Sharciga keenista kharaabada ee 15 April.

34

Warar is khilaafsan ayay dadka qaar is la dhex marayaan markii laga wada hadlo sharcigan ay soo saartay Laanta Socdaalka ee Sweden, hadaba waxaan isku daynay in aan helno xaqiiqada saxda ah ee ku saabsan sharcigaan waxaan warbixin ka raadiney ilaha Laanta Socdaa warbixintaan ayaanan ka helnay.

“Haddii aad ku nooshahay Iswiidhan waxaa laga yaabaa in uu ku qabto sharciga dabarista qaraabada,  tani macnaheedu waxay tahay in aad dabari karto nafsadaada, aad heysato guri kugu filan, nolol fiicana aad siin karto qaraabadaada si ay u helaan degenaansho Iswiidhan.

Sharcigaan dadka oo dhan ma qabanaayo. Sida.

– Qofka heysta dhalasha Iswiidhan ama dhalashada wadamada midowga yurub.

– Qofka haysta deganaanshaha 4 sano, degenaana wadanka mudadaas.

– Qofka ah caruur ka yar 18 sano.

– Qofka la siiyay sharci qaxootinimo ama loogu dhawaaqay qaxootinimo.

– Qofka la siiyay deganaanshaha ee u baahan badbaadin.

– Qofka heysta sabab qaas ah, sida qofka naafada ah ama aan shaqeyn karin sababo kale awgood.

Sidoo kale sharcigaan kuma qabanaayo haddii sharci magangalyo lagu siiyay wixii ka horeeyay 1 Janaayo ee sanadka 2010.  Haddii sharciga laguu siiyay sababtoo ahayd…

– Haddii la dareemay cabsi lagu kalsoonaan karo ee laga yaabo in lagu dilo, lagu jir dilo ama waxyaabo bili’aadanimada ka baxsan lagugu sameeyo.

– Aad u baahneyd magangalyo sabab dagaal sokeeye ama mid shisheeye ee ka jira wadankaag hooyo.

Sidoo kale sharcigaan kuma qabanaayo haddii aad caruurtaada u dacwooneysid ama ayagu ay kuu dacwoonaayaan”.

Warbixintaan oo Swedish ama English ah waxaad ka aqrisan kartaa migrationsverket.se
Warbixintaan oo dheer  waxaad ka akhrisan kartaa qaybteena Information-ka riix Sharciga degaanka ee reeraha isdalbanaya

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here