Shirkad Soomaaliyeed oo ku guuleysatay bilad ganacsi

2

Shirkad ay leedahay gabadh Soomaaliyeed ayaa markii labaad ku guuleysatay bilad ganacsi oo ay bixiso magaalada Stockholm. Shirkada Aman Care oo bixisa adeega daryeelka dadka waaweyn ayaa markii labaad ku guuleysatay bilada ganacsiga oo sanadkiiba mar la bixiyo. Xaflad lagu qabtay magaalada Stockholm ayaa bilada waxaa la gudoonsiiyay madaxa Shirkada gabadha lagu magacaabo Karima Tice ama loo yaqaan “Ayaan”.  Xaflada ayaa waxaa ka soo qeyb galay duqa magaalada Stockholm Per Unckel.

Shirkada Aman Care ayaa lagu amaanay adeegeeda sareeya iyadoo ay shirkada ka shaqeeyaan dhowr boqol oo qof oo ku kala hadla 47 luuqadood. Shirkada Aman Care ayaa adeegeeda ka bixisa 7 magaalo oo ka tirsan Sweden.

Dhinaca kale idaacada Sveriges Radio ayaa soo tabisay in maalinta Isniinta ee nagu soo aadan lagu qaban doono Kista kulan looga hadlayo sidii Soomaalida loogu dhiiri galin lahaa aasaasida ganacsiga. Kulanka ayaa ka dhici doona goobta lagu magacaabo Jobbtorget saacadu markay tahay 18.00. Kulankaas ayaa waxaa ka hadli doona gabadha bilada ku guuleysatay ee ah madaxa shirkada Aman Care.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here