Shirkadaha Etableringslots oo la xirayo

Shirkadaha la shaqeeya xafiiska shaqada Arbetsförmedlingen ee dadka cusub ka caawiya la qabsiga wadanka oo loo yaqaan etableringslots ayaa la xiri doonaa sida ay soo bandhigtay dowlada cusub. Dowlada ayaa shalay sheegtay in barnaamijkaas la joojin doono maadaama uu noqday mid aan waxtar lahayn.

Dowlada ayaa boggooda internetka ku qortay in cabashooyin badan ay ka yimaadeen shirkadaha Lots-ska iyadoo la joojin doono ka bilaabata bisha Janaayo 1, 2016. Dowlada ayaa samayn doonta baaritaan ku saabsan sida loo caawin karo dadka cusub. Shirkadaha Lots-ka ayay dowlada cusub ku eedeysay in aysan xooga saarin shaqada.

Joojinta barnaamijka etableringslots ayaa keeni doona in dad badan ay ku shaqo beelaan, iyadoo ay jiraan Soomaali badan oo shirkado ka sameeyay adeega Lotska. Inkastoo eedeymo badan loo jeediyay shirkadahaan iyo in uu jiro musuqmaasuq badan oo ay sameeyaan, ayay hadana caawimaad la taaban karo siiyaan dadka wadanka ku cusub.

Sidee u aragtaa go’aanka dowlada? maku raacsantahay in la xiro shirkadaha etableringslots?

Faafi mowduucaan

Jimcale

Asc ku soo dhawaada Somaliska.com. Waxaan rajaynayaa in aad ka faa'idaysateen mowduucaan isla markaana aad fikrado qiimo leh ku darsan doontaan. Xumaan, qabyaalad, aflagaado iyo arimaha siyaasada Somaliya waa ka manuuc halkaan. Fadlan aan iscaawino oo su'aalaha qofkii jawabaha haya dadka ha u faa'ideeyo. MAHADSANIDIIN!

Akhriso mowduucyo kale oo xiiso leh...

18 Responses

  1. yasee says:

    Marlay Socialdemokraterna waxaa kafiican Moderat wayo wax inlaisla cuno ayay ogolyahinn

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 3

  2. naancy says:

    Waa wax fican in laxiro sababto ah dadka waxba uma qabtan waa tugo

    U codee: Thumb up 3 Thumb down 1

  3. gaab says:

    halaxiro waa sax e lacagts kubaxdo halagukabo dhanka shaqada tusaale halagadhego mushaarka qofka cusub 100 kii 100 waxa maqabtaan kuwaas

    U codee: Thumb up 3 Thumb down 0

  4. gabaldaye says:

    Waa wax fican in laxiro wayo waa tugo waax taar lahayn oo daadka cusub haa dhato aah ku gata

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 4

  5. Ahmed mohamud says:

    Waan kurac sanahay laxoro waliba sanadka lots waa lugoyo waa daneeesti yaal dandoo mooye dan kale mayaqanaan

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 1

  6. maxamed xashi says:

    wax badan ayey qabtaan waxaan ku talin lahaa in aan laxirin lakiin wax laga badalo sida meelaha eey ku liitaan

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 1

  7. Ahmed says:

    waa inlaxiro maxaayeelay waa tuugo lugooya dadka cusub waxeeyna lunsadeen hanti badan. Tusaale ani markaan imaaday 2011 waxeey igula kulmeen Västerbotten Skellefteå waxeeyna iisheegeen ineey ila raadin doonaan shaqo, körkort iyo sidaan ola qabsanlahaa dalka Sweden ee aanku cusbaa.markii aan intiiba kawaayey wanka tagay waxaan uwareegay kuwo kale kadaran oo dibidhal. waaba ka darnaayeen kuwii hore. marka labaabada inla iskugu laabo waan soo dhaweeynaa lots kontor.

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  8. mohamed says:

    aad ayaan ugu faraxsanahay in la xiro wayo 2 sano ayaan ku jiray waligoodna meel igama cawin marka been ayeey ku qarabtaan ee hala xiro dowladu qofkii ay ubahato tolk ayaa loo qabta tusaale ahan socialcontoret hadad wax uga bahato tolk ayeey kuu qabanayaan arbetsförmedligen ayina waa lamid iyo xafiis kasta ee wadanka sweden ku yaal so aniga waxan jeclahay in la xiro

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 1

  9. muhanad says:

    waa in laxiraa cidfaa ido kuqabto malahan cidnana macaawiyaan shaqana umadoonaan qofka hal laabtook ayee ugadaan oo macnaheedu yahay laaluush waxkale oo uqabtaan maba lahan shaqana haba sheegin marka fikirka doowlada aad ayaan usoo dhaweynayaa waana kuraacsanhy in lajoojiyo luutiska oo tuuganimada ah

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  10. Cismaan wali says:

    Aad Ayaan ugu faraxsanahay in la noon iyo lots. Viva dawlada cusub.

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 1

  11. Cismaan wali says:

    Sorry asxaabta sharafta leh tapeka ayaa iga qaldamay. Waxaan ula jeeday “waan ku faraxsanahay inla joojiyo lots.” Waayo waa dad lacag doon ah.

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  12. abdi osman says:

    Ma haboona in la xidho waayo dadbadan oo cusub bay caawiyaan, Wayse ku jiraan dad aan sidii larabay u shaqayn balse. Dadka cusub waxay qax uleeyihiin in ay bedeshaan.

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  13. UBAX says:

    JIMCALE AADBAAN KUU SALAAMAY BROTHER, WAXAAN RABAY HAL SUAAL AYAAN RABAY IN AAN KU WAYDIIYO HADII AY MACQUUL TAHAY OO AAD FIKIR IGULA DARSATO, WALAAL WAXAAN KU WAYDIIN LAHAA SAAMAYN MAKU YEELANAYAA CUDURKA EBOLA QOYSASKA ISU DACWOONYA EE AFRICA GUUD AHAANTEED EE SOMALIDU KA MIDTAHAY? MASE ARAGTAY MEEL LAGAGA HADLAYO WAXAAS OO DAWLADU KAGA HADLAYSO, MAHADSANID?

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

    • Jimcale says:

      Ubax ma maqal meel looga hadlayo arimahaas, mana filayo in ay saameyn ku yeelanayso xiligan maadaama aysan Soomaalida ka soo bixin wadamada uu saameeyay cudurka balse haddii ay dhacdo in cudurka uu ku faafo bariga afrika saameyn waa yeelanaysaa, inkastoo aysan ka badnaanayn in qofka la soo baaro inta uusan soo bixin.

      U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  14. AHmed says:

    Laakinse waa inaan fiirinaa dadaha Shariikadad yar yar ee somalidu leedahay ee kafaaiidaysanaya waayo hadii laxidho xataa dadku cusubi meel xun ayay ku dhacayaan lakiinse
    JIMCAALE : waxa reference ah mahaysaa oo cadaynayo inla xidhayo????????????????????
    waayo wali laguma soo qorin wesite yada wadankan ugu waaaween……..

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  15. Yanne says:

    JIMCAALE … saad u fahantay maha in LOTSka laxidhi doono 2016 ka,,, laakiinse dib u eegid ayaa lagu samayndoonaa ayaa ay dawldu tidhi…… dadkuna malahaan doonaan xoriyarda ah in ay doortaan LOTs ka ay rabaan……. ee laakinse wax xiritaan ah oo ay dawladu tidhi haatan majirto…….

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  16. UBAX says:

    Jimcale walaal aad iyo aad ayaad ugu Mahadsantahay sida fiican ee aad fikirka igala qayb qaadatay.

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  17. AF handläggare says:

    Aqondarada somaliska.com haysataa wataa! Walal waxad qoreysan u fiirsada warkad qorteen sal iyo raad malha. Shakada la qorey malaha maydun fahmin. mida kale aftonbladet ayad warkan ka so xigateen xataa ma shegeysaan inad halka ka so xigateen. dacwado ayaa yimid dawaladu way donaysa inay jojiso lakin horta badhiitan aya ka horeynaya , kadib aya la egaya baahida lo qabo ama in la si wado ama wax kale lagu bedelo.

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0