Sharci cusub oo lagu ganaaxayo dadka qashinka tuura

5

Maanta waxaa dhaqan galaya sharci cusub oo Booliska awood u siinaya in ay isla goobta ku ganaxaan dadka qashinka uga taga wadooyinka. Haddii aad qashinka sida dhalooyinka iwm aad uga tagto wadada ayaa boolisku ku ganaxaayaan lacag gaareysa 800kr.

Maanta ka hor booliska awood uma lahayn in ay dambiyada yaryar ku ganaaxaan dadka sida qashinka wadada looga tago balse maanta wixii ka bilowday way ganaaxayaan dadka.

Dowlada ayaan si faahfaahsan u qeexin waxyaabaha laysku ganaaxayo balse waxyaabaha aan laysku ganaaxeyn waxaa ka mid ah sigaarka, warqadaha tigidhada iyo xanjada.

Booliska ayaan sidoo kale raadsan doonin dadka balse haddii ay ku qabtaan adiga oo qashin meel uga tagaya ayay isla goobta kugu ganaaxi doonaa. Hadaba ha layska ilaaliyo. 800kr reer Soomaaliya ku nool ayay bishaa!

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here