Si weyn haloo soo dhaweeyo kooxda Bandiga Somalia

Caawa waxaa wadanka Sweden dib ugu soo laabanaya dhalinyarada kooxda barafka Somalia ee ciyaaraha Bandy World Championship ku matalay magaca Soomaalia. Dareenka midnimada iyo taageerada ay ka dhex abuureen Soomaalida ku nool Sweden iyo caalamka ayaa ah mid muhiim ah oo mudan in loogu mahadceliyo.

Maanta oo Axad ah 2 February ayay dib ugu soo laabanayaan wadanka, iyadoo la filayo in ay Arlanda soo caga dhigato diyaarada ay saaranyihiin saacadu markay tahay 21.30. Hadaba cidii ayroboorka ku qaabili karta ama cidii barito ku soo dhaweynaysa magaalada Borlänge gaar ahaan Jussi Björlings torg saacadu markay tahay 17.30, waxaan ugu baaqayaa Soomaalida in si weyn loo soo dhaweeyo dhalinyarada.

Inkastoo aysan guul ka gaarin ciyaarihii ay ciyaareen balse waxay guul ka gaareen in ay Soomaalia iyo guud ahaan qaarada Afrika ku matalaan ciyaaraha Bandy. Waxay sidoo kale guul ka gaareen in ay saxaafada caalamka ku soo jeediyeen magaca Somalia iyo in markii ugu horeysay arin ka duwan burbur iyo qarbudaad wadankeena looga faaloodo telefishinada.

Waxaan leeyahay Hambalyo Guul Ayaad gaadheen. Hana ka harinina hamigiina. Cid ku dhalatay ciyaaraha ma jirtee waa la bartaa, qofkastana waxa uu gaaraa halka uu goolkiisa dhigto.

Faafi mowduucaan

Jimcale

Asc ku soo dhawaada Somaliska.com. Waxaan rajaynayaa in aad ka faa'idaysateen mowduucaan isla markaana aad fikrado qiimo leh ku darsan doontaan. Xumaan, qabyaalad, aflagaado iyo arimaha siyaasada Somaliya waa ka manuuc halkaan. Fadlan aan iscaawino oo su'aalaha qofkii jawabaha haya dadka ha u faa'ideeyo. MAHADSANIDIIN!

Akhriso mowduucyo kale oo xiiso leh...

17 Responses

  1. Heliyo Somalilander says:

    Guuldaro ayay soo hooyeen Galin horebana way soo hadheen hada wakaase maxay soo kordhiyeen, kuwan maalin lasoo dhawaynayaan jirin Hanyarida ha laiska daayo soomaaliyeey, cadaan ayaan lasoo ciayaarnay miyaa micna keentay oo sadex sadex darsin oo goolal ah ayaan lasoo noqonay, waarb kala dhuunta dheh waji gabax iyo madaxana hoos ha geeyaan dibna yaanay waxaas oo kal ugu noqon ceebta ay keeneen waligeed dhaqmi mayso

    Dood kulul. Ka Jawaab? Thumb up 5 Thumb down 8

  2. Gabadh Sool says:

    Hidden due to low comment rating. Click here to see.

    Fikrad aan lala dhicin Thumb up 4 Thumb down 9

  3. somaliland boy says:

    Hidden due to low comment rating. Click here to see.

    Fikrad aan lala dhicin Thumb up 2 Thumb down 12

  4. keyse says:

    waxaan mudanyihin qadarin iyo ixtiraam iyo baraarujin,magaci somalia sport aan waligi kaqaybgalin bey inagu matalen,hambalyo ayan leyahay dadaalkana si wada waxwalba bilow aye leyihin

    Dood kulul. Ka Jawaab? Thumb up 6 Thumb down 2

  5. anfac says:

    somalilander boy gabar sool somalilander and all off u fuck u bitchs nacalaa somali necebkina ku taalao

    waan soo dhawynaynaah waliba si aan waligeed dhicin wiilasheena sharafta iyo magaca u soo hooyo all africa
    ee dadka qaraarku hayoow kabaxa meesha calanka bulugaa waan ku dhiman waan ku dharan waan dhaxlayah wixii calamka tusanah waa wadnahayga love u all

    Fikrad lala dhacay Thumb up 10 Thumb down 1

  6. MR Aniga says:

    ninankaan waxay soo hoyeeey guul , guusha mahan inaad badise ee way badan tahay
    somaliya waligeed koob aduun kama qayb galin iyaga ka hortood takale soomaaliya waligeed ciyaar baraf kama qayb galin iyo afrikaba iyaga ka horoow takale waa mar kii ugu horaysay soomali ay koob aduun gool ka dhaliso noocuu doona ha ahaadee markaa way mudan yahiin in lasoo dhaweeyo oo fadhiga looga kaco insha allah sanadka ka danbana way guulaysan doonaan ciyaari waa galain danbe

    Fikrad lala dhacay Thumb up 6 Thumb down 1

  7. dadka iyo dalka alow dhor says:

    shaqo fican ayay qabteen waxayna mudan yihin in la sharfo waayo dul baraf kuma dhalan sas ay tahayna way isku dayeen
    wax walbana waa la barta sido kale waxay sharaf u tahay somalida sweden ku nool marka hore illah aya mahad iska leh tan xigta dadka qorshahaan ku caawiyay dhalin yaradan sida Per Fosshaug tränare och förbundskapten.
    tack ayan leenahay dhaman dadalkana meesha ka sii wada

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  8. warasame says:

    Waxee soo hoyeen magac xumo marna magacii Soomaaliya marn kii qaaradda Africa , sideedaba waxee u baahan tahay diyaar garoow dheer hadiiba aad dheeleeso koob adduun , maaha ciyaar 2 koox xaafadeed , marka mawaxaan ku faanaa calankii soomaaliya ayaan geenay oo kalaiya maxaad calankeena u ceebeeneesaan iyo Sharafta qaaradda africa oo guul darada ugu faaneesaan? .

    U codee: Thumb up 2 Thumb down 3

  9. Cirro says:

    Waar meel walba waad nagu ceebayseen somaalidu waxay ku maah maahdaa ama wa la muuqdaa ama waa la maqnaada markaaa inaaad fagaarayaasha caalamka is gayso adiga oo aan waxba garanayn maaha markaaad is hubsato ayaa la tagaa markaa waxaan idin leeyahay sidan inaga daaya soo dhawayna ma mudna ayaan qabaa anigu ee way na ceebeeyeen.

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 2

  10. Heliyo Somalilander says:

    Maxaa Laga soo dhawayn waa Lossers ama khasaare yaal iska qos qoslaya yadoo la Mayd garaacay han yaraa Somalidu ax ax khajilaad waynaa

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 2

  11. Patriot girl says:

    Asalama Alleykum! Runtii dad badan baan arkaa oo negetive soo qoraysa. Hadii runta laga hadlo dhalin yaradaan waxaay muujiyeen wadaninimo, waxaay u soo jiideen tarikh africa iyo waliba soomaaliya waayo soomaaliya waxaay noqotey wadankii u horeeyey ee african ah oo hockey ka qaayb gasha, waxaay noqotey wadankii u horeeyey oo goal dhaliya. Dhalin yaradaan waa dhalin yaro hada dhaaw africa ka yimi, soomaaliya baraf lagama ciyaaro , wakhtiga aay haaysteena waa koobnaa. Dadka soo qaban qaabiyey, ka qaayb qaatay, tageeray iyo dhamaan dhalin yaradaba waan u mahad celinaynaa. Well done. Insha Allah sanadka danbe waa in aad badisaan. dadaal wacan

    U codee: Thumb up 2 Thumb down 0

  12. Ahmednuur nuury says:

    hambalyo qaali ah naga gudooma dadka u istaagay magaca iyo sharfta somaali iyo afrika dhan, inta aya ah shey weyn

    U codee: Thumb up 2 Thumb down 0

  13. buntland boy says:

    waraaa waxani magaca somali ayay dhulka jiiden somali kulahaa ragaani qabiil waaye maa dhadaan kooxda beelaha hawiye iyo inteey adoonsadaan waxaan isla qajileen walaysan dad ahayn qabiil baa ka taliya muqdisho somali kale mabaysan jirto hadeer

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 1

  14. Arale Bile Nuur says:

    Ascww,dhamaan asxaabta halkan kuxeran waxaan hambalyo udirayaa dhalinyarada soomaaliyeed oo waqtigooda ubixiyay inay soomaaliya buug cusub ufuraan wayna kuguulaysteen waxaa hubaal ah guusha ay gaareen cayaartii looga badiyay 20ka ayagane ay dhaliyeen 1gool waa dadaal ay sameeyeen maxaa yeelay wadan yurub ah oo mudo badan soo cayaaraayay cayaarahaan ayaa looga badiyay 23 iyo 1- marka taas waxay kutusaysaa wiilasheena inay karti muujiyeen iyo kalsooni guushana cidna lama dhalanin way gaari doonaan iinshaalaah ee niyada haloo dhiso waxkale oo ay nooga baahan yihiin malahee,wabilaahi tawfiiq waxaa mahadleh alaah,

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  15. hanad says:

    Aqyaaray dadkaan. Maankaabyaal waaye. Kwaran. Ninkaan. Putland ee. Qabiilka. U aady muqdishu. Sweden. Ayay. Moowduucaan. Qusaysaa. Marka. Bal. Aqtista. Waxa. Uu jimcaale idin soo qory.aduunka. ayay. Kadhacdaa. In. Goolal. Badan. Lays ka dhaliyo. Wiilashaana. Aniga waxaan amisanahy. Gud jober in ay. Qabteen. Aad iyo aad ayaad ahadsantihiin. Herroes

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  16. xussen says:

    waaw waa wax lagu farxo ina calankeeyna lageeyo halkaas iyo meelakalookasiiween aad iyo aad ayeey kur uqaadeen calankeeyna waana uhalyeeynayaa mida kale kuwa waxa qaldan qurayane waxan leeyahay
    iskuxishooda mawaxad isdha heeysaan iska hadal waalaga fiicanyahay isku xishooda
    wab seedkane waad kumahadsantahay ida aad noogu soogudbiyay ayidoomuuqaal ah cayartii

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  17. sahraa says:

    waaa ika su,aalee marwalba markii laka badiyo ciyaraha qeebaha kala duwan hakala ahadenee maxaa loo dhahaa we ku mahadsan yihiin magaca soomaliya ama calanaka hadee aduunka tuseen waa yaab war sidaa wax kabadala haku farxina kaliya aduunka in aad kamuuqatanaa si fiican aka muuqda ama iska jooka lkn ereyga niku batay bahda webseeytyada ama madaxda ciyaaraha hanaka dayeen oo haku cabadina jawika ayaa naka qaldanaa roob ayaa da aaye ciyaarihii uku dabeyeen oo kenya laku qabtay mar aan dhagesanaye ayaan kamaqlay qaar kamid ah madaxda ciyaraha hokaminayeen roob badan ayaa da aye sidaaas ayee ula qabsa wayeen qosol badanaa war adunka somali waa laka yaqanaa ee wax la imada hadii kale iska baxa

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0