Sharciyada cusub ee maanta ka dhaqan galay Sweden

16

Maanta oo taariikhdu tahay 1-da July ayaa waxaa wadanka Sweden ka dhaqan galay sharciyo cusub oo dhawaan uu ansixiyay baarlamaanka (Riksdagen). Sharciyada maanta dhaqangalay waxaa ka mid ah.

  1. In la joojiyay lacagtii bonuska ee la siin jiray ardada SFI-ga ku dhamaysa mudo sanad ah.
  2. Sharci ogolaanaya in aad dhisto guri aad u yar adiga oo aan u baahnayn in aad ogolaansho dalbato.
  3. Isbedal lagu sameeyay sharciga soo galootiga, oo dadka caruurta ah u fududaynaya in ay magangalyo ka helaan wadanka Sweden.
  4. Waalidiinta caruurtooda ku qasba in ay guursadaan, gudaha Sweden ama dibada waxaa lagu xukumi karaa ilaa 4 sano oo xabsi ah. Xitaa waalidiinta caruurtooda wadankii hooyo u dira si loogu diyaariyo guurka waxaa lagu xukumi doonaa 2 sano.
  5. Ka bilaabata bisha soo socota ee Augusti, dhamaan dadka soo galootiga ah ee la siiyo shaqo meelkasta oo Sweden ka mid ah, haddii ay diidaan shaqada waxaa laga goosan doonaa lacagta taageerada.
  6. Sharciyada quseeya dambiyada dagaalka, sida xasuuqa ayaa la adkayn doonaa. Dadka dambiyada dagaalka ka soo galay wadamada kale oo Sweden yimaada halkaan ayaa maxkamad lagu saari doonaa.
  7. Sharciga iskuulada ayaa wax laga badali doonaa, oo degmooyinka waxay ku qasbanyihiin in taageerada iskuulada lagu saleeyo baahida caruurta.

Waa kuwaas sharciyada cusub ee ka dhaqan galay Sweden 1 July 2014.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here