Sharciga celinta ee ka dhaqan galay wadamada Yurub

15

Beryahaan waxaa lays la dhexmarayay in uu soo baxay sharci cusub oo qabanaya dadka sharciga loo diiday kuwaasoo la sheegay in haddii ay wadamada kale u baxsadaan si toos ah Afrika loogu celin doono. Hadaba maxaa ka jira arintaas?

Inkastoo aysan taasi cadeyn waxaa jira sharci guud ahaan ka dhaqan galay wadamada Yurub 1 May 2012 kaasoo lagu magacaabo “Return Directive” ama heshiiska celinta. Sharcigaan ayaa qabanaya dadka sharciga loo diiday ee lagu amray in ay wadanka ka baxaan iyo kuwa loo diiday in ay Yurub soo galaan. Sharcigaan ma qabanayo dadka uu qabanayo heshiiska Dublin. Sidoo kale sharcigaan waxa uu qabanayaa dadka go’aanka la siiyay 1 May 2012 ka dib.

Muhiimada sharciga cusub ayaa ah in qofka laga mamnuuci karo in uu soo galo wadamada Yurub haddii lagu amro in uu ka baxo wadanka Sweden ama wadamada kale oo uusan iskiis uga bixin wadanka. Qofka lagu amray in uu wadanka ka baxo waxaa la siinayaa 4 isbuuc, haddii uusan iskiis uga bixin wadanka, ayaa 1 sano laga mamnuucayaa in uu guud ahaan soo galo wadamada Yurub.

Dadka qaarkood wax waqti ah lama siinayo inta aysan wadanka ka bixin sababaha ay ka midyihiin.

  1. Haddii uu qofku qatar ku yahay amaanka wadanka Sweden
  2. Haddii qofku uu dambi ka galay wadanka
  3. Haddii looga cabsi qabo in uu dhuumasho galo.

Hadaba haddii qofka ay Sweden sharciga u diido oo uu wadan kale iska dhiibo ma toos ayaa loo celinayaa? Taas kuma cada sharciga balse waxaa ku cad haddii qofka lagu amro in uu ka baxo Sweden oo uusan sidaas sameyn in laga mamnuucayo in uu dib ugu soo noqdo guud ahaan wadamada Yurub. Macnaheedu waxa uu noqon karaa haddii aad u baxsatay wadan kale adiga oo lagugu amray in aad wadanka ka baxdo in wadankaas laftiisu ku celin karo. Isla markaana lagaa mamnuucayo in aad dib ugu soo noqoto Yurub.

 

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here