Sharciga cusub ee baasaboorka Sweden oo dhaqan galay

Isbuucii hore waxaa dhaqan galay sharci cusub oo ku saabsan qaadashada dhalashada Sweden. Sharcigaan oo baarlamaanka Sweden uu ansixiyay sanadkii hore ayaa wax ka badalay sharcigii hore ee lagu qaadan jiray baasaboorka Sweden. Arinta ugu muhiimsan ee sharciga cusub uu wax ka badalayo ayaa ah qaabta ay caruurta ku helaan baasaboorka, iyadoo dhamaan caruurta ku dhalata wadanka la siinayo baasaboorka xitaa haddii hooyada ama aabaha midkood uusan Swedish ahayn.

Arinta kale ee sharciga uu farayo ayaa ah in dhamaan kamuunada Sweden ay waajib ku tahay in ay xaflad u qabtaan dadka qaatay baasaboorka. Xafladaas ayaa ah mid lagu soo dhaweynayo muwaadiniinta cusub isla markaana lagu gudoonsiinayo shahaado. Waxaa kale oo sharciga uu waqtiga sugitaanka u soo gaabinayaa caruurta 18-sano ka yar ee Sweden ku leh deganaanshaha rasmiga ah.

Sharciga cusub ayaa sidoo kale xaq u siinaya in qofkii horay baasaboorka Sweeden iska tuuray in uu dib u soo ceshado. Ka hor sanadkii 2001 ayaysan Sweden ogolayn in dadku ay labo baasaboor yeeshaan. Qofkii waqtigaas lagu qasbay in uu iska tuuro dhalashada Sweden si uu u qaato baasaboor wadan kale, ayaa hada fursad loo siinayaa in uu soo ceshado baasaboorkii Sweden.

Si kastaba ha ahaatee, arinta ku saabsan waqtiga ay Soomaalidu ku qaadanayaan baasaboorka ayaan waxba laga badalin, iyadoo wali ay hortaagan tahay arinta cadaynta aqoonsiga.

 

Faafi mowduucaan

Jimcale

Asc ku soo dhawaada Somaliska.com. Waxaan rajaynayaa in aad ka faa'idaysateen mowduucaan isla markaana aad fikrado qiimo leh ku darsan doontaan. Xumaan, qabyaalad, aflagaado iyo arimaha siyaasada Somaliya waa ka manuuc halkaan. Fadlan aan iscaawino oo su'aalaha qofkii jawabaha haya dadka ha u faa'ideeyo. MAHADSANIDIIN!

Akhriso mowduucyo kale oo xiiso leh...

23 Responses

  1. idaajaa says:

    Suaal Jimcale. Qof in u is cadeyo mxa udubdhaxad u ah ma passport kaliya o burburkii ka horeyay mase hadii uu qofku heysto Tesaro,Warqadii sugnanta, tii duqamagala, ama waraaq dhalasho Hospital o inta ka horeyay burburkii dowlawladii 90-kii kuwan danbe iscaden ma noqon larayaan. Mahadsanid

    U codee: Thumb up 2 Thumb down 2

  2. mandeeq says:

    Suaal cunuga kudhashay sweden oo walidkis haystaan basaboorka framlingspass canugas mawaxa lasinaa basaboorka weyn mise kan walidka hestan oo ah kan yar aya lasinaa sifican hala ifahansiyo Asxaabta iyo Jimcalle

    Dood kulul. Ka Jawaab? Thumb up 5 Thumb down 5

  3. ayaan says:

    Svenskt medborgarskap för barn födda efter 1 april 2015

    Om ett barn är fött efter 1 april 2015 är han eller hon automatiskt svensk medborgare om någon av föräldrarna är svenska medborgare oavsett var barnet föds.

    Ett barn som är fött efter 1 april 2015 får alltid svenskt medborgarskap om:

    någon av föräldrarna är svenska medborgare vid barnets födelse
    en avliden förälder till barnet var svensk medborgare vid sin död.

    U codee: Thumb up 3 Thumb down 0

  4. ayaan says:

    Waxa kaliya oo isbadalay waa in la simay abaha iyo hoyada Marki horeba hestay dhalashada ee maha in ilmaha xaq u yelanayan dhalashada hadeysan walidku lehen dhalashada.

    U codee: Thumb up 3 Thumb down 1

  5. subeer says:

    Hadaan qaato dhalashada maxaan ka faaiidaa. Ma shaqeysto ceer aan qaataa safar ma aado

    Dood kulul. Ka Jawaab? Thumb up 7 Thumb down 6

  6. professor says:

    Subeer passporka weyn safar keliya maha saxib, waxyaabo badan ayu kacaawinkaraa. Tusaale ahaan qofka swedishka europe o dhan ayuu kashaqeysankaraa. Scandanavianka o dhana wuu degi karaa bilaa sharuud..marka niyada haiska jibin waryaa. ceerna haku xisaabtamin mustaqbalka.

    Fikrad lala dhacay Thumb up 26 Thumb down 3

  7. Xafsah says:

    Masha’Allah! Jawaab fcn oo weliba niyad dhis ah ayaa ugu jwbtay. Caqligaaga saliim ka’ah Allaha ku barakeeyo walalkey.

    Fikrad lala dhacay Thumb up 11 Thumb down 3

  8. Xafsah says:

    Masha’Allah! Jawaab fcn oo weliba niyad dhis ah ayaa ugu jwbtay. Caqligaaga saliim ka’ah Allaha ku barakeeyo.

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 3

  9. nur elmi says:

    Hej
    Svenska pass ingetleg fåatt

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  10. al cadaala says:

    8sano basabor lasugata naga so booday maxe Kas wax ugaqaban wayen tasa Dan no ah ilaah hanoga soqaado Insha alaah

    U codee: Thumb up 2 Thumb down 1

  11. somali says:

    Qofba meel ba dhib ku heyso qaarkii weyna bey ka wal walayan dad na kii yara baa loo diiday mar ka waa imtixaan hala sabro ALLAHA hala tala saarto isaga wax bixiyo waxna diido inta weysan kan yar ALLAHA ha u sahlo kan weyn kuwa sugayana ALLAHA ha u sahlo

    Fikrad lala dhacay Thumb up 20 Thumb down 1

  12. nur elmi says:

    Hej
    Alcadaala
    Svenska pass de faktiskt bra men inte som trodde.
    Bestämt inte alls till exempel
    Om du söker anhöriga som finns Afrika migrationsverket kan inte rekommendera du har svenskamedborgare därför att svenska passar egentligen.
    Tack

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 2

  13. Jama says:

    Asww.Walaal waad ku mahadsan tahay sida aad sharaxaadda uga bixisay arimaha socdaalka.,. tan kale waxaan kaa codsanayaa in aad iga soo wacdid mobile kaan # 0727890519 ama ii soo dir Kaaga khaaska ah.,,,Sababta oo ah si Muuduuc gaar ah aan uga sheekaysano Mahadsanid Wcww

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  14. Roda says:

    walaal waxaan qabaa su aal ah waxaan ahaa markaan sweden imi 15 jir jaanis ma u helayaaaa in aan qaato wakhti fudud

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  15. Roda says:

    walaal waxaan qabaa su aal ah waxaan ahaa markaan sweden imi 15 jir jaanis ma u helayaaaa in aan qaato wakhti fudud

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 1

  16. Omar Mohamoud says:

    Walaalyaal Aad ayeey u mahadsan yihiin dadka arinka mashinka ka gudbiyay lkn caqliga ku dara waxa canuga inta ku dhashay 1 april 2015 lkn waalidkiisa loogu ogoleen taa fikir in la siiyo ayeey u baahantahay u jeed ayaa ku jira meeshaas. Dhibaatadii taagneedna wili xal looma Helin taas oo aheeed mudada dheereed in la soo gaabiya oo dadka Waa weyn iyo caruurtaba wax Ey ku qancaan Ey pasporka weyn ku helaan

    U codee: Thumb up 2 Thumb down 0

  17. osman says:

    Asc dhamaan asxaabta salaan kadib run ahaanti weligaydba somalida in sharci lasiiyo ama loo fududeeyo passporka waxa hortaagnaay xisbiga socialka ee hada talada haayo hada somalida kaamka kujirto si saaid ah ayaa diidmo loosiiyowhaa ani waxaan qabaa an kabaxno lashaqeynta xisbigaan ileyn ixtiraam kumalihin

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  18. maryam says:

    asc wr wbr walaal waxaan rabaa in aad ifahansiisan basaboorka ween ma waxaa xaq uleh ilmaha april 2015 dhashay mise ilmaha kudhashay isweedan oo dhan
    midakale baasaborka yar ma sharcii baa inuu 1 saano xarees naado oo lasugo halsaano bal iso jawaaba kheerbadan alle ha idiin siiye

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  19. jiifdiid says:

    Maryan walal haa 11 bul ayaa la suga sharciga waana sweden oo dhan waana sheeko sanadki hore bilaawate teeda kale april ilmaha dhashay oo sweden ku dhashay ayaa dhalasho sweden la siinaa ee wixi la horeeye kuma jiraan waayo ilmahaas waxaa lagu dhashaa sharcigi hore

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  20. jiifdiid says:

    Maryan 11 bil ka wade sory

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  21. wafka abdi says:

    maansha allah waa arin farxadleh waana loo baahnaa tan oo kalen

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  22. mulki says:

    Asc wallo mawducan ma quseyaa hoyo da bilaa sharciga ah oo ilmo ku dhasay ilmo 2015 bishi shanad

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  23. mulki says:

    Walal waxan rawa in an ogado carurta kudhalatay 2015 o o an hoyadod sharci hesan iyaga mala sinkara jawab ado mahad san l

    U codee: Thumb up 3 Thumb down 0