhaqmo u dhaqan!+

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 1

  11. Cadde says:

    Asc c/k sxb adigoo mahadsan haddii aad xog fiican kahaysid safaarada sweden ee kenya waxaan kaa codsanaa inaad warbixin wanaagsan naga siisid maadaama aad dhahday way furantahay dadka qaarkiisna ay leeyihiin way xiran tahay wadna mahadsan tahay sxb

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  12. Horyaal sweden says:

    Somalida dhamaan waxaan ogaysinaa in aan xawilada horyaal aan dhinay dirista 100 labo dolar iyo bar ee lacagta iga dirsada iska dhaafa siyada sweden iyo migration ee kalaya lacaga udira ehelada meshan qofki calafkisa laga qoray idinka cabsida cunsiriya iska dhafa wixi ilahay idin qoray baa idinku dhacaa meelkasta cunsuri wa joga somalia xitaaa cunsiri wa jogaa aniga somalia cunsuri baa iga so ceriye

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 2

  13. Brayan says:

    walah jadi tambah smagneat nih aku, ini pertama kali aku membuat posting bergambar dan ternyata banyak respon positip dari pengunjung. Intermezo aja salam kenalnya diterima mbak syska . salam untuk keluarga.selfishyayun recently posted..

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0