Sida dacwada looga xaraysto internetka

50

Sidii aan horay u soo daabacnay dadka doonaya in lala mideeyo reerahooda ayaa waxay dacwada ka xareysan karaan internetka iyaga oo aan tagin safaarada Sweden.

Marka internetka laga xaraynayo kiiska ayaa waxaa muhiim ah labada qof ee doonaya in la mideeyo in ay labaduba buuxiyaan foomka. Qofka caruurta keliya u dacwoonaya kama xareyn karo internetka. Sidoo kale caruurta da’dooda ka yartahay 18 sano kama xareyn karaan.

Qofka Sweden ku nool iyo kan dibada ku nool midkii doona ayaa internetka dacwada ka xareyn kara, qofka kale isagana email ayaa waxaa u diraya Laanta Socdaalka oo ku wargalineysa in uu soo buuxiyo foomka. Inta aadan xareyn foomka ayaa waxaa lagaa doonayaa in aad leedahay E-mail, in aad abuurato koonto, in aad lacagta bixin karto adiga oo isticmaalaya (Visa, Mastercard) iyo in aad faylaysha iskaan ku samayn karto. Waa in Faylaysha ay English ku qoranyihiin ama Swedish.

Inta aadan bilaabin codsiga waa in aad soo diyaarisaa dhamaan macluumaadka ku saabsan adiga, xaaskaaga/saygaaga iyo caruurta. Sidoo kale soo diyaari wixii dokument ah oo Iskaan ku samee. Waxay qaadan kartaa ilaa 30-60 daqiiqo in aad dhamayso foomka.

1. Isdiiwaan gali – Talaabada koowaan  waa in aad booqato boggaan ka dibna aad meesha ugu hooseysa riixdo buttonka ku yaala ka dibna aad ku qorto Magacaaga hore iyo kan dambe iyo emailkaaga. Iyo xarfaha sirta ah ee lagu siiyay. Ka dibna waxay email kuugu soo dirayaan magacii iyo baaswoodhka aad ku gali karto foomka.

2. Macluumaadka buuxi – Markii aad gudaha gasho waxaad buuxineysaa macluumaad ku saabsan wadankaaga, qofka aad u dacwooneyso marka hore waxaad ku bilaabaysaa adiga iyo xaaska/sayga. Waxaad sidoo kale buuxineysaa macluumaadka guud sida magacyada, addreeska, personnummer iwm.

3. Xaqiiji – Markii aad buuxiso dhamaan macluumaadka lagaa doonayo waxaad dib u xaqiijinaysaa in ay sax yihiin, haddii wax qaldan aad qortay dib ayaad u sixi kartaa.

4. Raaci dokumentiyada -Qeybtaan waxaad attach ku samaynaysaa dhamaan wixii dokumentiyo ah ee la socda codsigaaga. Waa in dokumentiyada la Iskaan gareeyay oo aysan culeyskooda midkiiba ka badnaan 2mb.

5. Dhamaystir – Qaybtaan waa dhamaadka codsiga, waxaad ku cadeynaysaa in aad aqbashay codsiga aad dirayso oo waxkasta sax yihiin. Waxaad kale oo isku diyaarineysaa in aad lacagta bixiso. La soco haddii aad qeybtaan dhaafto in aadan waxba ka badali karn codsigaaga.

6. Lacagta bixi – Haddii lagaa doonayo in aad lacag bixiso halkaan ayaad ka bixinaysaa haddii kale codsigaaga lama gudbinayo. Waxaad lacagta ku bixinaysaa kaarkaaga bangiga sida Visa ama Mastercard. Marka aad lacagta bixiso waxaa kuu soo baxaya cadeyn in codsigaagii la diray iyo kvitto muujineysa lacagta aad bixisay.

Maxaa ku xiga? 

Marka aad codsiga internetka ka xareyso, Laanta Socdaalku waxay email u diraysaa qofka kale ee dacwada ku jira waxaa loo dirayaa macluumaad ku saabsan sidii qofkaas uu bogga u soo gali lahaa oo uu buuxin lahaa foomka. Markii labada qof ay dhamaystiraan foomka ayaa Laanta socdaalka bilaabaysaa shaqada kiiskiina. Waxaa MUHIIM ah in labada qof ay foomka ku soo buuxiyaan 2 isbuuc gudahood, haddii kale codsiga waa la diidayaa.

Markii kiiskiina la aqbalo waxaa E-mail idin soo diri doona Laanta Socdaalka oo ah in aad waqti interview qabsataan, arintaan waxay quseysaa qofka loo dacwoonayo. Markii emailka ku soo gaaro waa in aad la xiriirtaa safaarada Sweden ee kuugu dhow. Interviewga ayaa dadka loo dacwoonayo waxaa laga qaadi doonaa sawiro, faraha iyo in ay dalban karaan baasaboorka. Sidoo kale waxaad saxiixaysaan foomka ogolaashaha DNA.

Ugu dambeyntii go’aanka Laanta Socdaalka ayaa loo diri doonaa Safaarada Sweden iyo qofka Sweden jooga. Haddii ay ogolaasho tahay ayaa dadka la siin doonaa kaarka deganaanshaha iyo baasaboorkii ay ku soo bixi lahaayeen.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here