Shirkado ganacsi ka sameeya sheekooyinka qaxootiga isku dhiibo

1

Wararkii ugu dambeeyey ee la xirriira dhinaca socdaalka iyo so galootiga, ayaa sheegaya in ay soo baxeen shaqsiyaad ka howl gala shirkado ay furteen.

Kuwaas oo adeegsada siddii ay sheekooyin aan xaqiiqda ku saleeysneyn uga iibin lahaayeen soo galootiga si ay sharci iyo degenaansho uga helaan dalkaan Iswiidhan. Idaacadda wararka u  faafisa dalkaan ee Ekot, ayaa daboolka ka qaaday jiritaanka shirkadahan ka dib markii ay baaritaan iyo dabagal amuurtan ku sameeysay.

“Kolkii la ii diiday waxaan ka cabsaday in Iiraan la igu celiyo, waxaanse ogaaday ineey jiraan shirkado dadka saacida siddii loo heli lahaa sharcig. Kooxdani waxeey iyagoo adeegsanaya bar internet-ka ah iga iibiyeen boggaas oo afkaartiisa mid mucaarad ku ah Iiraan. Waxeey ii ekeeysiiyeen ama iga dhigeen inaan aniga ahay mulkiilaha boggaas si aan laanta socdaalka ugu sheego inaan ku laaban karin Iiraan.” ayuu yiri Xamiid oo u waramayey idaacada islamarkaasina sheegay in arrintas awgeed uu ku helay deganaanshaha sharciga ee dalkaan Iswiidhan.

Shirkadahan ka macaasha dhibaatada muhaajiriinta ayaa idaacadu sheegtay ineey ka howl galaan meelo badan. Waxaa kaloo jira ayey tiri idaaacadda shaqsi ay ku magacaabeen , kaas oo u shaqeeya shirkad kale oo iyaguna qaxootiga ka iibiya sheekooyin been ah si ay sharci deggenaansho u helaan. Ninkan oo ka hadlaya qaabka ay u howlga ayaa sheegtay ineey xitaa fududeeyaan arrimaha ehelka la xirriira sida walaal oo kale.

Qaxootiga doonaya in loo sameeyo walaal been ah waan ka caawinaa, wax walba kasta oo uu qofku u baahan yahay  annaga ayaa gacan ku siinna, lacag gaadhaysa 60.000 oo koroon ayaan ka qaadanaa” ayuu yiri  Jamshid oo sheegay in ay hubaanti tahay in qofka boqolkiiba boqol helayo shacriga kolka ay u fuliyaan adeegaas.

Waxaan weli cadeeyn oo ay idaacada tilmaameeysa inaan la hubin tirada saxda ah ee y shirkadahani dadkii ay ka iibiyeen sheekooyinkaasi ee shirci heshay. Idaacadu waxaa kale oo ay sheegtay in kiisaskan sheekooyinka lugu iibsaday ay sadex ka mid ah dalkaan ka dhaceen kuwaas oo oo jinsiyo kala duwan ka soo jeeda. ugu dambeeyntiina isdhiibista iyo sida lugu helo sharciga dalkaan waxaa inta badan laga iibiiya dada raba ineey degaan oo sharci iyo deganaansho ka helaan dalalka  Iswiidhan, Mareeykanka, Ingiriiska iyo Jarmalka.

Somaliska.com-Göteborg

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here