Shirkadaha lots-ka oo lagu eedeeyay musuqmaasuq

Shirkadaha loo yaqaan Etableringslots ee dadka cusub ka caawiya sidii ay wadanka ula qabsan lahaayeen ayaa lagu eedeeyay in ay ku shaqaystaan musuqmaasuq iyo qiyaano. Baaritaan uu sameeyay telefishinka Sweden (SVT) ayaa lagu soo bandhigay in xafiiska shaqada Arbetsförmedlingen uu sanadkii tagay ogolaanshaha kala noqday 15 shirkadood oo jabiyay heshiiska.

Shirkadahaas ayaa waxaa ka mid ah shirkad ay Soomaali leeyihiin oo ku taala Katrineholm kaasoo lagu eedeeyay in uu musuqmaasuqay barnaamijka. Cajalad qarsoon oo laga duubay ayaa lagu soo bandhigay shirkada oo dadka u balan qaadaysa shaqo haddii ay mushaarka uu Arbetsförmedlingen bixiyo ay qeyb shirkada ka siinayaan. xafiiska shaqada ayaa si degdeg ah ogolaanshaha ugala noqday shirkadaas.

Waxaa kale oo shirkadaha Lots-ka lagu eedeeyay in aysan raacin barnaamijka loo dejiyay, iyadoo qaar badan oo ka mid ah aysan haysan shaqaale aqoon leh ama xafiisyo ku haboon shaqada. Xafiiska shaqada ayaa balan qaaday in ay gacan adag ku qabanayaan barnaamijka oo shirkadaha aan wanaagsanayn heshiiska lagala noqon doono.

Mashruuca Etableringslots oo dowlada Sweden ugu tala gashay in lagu caawiyo dadka wadanka ku cusub ayaa noqday mid sumcad daro iyo musuqmaasuq ku batay. Soo galooti badan qaasatan Somaalida ayaa wada furtay shirkadaha nuucaas ah iyadoo suuqa lagu tartamayo oo balan qaadyo been ah qaarkood ay u sameeyaan dadka si ay u soo doortaan.

Faafi mowduucaan

Jimcale

Asc ku soo dhawaada Somaliska.com. Waxaan rajaynayaa in aad ka faa'idaysateen mowduucaan isla markaana aad fikrado qiimo leh ku darsan doontaan. Xumaan, qabyaalad, aflagaado iyo arimaha siyaasada Somaliya waa ka manuuc halkaan. Fadlan aan iscaawino oo su'aalaha qofkii jawabaha haya dadka ha u faa'ideeyo. MAHADSANIDIIN!

Akhriso mowduucyo kale oo xiiso leh...

5 Responses

  1. Yaska says:

    waaa run waliba dadaka kashaqeeya shirkadaha Lots waxaa ay bilaabeen hab qabiil oo qofkii qabiilkooda ah ay shukaamiyaan taasina waxaa ay xoojiaysaa qabiilka,,,,,,,Dadka cusub ee lotska looyahayna waa dad liita oo aan go’aan laheen iyga oo ku qasba shariikadaha Lots inay computer siiiyaan hadii kale uuaadayo midkale oo comoutersiina,,, taaina waxaa ay meesha kasaratay ina qofka lotska ahi uu xuquuqdiisi loo qaban lahaa uu kadoorbido computer…….Anyway barnaamijkan waxa ku ciyaaray Somali ama ha ahaadan Shariikado Lots ama dadka lacaawiyo labadaba wa ay ku fashilmeen barnaamijkan,,,,,

    Fikrad lala dhacay Thumb up 6 Thumb down 0

  2. 2ba sano says:

    asc dhamaan asaxaabta webka ku xiran iyo jimcaaale qaasatan dadka 2bada sano wale diidmo ayaa sucuta ani maanta ayaa leysiyay 13 bil ayaa sugayay sharuudihii hure ayaa wale ku heesta ayaa ley dhahy marka cdii aqbaar heeysa hala arko ilaaaa 5 quf ooo iayagana diidmo losoo tootayne waaan arkay marka alle hala baryo

    aqyarta kalena waan karaali galinayaaa ee an heer 2ba sano aheyn inkastoon moowduucan aanu shaqa ku laheyn arimahaas lkn inaan waxii soo kurdha isla sucudsiino waaaaaaa muhiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiim

    jwb cidiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiii aqbaar cusub heeysa aaaaaaaaaaaaaaaaaaaaa

    U codee: Thumb up 4 Thumb down 0

  3. daade says:

    Wiliba aniga waxan haaya cadeymo kale oo kufilin arbetsförmedlingen oo kawawen tan ee cidi daney neso wlc? ???

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  4. Somali iyo saqajannimo maxaa kala heesta says:

    Wxn islahaa somali haday xadaarad aragto qudhunka waa joojinaysa lakiin wali way wadaan waxii soomaliya lagusoo gubay waa in swedish Aan ku idhaahda waa doofaro oo ma rabaysmayaane wadankoodi u celiya

    U codee: Thumb up 2 Thumb down 4

  5. Faa,id says:

    Xaqiiq weeyaanw arkaani walaalkiis Jimcaalle.

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0