Sheekada wiilka laga qaatay wiilidkiis ee Sweden ku dhiibaataysan ma runbaa?

17

Maalmahaan Facebook waxaa dad badan ay soo daabacayeen sheeko ku saabsan wiil da’yar oo Soomaali ah kaasoo reerkiisa laga qaatay isla markaana ku dhibaataysan Sweden. Waxaan isku dayay in aan soo raadiyo wiilka iyo gabadha Swedishka ah ee magaceeda sheekada lagu xusay balse iima suurto galin in aan helo. Haddii aad noo soo xaqiijin karto sheekadaan fadlan email soo qor ama hoos comment ku reeb.

Sidaan ayay ku qorantahay sheekada:

“Gabar u dhalatay dalka Sweden laguna magacaabo Carlina Johanson kana shaqeyn jirtey xafiiska caawinta bulshada soo galootiga ah ee dalkaas ku nool ayaa warbixin waxa ay ka qortay wiil yar oo soomaali ah oo ay la kulantay dhibaatooyin xanuun badana kala kulmay wadankaas iyadoo ay dhacday in shaqadii laga eryo gabadhaas markii dhibaatada wiilkaa soomaaliyeed ay soo bandhigtay waxaana wiilkaa yar Gabadhaa reer Sweden isagoo dhibta heysata uga waramaya uu yiri sidan:

Magaceygu waa Yacquub waxaan ku dhashay dalka soomaaliya sanadkii 2002 Anigoo 6 sano jira ayaa aabahay uu hooyaday iga soo kaxeeyey waxaana ku noolaa Sweden iyadoo ay jirtey in sanad walba xiliga fasaxa dugsiyada waxbarashada uu aabahay aniga iyo wiil walaalkay ah oo lix sanadood iga weyn uu noo kaxeyn jirey soomaaliya si aan hooyaday ula soo qaadano waqti.

Sanadku markuu ahaa 2012-kii ayuu sidii caadada ahayd aabahay aniga iyo walaalkay iga weyn soomaaliya noo kaxeeyey waxaana dhacday markii aanu dalka Sweden kusoo laabanay ayaa wiilka walaalkay ah xafiiska caawinta bulshada soo galootiga ah oo lacagta Ceyrta loo yaqaan nagu caawiya ayaa waxuu u sheegay in Aabo uu dugsi quraanka lagu barto oo soomaaliya ku yaala inuu nageeyey oo macalimiinta dugsiga ay ulo nala dhici jireen oo na garaaci jireen.

Hadaba waxaa dhacday aniga iyo walaalkay iga weynaa anagoo ku sugan Iskuulka aanu wax ka baraneynay ee dalka Sweden ku yaala in maalin  Duhur ah nalaka watay ama kaxestay waxaana naloo geeyey qoys reer Sweden ah oo degan meel Baadiya ama Miyi ah dabeedna 15 maalmood ka bacdi aniga iyo walaalkay waa nala kala kaxeeyey aniga waxaa lay geeyey meel tuulo ah oo qiyaastii 30, km u jirto halka uu walaalkay joogey waxaana qoyskii la ii keenay ay markiiba igu bilaabeen bahdilaad,aflagaado iyo in la ii jirxumaayo, midabkeyga madowga ah oo la iigu caayo waxaaana jirtey in haweenay macalimad ah oo aad u naxariis daran ay aniga iyo dhawr caruur ah oo u dhashay Sweden ay qol yar wax noogu dhigi jirtey.

Wiilka yar ee soomaaliyeed magaciisu yahay Yacquub isagoo hadalkiisa sii wata waxuu yiri waxyaabaha aan la kulmay waxaa ka mid ah Telefon aan aabahay ama walaalkay kula xiriiri mahaysto qof aan caawimaad weydiisto ma jirto habeenka iyo maalinku waa isku mid oo hurdada aan seexdo maaha mid macaan oo aan ka dhergo markaan musqusha ama suuliga galo qolkayga oo Go’ii iyo barkimooyinkii la kala tuuray ayaan soo noqdaa iyadoo qoyska aan la noolahay marka ay ii yeerayaan ay aad iigu qayliyaan weliba si argagax leh.

Waxaa dhacday mar aan la kulmay dad ka socday xafiiska caawinta bulshada soo galootiga ah ee dalka Sweden ku nool in aan uga waramay dhibaatada i heysata waxayna ii balan qaadeen in ay i caawinayaan laakiin waxba kama qaban arinteyda iyadoo laga soo bilaabo maalintii la iiga soo kaxeeyey halkii aan kula noolaa aabahay iyo walaalkay ilaa maanta ma arag warna kama haayo Ehelkayga waraaq kama helin Telefona kulama hadlin oohin riyo xun cabsi joogta ah ayaa intuba ii wehel ah.

Yacquub waxuu yiri sida caruurta ma ciyaaro wax farxad ahna ma heysto iyadoo qoyska aan la noolahay cunto ahaan ay aad u cunaan hilibka Doofaarka iyadoo maalmaha sabtiga iyo axada la ii kaxeeyo Kaniisada.

Ugu dambeyntii wiilkaa yar ee soomaaliyeed waxuu yiri waxaan is weydiiyaa dhibaatadan aan ku jiro yaa iga caawin kara sidii aan uga bixi lahaa waxaan Ilaahay ka baryayaa inuu ii sahlo sidii aan dhibtan uga bixi lahaa waxaana kaloo is weeydiiyaa qoyskeena gaar ahaan hooyaday ma geeriyootay mise waa nooshahay iyadoo aan mar codsaday in dalka Swedan gebi ahaan  la iiga musaafuriyo oo dalkeyga hooyo ee Somaaliya la iigu celiyo laakiin taasi iima suura gelin.

Gabadha reer Sweden ee lagu magacaabo Carlina Johanson oo warbixintan qortay ayaa tiri dalka Sweden waxaa ka jira ururo soomaali ah oo dawlada lacago badan kaga qaata in ay caawinayaan dadka soomalida ee dalka Sweden ku nool waxaan hadaba oran lahaa waa in ay arinta wiilkaa yar wax ka qabtaan oo caawinaan.

Fiiro gaar ah: sawirkan maaha wiilka soomaaliyeed ee warbixintan ay ka hadleyso keliya waxaan u isticmaalay qofka sawirka ka muuqda inuu yahay qof xaalad adag ku jira.”

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here