Shirkad Soomaaliyeed oo DNA qaada oo laga furay Sweden

17

Ka dib markii ay Sweden ku xirtay qoysaska Soomaalida in laga qaado dheecaanka DNA si loola mideeyo caruurtooda, ayaa waxaa dhibaato weyn ka taagnayd waqtiga ay qaadato inta dheecaanka ay qaadayso Laanta Socdaalka (Migrationsverket). Taasoo mararka qaar dadka ay sugaan sanad ama ka badan inta laga qaadayo DNA. Hadaba si uu wax uga qabto arimahaas ayaa waxaa isku hawlahay ganacsade Soomaaliyeed oo turjumaan uga soo shaqeeyay Laanta Socdaalka. Isagoo hadda u furay Soomaalida shirkad DNA qaada oo ay aqoonsantahay Laanta Socdaalka (Migrationsverket).

Shirkadaan oo lagu magacaabo DNA Global Medical Sweden ayaa waxaa aasaasay ganacsade Abshir Ahmed oo muddo dheer turjumaan ka ahaa Laanta Socdaalka. Adeega ay bixinayso shirkadaan ayaa ah qaadista dheecaanka DNA iyagoo waalidka iyo caruurta labada ka qaadaya.

Shirkada DNA Global Medical Sweden oo ah Shirkad ka diwaangishan wadanka Sweden waxaa la shaqeeyo Dhakhaatiir iyo Sharciyaqaano ama Lowyaro kala joogo Wadamadda Sweden, Kenya, Ethopia , Somalia iyo Uganda, USA, UK Dhamaan (DNA analys) ka ee shirkada qaado waxaa lagu baari doonaa xarunta sheybaarka (DNA Diagnostics Center) oo ah  sheybaarka ugu wanaagsan Caalamka.  Sheybaarka waxuu heesta shahaadooyin badan oo ee ka mid tahay (AABB certificate) American Association of Blood Banks oo ah shahaado sheybaar ee ogolyihiin dhamaan maxkamaddaha iyo laamaha socdaalka  Mareykanka (USA), UK,  Sydamerika, Asia, iyo waddamo badan oo yurub ah ama (EU) Ka tirsan  kuna jiro wadanka Sweden .

Shirkada DNAGlobal Medical Sweden waxaa aasaasay oo Masuulna ka ah Muwaadin soomaliyeed oo mudo toban sano turjubaan ka soo noqday Laanta Socdaalka ee Sweden (Migarationsverket) iyo hey´adaha kale ee wadanka Sweden. khibrad iyo waayo aragnimo u leh dhamaan arimmaha laanta socdaalka iyo maxkamaddaha Sweden. Shirkadu waxee degantahay magaaladda Gavle ee Caasimada Gobalka Gavleborgs lan ee waddanka Sweden. Dhamaan macluumaadka shirkada oo English iyo Swedhish ah waxaad ka akhrisan kartaan kalana soo xiriiri kartaan Boga Shirkada ee www.dnaglobal.se

Waalidiinta, Lowyaradda, ama, wakiilka Caruurta  (Godman ka )  caruurta kaliood imaado Sweden ee ku hadlo luuqada soomaaliga una baahan adeega DNA GA oo deg deg ah si toos ah ayay ula soo xiriiri karaan shirkada.  Waxaa laga qaadi doonaa Baaritaanka DNA GA Waalidka ama Caruurta Jooga Sweden waxaan sidoo kale lala kulmi doonaa familkaaga jooga waddamadda Kenya, Ethopia , Uganda , lagana qaadi doono qeebta kale ee DNa GA . Jawaabta ama cadeynta DNA GA oo ku qoran English iyo Swedhish Ayaa labo bilood gudohood ugu badnaan idiin soo  diri doonaa E-mail ama boostada gudaha Sweden ee  qofka macaamiisha. (Insha Allah).

Waalidiinta Soomaaliyeed ee jooga Sweden ee heesta sharciga wadankan ama sharci la’aanta ah iyo waalidiinta kale ee ku nool wadamadda yurub (EU) ee Caruur ama ilmo ugu dhashay wadankan Sweden Waxaan u sahli doonaa warqada cadeynta DNA GA oo sharci ah (Legal Validity Test) (Juridiskt giltighet ) mudo ama waqti bilgudeheed ah ugu badnaan (insha Allah) Waalidiinta iyo macaamiisha awooda in ee iska bixiyaan lacagta ama kharashka ee u baahan lawyer ama sharciyaqaan u dooda Jawaabta DNA GA ka dib warqadna u dira (migrationsverket /migrationsverket domstolen ) ama hey’ad kale, Waxaan ku xiririn karnaa sharciyaqaan khibrad weyn u leh arimaha socdaalka iyo familada oo Swedhish ah macamiisha DNA Global Medical Sweden si khaas ah ula dhaqmi doonaa una caawin doona insha allah.

Shirkada DNAGlobal Medical Sweden waa shirkad gaar loo leeyahay (Private Company) oo heesata ogalaansho, si sharci ahna u fulin karta una cadeyn karta qoysaska u baahan adeega DNA-GA. Lacagta baaritaanka DNA GA waxaa iska bixinayo Waalidka u baahan adeegan DNA-ga.

Dhawaan waxaa safar shaqo u bixi doona qaar ka mid ha shaqaalaha shirkada (DNA Global Team) oo tagi doono wadamadda Kenya, Ethopia iyo Uganda.  Waalidiinta u baahan adeega DNA GA oo deg deg ah, dhamaadka sanadkan 2015 iyo bilowga bisha koowaad ee sandka cusub waxa0 lagu wargelinayaa in ay la soo xiriiraan shirkada lacagtana ee bixiyaan ugu danbeyn (2015-12-10) FIIRO GAAR AH safarka shaqo ee (DNA Global Team) waxa ee fulin karaan oo kaliya ugu badnaan 15 kiis ama famil arintooda. Shirkada ayaa shaqada si rasmi ah u bilaabi doonta (2016-01-30).

Wixii faahfaahin dheeri ah kala xiriir

Abshir Ahmed, Agaasimaha DNA Global Medical Sweden

Postbox nr 354, 80105 Gävle

+46(0) 70 303 20 05
E-mail: info@dnaglobal.se

www.dnaglobal.se

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here