Sidee Adam Ali xirfad uga samaystay Sweden?

Ninka lagu magacaabo Adam Ali waxa uu Sweden soo galay 14 sano ka hor isagoo ilaa mudadaas juhdi dheer u galay in uu abuurto xirfad uu ku shaqaysan karo. Adam oo wareysi siiyay wargeyska Nytti ee ka soo magaalada Borlänge ayaa uga waramay dadaalkii uu u maray in uu abuurto xirfada Riniilenimada, isagoo hada helay shaqadii uu ku haminayay muddo dheer.

Adam ayaa wargeyska u sheegay in mudadii uu diyaarinayay waxbarashada rinjiilaha ay caruurtiisa dhameeyeen dugsiga sare isla markaana ay xaaskiisa aad ugu dadaalayso in ay barato luuuqada Swedishka, taasoo uu ku tilmaamay furahah wadanka. Adam Ali oo markii uu Soomaalia joogay ahaa Rinjiile ayaa markii uu Sweden soo galay bilaabay in uu raadiyo wadadii uu ku noqon lahaa Rinjiile.

Sanadkii 2009, ayuu bilaabay shaqo ku meel gaar ah uu ka helay shirkada Miljönären, shaqadaas ahaa ahayd mid aan jirin xiliga barafka balse hada ayuu u bilaabay shaqo dhamaystiran oo uu ka helay isla shirkadaas. Adam Ali ayaa sheegay in uu gaaray riyadiisa ahayd in uu abuurto xirfad uu ku shaqaysto isla markaana uu dhexgalo bulshada Sweden. Waxa uu wargeyska u sheegay in soo galootiga ay u baahanyihiin samir, maadaama ay dadka qaar ku qaadan karto ilaa 10 sano inta ay shaqo ka helayaan.

“Waxaan leeyahay asxaab badan oo Soomaali ah, kuwaasoo inta badan ay doonayaan in ay shaqaystaan. Laakiin inta badan waxay ku qaadanaysaa 10 sano in ay dhameeyaan waxbarashada, qaar ka mid ah asxaabtayda mardhow ayay waxbarashada dhamaynayaan. Waxayna diyaar u yihiin in ay shaqaystaan ” ayuu yiri Adam Ali.

Hadalka Adam ayaa ah mid muhiim ah, iyadoo Soomaali badan ay doonayaan in ay horay shaqo ka helaan markii ay Sweden yimaadaan, iyadoo markii la waydiiyo xirfadooda ay ku jawaabaya in ay waxkasta qaban karaan balse xaqiiqada wadankaan ayaa ah in qofku uu samaysto xirfad aqooneed (Yrkesutbildning) ama uu dhameeyo heer jaamacadeed si uu u helo shaqo mustaqbal leh.

Faafi mowduucaan

Jimcale

Asc ku soo dhawaada Somaliska.com. Waxaan rajaynayaa in aad ka faa'idaysateen mowduucaan isla markaana aad fikrado qiimo leh ku darsan doontaan. Xumaan, qabyaalad, aflagaado iyo arimaha siyaasada Somaliya waa ka manuuc halkaan. Fadlan aan iscaawino oo su'aalaha qofkii jawabaha haya dadka ha u faa'ideeyo. MAHADSANIDIIN!

Akhriso mowduucyo kale oo xiiso leh...

8 Responses

  1. baarka says:

    Maashallah. waa arin wanagsan o kudayasho mudan.

    Fikrad lala dhacay Thumb up 6 Thumb down 0

  2. luul says:

    Hambalyo Adam

    U codee: Thumb up 3 Thumb down 0

  3. samatar says:

    mashallaah waxaan leeyahay habalyo walaal AADAM ilaahay hakuubarakeeyo lakiin figrad ayaan qabaa inaad iga caawiso waxaan ahay nin xirfado badan yaqaana oo xaga farsamada gacanta kusaabsan hadaan magacdooda kuudulmaro 1ranjiga 2sidaloo xidhxidho alaabtaguryaha 3laydhka ama coranka sdaad utaqaanba 4dhismaha guryaha noocwalba 5cabiraada dhismaha 6 marmarka dhulka iyo kagidaarka 7qasaabka biyaha 8rikibaada daaqadaha iyo albaabada 9dhagaxa guryaha lasaaro hadaba waxaan rabaa inaad igacaawiso halkeentegaa oo iqaabilaysa siaan xirfadahayga usoobandhigo loona ogaado inta xirfadood een aqaano wadankana waanku cusbahay oo sharcisuge ayaan ahay adaba sieed igulataliseen walaal iyo walaalayaal

    Fikrad lala dhacay Thumb up 11 Thumb down 1

  4. asraa says:

    Samatar hadayba sida shegtay sax tahay shaqo borlänge wa kahelaysaa

    U codee: Thumb up 5 Thumb down 1

  5. 2-sano says:

    walaalayaal ya wax war ah kahaayo labada 2 sanno

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 1

  6. labo sano says:

    wax warakama hayno dadka qar aya heelay qarna maheelin wiili kasoqabo aniga oo kale 5biilod kahor ayan somaray waxkasta wiilina jawab mahayo wan waca waxa laigu yirahda baaskad sarantahay mana sodiiro

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  7. samatar says:

    mahadsanid walaal lakiin adigu maisheegikartaa shirkad ama shaqsiyaad gaara oonlaxidhiidho walaal (ASRAA

    U codee: Thumb up 2 Thumb down 0

  8. cabdullahi says:

    labo sano…magaladee kaxareysey,aniga waxan xarestey 2013 bishi agosto,intervyuga waxan marey bishi ramadhanka ila hadana wax jawab mahayo ,markan waco wexey ileyihin anaka nagawarsug ,wa 20bilood camal ayaan jawab sugaya ,

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0