Shirkadaha Lots-ka oo lagu dhaganyahay

Eedeymaha ka dhanka ah shirkada loo yaqaan “Etableringslots” ee dadka cusub ka caawiya sidii ay wadanka ula qabsan lahaayeen ayaa aad u soo kordhaya. Dacwadaha ay dadku ka gudbiyeen shirkadaha nuucaan ah ayaa aad u korortay sanadkii tagay iyadoo 306 dacwadood laga gudbiyay shirkadaha.

Eedeymaha loo soo jeediyay shirkadaha Lots-ka ayaa waxaa ka mid ah in aysan si fiican u caawin dadka, iyaga oo lacagta iska qaata dadkana aan la kulmin. Waxaa kale oo ka mid ah musuqmaasuq iwm. Xafiiska shaqada Arbetsförmedlingen ayaa war saxaafadeed ay soo saareen waxay ku sheegeen in ay wax ka qaban doonaan shirkadaha aan daacada ahayn isla markaana laga yaabo in ay wax ka badalaan lacagta la siiyo.

Isbedalada macquulka ah ayaa waxaa ka mid ah in wax laga badalo lacagta 1-aad ee la siiyo shirkadaha marka qofku soo doorto ama ku soo wareego. Arbetsförmedlingen ayaa sheegay in lacagtaas ay abuurtay tartan kulul iyo kala wareegsi dadka oo aad u soo batay. Arintaas ayaa dowlada lacag badan ka qasaarisay.

Agaasimaha guud ee Arbetsförmedlingen ninka lagu magacaabo  Mikael Sjöberg ayaa balan qaaday in ay dib u eegayaan guud ahaan sida barnaamijka Lots-ka uu u shaqeeyo iyo sidii ay wax uga badali lahaayeen.

Faafi mowduucaan

Jimcale

Asc ku soo dhawaada Somaliska.com. Waxaan rajaynayaa in aad ka faa'idaysateen mowduucaan isla markaana aad fikrado qiimo leh ku darsan doontaan. Xumaan, qabyaalad, aflagaado iyo arimaha siyaasada Somaliya waa ka manuuc halkaan. Fadlan aan iscaawino oo su'aalaha qofkii jawabaha haya dadka ha u faa'ideeyo. MAHADSANIDIIN!

Akhriso mowduucyo kale oo xiiso leh...

7 Responses

  1. Yusuf says:

    Lena Rössel waa looyarad caawisa Somalida, warbixintaas ayeey maanta ku soo qortay weebkeeda.
    Det somaliska ärendet gäller: ”Fråga om det, i fall då en förälder före inresa ansöker om uppehållstillstånd enligt 5 kap. 3 § 1 utlänningslagen och åberopar anknytning till den andre föräldern och deras gemensamma barn, för att bevislättnadsregeln i fråga om identitet enligt MIG 2012:1 ska vara tillämplig, krävs att föräldrarna och barnet har levt i hushållsgemenskap innan anknytningspersonen kom till Sverige.”

    Jag har idag talat med handläggaren vid Migrationsöverdomstolen som meddelar att något avgörande
    har ännu inte kommit.

    Målet föredrogs den 13 mars. Vid föredragningen uppkom några frågor som måste utredas vidare.

    Målet har statusen fortsatt föredragning vilket innebär att månadsfristen ännu inte börjat löpa.
    (Huvudregeln är att när ett ärende väl har föredragits så skall det komma en dom inom fyra veckor).

    Idag kan inget närmare besked lämnas om när avgörandet kommer.

    U codee: Thumb up 4 Thumb down 1

  2. MASSAGO says:

    LOTS-KA WAX BADAN AW U QABTAA SOMALIDA HABA UGU BADNAADAANEE HADEEY AHAA LEHEED MIGR–SJUKHS,, JOB CO,,MM HADII LAXIRO WAXAA SII BADAHEE SHAQA LA,AANTA IYO CAQABADAHA KALE

    U codee: Thumb up 2 Thumb down 2

  3. mahamed says:

    asc wrm wrb Yusuf bro loyarada maxay boggeda ku qortey inuu turjun dad badan oo afka aqoon ayaa jiro aniga ka mid ah swidishkaan aad soo qortey aniga waxba kama fahmin dabcan dad ila mid ahna waa jiraan bro soomaali ma inoogu qori kartaa intaas ay somalida ka qortey

    U codee: Thumb up 4 Thumb down 0

  4. saluman says:

    dhammman shaqalah somaliska siida sharfata leh xogta uso gudbiyaan wayku mahadsanyiihiin san sare ama qaali ah

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  5. saluman says:

    salan sare

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  6. Yusuf says:

    Mohamed bro hadaan soo kooba waxeey ka hadleeysa looyarada in eey la xiriirtay maxkamada. Go’aankii la sugaayay in uu soo baxa bartamaha April ee ku saabsana arinta 2 sano, in uu dib u dhacay , waqtiga uu soo baxi doono eeyna ogeeyn. balsi hadii war cusub soo kordha waa soo gudbi doona insha allah.

    U codee: Thumb up 2 Thumb down 0

  7. single says:

    yusuf bro mahadsan tahey hadaan famey

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0