“Sharciga waa ka ceshanaynaa qaxootiga”

Xisbiga sadexaad ee ugu weyn Sweden ee lagu magacaabo Sverige Demokraterna (SD) ayaa ka dhawaajiyay in ay doonayaan in ay sharciga ka ceshadaan qaxootiga horay loo siiyay. Xisbiga SD oo ah xisbi cunsuri ah ayaa isbuucyadii la soo dhaafay guulo waaweyn gaaray maadaama dowlada iyo xisbiyada kale ay bilaabeen in ay dhaqan-galiyaan siyaasadooda.

Xoghayaha xisbiga Richard Jomshof ayaa sheegay in ay doonayaan in sharciga laga ceshado qaxootiga, qaasatan waxa uu afka ku dhuftay qaxootiga ka soo jeeda Afghanistan iyo kuwa uu sheegay in ay soo mareen wadamo kale. Arintaan ayaan ahayn mid lala yaabo maadaama haddii ay SD wadanka maamusho la hubo in ay qaxooti badan sharciga ka ceshanayaan ama xitaa lagu yaabo dadka dhalashada Sweden haysta in ay baasaboorka kala noqdaan.

Arinta cabsida leh ayaa ah in SD ay hada yihiin xisbiga sadexaad ee ugu weyn wadanka isla markaana la filayo in taageeradooda ay kor u soo kacdo doorashada soo socota, maadaama xitaa xisbiyada kale ee isku tilmaama kuwo jecel soo galootiga sida Socialdemokraterna (S) iyo Miljöpartiet (MP) ay hada bilaabeen in ay dhaqan-galiyaan qaar ka mid ah siyaasada SD.

Faafi mowduucaan

Jimcale

Asc ku soo dhawaada Somaliska.com. Waxaan rajaynayaa in aad ka faa'idaysateen mowduucaan isla markaana aad fikrado qiimo leh ku darsan doontaan. Xumaan, qabyaalad, aflagaado iyo arimaha siyaasada Somaliya waa ka manuuc halkaan. Fadlan aan iscaawino oo su'aalaha qofkii jawabaha haya dadka ha u faa'ideeyo. MAHADSANIDIIN!

Akhriso mowduucyo kale oo xiiso leh...

13 Responses

  1. Daade says:

    CESHTA WAXAD RABTAN SHARCI WAA KII ALLAAH SW.

    Fikrad lala dhacay Thumb up 22 Thumb down 0

  2. bile says:

    kkkkkkkk yo chil man, waxan dhihi mudane sug ilaa aan passportka weyn ka qaadanayo waxayba ku dareen in dhalashada passportka weyn xita leyska ceshanaayo come on dude

    U codee: Thumb up 2 Thumb down 4

  3. Ali Baba says:

    SD wexey mataano yihiin xisbiga cunsuriyiinta ee kataliso Norway o lagu magacaabo FRP. Norway ayee kudayanayaan siyaasadooda. Wadankaas norway ayaa hada bilaaben in qofkii sharciga lasiiyo lagala ceshan doono markii wadankuj kasoo cararay hagaagto 5 sano gudahiisa. Weli xitaa wexey bilaabeen dowlada norway ineey Facebook page sameystaan oo ku qoran afka carabiga ey leyihiin hakusoo lu go’in norway waa wadanka sharcigiisa qaxooti la adkeeyay. Marka cunsuriyiinta kataliso wadamada yurub fikradaha weykala qaataan.

    U codee: Thumb up 3 Thumb down 1

  4. cabdi casiis says:

    ASC waxee ila tahay aniga waa arin wanaagsan waayo anaga ayeey faa iido noo tahay waxeey noogu tahay faa iido 1= wadankeena ayaan joogeynaa 2= Dadka wadanka ka dagi layahay waa dadka qurbaha jooga 2= Diintiibaaba meesha kasii baxeeysa oo waxaan aragnay dad somali ah oo sheeganaya kirishtaan 3= Wadankeena ayaa noo baahan oo dhan walba nooga baahan dadbaa jira waalidkood aanan arag in muda ah dadbaa jira kuba duloobay qurbaha, dadka qaar ayaa fiirinaya kunada yar iyo wadanka yara qurxan iyo waxyaaba badan o kale leh marka naga ceshta oo noo diida sharcigiina oo noo diida wax walba, waxaa joogaya kumanaanka qof oo badaha nooga dhamaada maalin
    walba faa iido badan ayuu noo lahaan doonaa sharciga hadii nagala ceshto
    Nabada yarna weeynu heleynaa insha alaahu waana jirtaa hada dalkeeni marka soo da dajiya ayaan oran lahaa

    Fikrad lala dhacay Thumb up 25 Thumb down 0

  5. Amal says:

    Ha ceeshtaano waxeey naga qaadaayan majirto insha allah Soomaaliya aa nabad ah waaka tageeynaa cunsuriga

    Fikrad lala dhacay Thumb up 11 Thumb down 0

  6. ifka says:

    ceeshta dheh waayo wadaankeni somaliya ayaba no noqon lahayd naabad dadkii oo dhan aya ku sowada quul quulqyo quurbe walahay ha ceeshtaan maxaa yaala sweden shiit

    Fikrad lala dhacay Thumb up 7 Thumb down 0

  7. Yuusuf Somali says:

    SD oo Meesha Qabsadaa ama noqdaa xisbiga 2aad Warkooda waa cadyahay Nabee Meesha Denmark isku badali doontaa Noo dhalasho & Lacagta oo la yareen doono marka Allow SD inaga qabo shartooda aan nimcadaan ama tubadaan iska dhuuqnee been yaan leesku sheegay qof somaliya rabto malahan kii rabo ha is diiwangalsho weliba lacag beey ku siineesaa dowlada hala xamaasho wax hala barto suuqa shaqada hala galo codeenta hala qeeb qaato sida wadamada ama jaaliyadaha nala midka ah

    Fikrad lala dhacay Thumb up 7 Thumb down 0

  8. Guuleed says:

    kkkkk ma ayagaa na keeni qurbaha ma ayagaa wax na siiyo ma ayagaa awood leh jawaabta waa maya, waa tuu Allah sw uu ku yiri Nebbi Muxamad csw (Ahum yaqisimuuna raxmata rabbika, Naxnu qasamnaa beynahum maciishahum fil xayaati dunyaa) ma ayagaa qeybinaaya raxmada rabigaada sayyidka Muxamad ahow, anagaa qeybineyno ayaga dhexdooda maciishadooda noloshooda aduunyo. Marka kuwaan sabab ayey noo yihiin ee deeq iyo dharag iyo baahiba Allah ayaa na siiyo wax walbo ee soomaaliweynee aan tashano kii awood ku faano kii qabiil ku faano kii maal iyo qurux ku faano ogow dhulka ayaa loo dhamaan

    Fikrad lala dhacay Thumb up 12 Thumb down 1

  9. C.casiis wanku racsanahay fekerkisa somalida sharciga halaga ceshto wayo waanka ayaa noo baahane mid labaad dadkii diinta weyka sii baxayan nolosha yurub markey heleen caruurta iyagana wey sii baan ayaan

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 1

  10. cabdi casiis says:

    Faa iido badan ayuu noo lahaan doonaa hadee ceshtaan sharciga Wax yaala meshan majirto waan kusoo qaldanay wax yar gunada ahna oo laga hela waxa dhaanta adoo miis yaanyo ah ku gato dalkaada jawiga macaan leh qeyraadka badan leh waayo wax badan ayaa jira oonan fiirini hadaa nahay somali wlh 1= war waxaad arkeeysa Hooyo ilmiheeda in laga qaato hadli karin Qof ilmihiisii lagula xisaabtama dalkeena maka jiri jirtay ! sow anaga masoo doonan taas !!! waxaa arkeeysaa Qof somali ah o ku oranaya kiristan ahay aadna la hadli karinba anaana arkay oo la igu cadaabeynin hadalkan !!! sow anaga masoo doonan!!! Qabiilka iyo Qurunka yaal yurub sow anaga masoo doonan !!! Sow cimri dag daga kugu dhacaa sow anaga masoo doonan!!! waxaa arkeeysaa labaatan jir tintii kabiday halkee ka aaday tinta bal waxaa arkeeysaa qabow lafaha budeeynaa sow anaga masoo doonan!!! maalin walba bada meeqa nooga dhimata usoo socota yurub liibiya fiiri Gariiga fiiri Ustarelia fiiri sow anaga masoo doonan !!! Cunsira mindida kula dhacaayo sow anaga maso doonan !!! Dumarkeeni wanaagsanaa qaarkood soo cadaan iyo afrikaan nagama raacin sow anaga masoo doonan !! waxaa badan ayaa jira oonan halkaan kusoo koobi karin waxaa taas kasii daran dalka dadka uu ka dagi layahay oo balada wada ama jaajuuska u ah shisheeyaha sow fadhigooda ma ahan qurbaha halkuu ka dagi layahay dalka sow halkaan ma ahan allow adaa noo maqan ilaahow naga soo gaar aamiin waxan jeclaan lahaa gunada inee goostaan sharciga naga ceshtaan dhan walba hanaga soo xir xiraan wlh dan weeyn ayaa noogu jiri doonta taas aduun iyo aaqiro ku faa iideeyno ee alle noo barya inuu mesha nooga gar gaaro

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  11. Naser says:

    Sharciga aad haysano waa hadiyad marka ilaah hanoo xafido….

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  12. Naser says:

    NABEEHOO SOOMAALIYEY WAA IDIN ARKAA DHAMAANTIINN LEEN AA LAYDINKU SOO QAADAY EE BAD IYO SAXARAHA LAMA DAGAANKA BACAADKA SOOMA MARINA KADIBNE FARAHA LAYDINKA QAADIN .KADIBNE 18 BILOOD SOOMA TIRSANINA. KADIBNE SAAS KUMA HELINA ..ILAAHOW NOO XAJI DOKOMETIGA YAR OO AAN KU JOOGNO SWEDEN. ILAAHOW XIZBIGAAS HANA TUSIN SHARTOODA…..

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  13. Naser says:

    Dadkeena waxey u baahan yihiin barbaarin wanaagsan. Inta dhiibatay commenti ga dhamaan waxaa moodaa in ay caraysan yihiin. Hadii xataa aa ka laabato Sweden ma ahan in aa ilawdo abaalka ee kuugashay Sweden. Dal aa xuquuq ku leedahay oo wax walbo laguu ogolyahay aad waxyaabo badan kala mid tahay dhaladka dalka leh. Mar aan is dajinno si wanaagsan aan u dhiibano rayiga. Teeda kale rizqiga Ilaah baa baxsho waa sax. Yaa ka murmaayo taas cidna. Marka aniga rayigeyga Xizbigaas Ilaah soo ma saaro .Sweden Nabad Soomaaliya nabad Dunida oo dhan nabad…

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0