Sidee ayay kamuunada Sweden isugu diyaarinayaan Soomaalida imaanaysa?

38

Kamuunada Sweden ayaa si weyn isugu diyaarinaya imaanshaha Soomaalida badan ee la filayo in lala mideeyo reerahooda bilaha nagu soo aadan.

Iyadoo kamuunadu ay ku tashanayeen in dadka ugu horeeya ay imaanayaan bisha July ayaa waxaa si kadis ah ku soo baxay go’aankii maxkamada Socdaalka kaasoo waqti hore meesha ka saaray shuruudii aqoonsiga ee lagu xirayay dadka caruurta leh. Arintaas ayaa keentay in hada ay bilaabato qaadista dheecaanka DNA oo hadaba ka socota safaaradaha Sweden sida Addis Ababa iyo Kampala.

Kamuunka Norrköping ayaa filaya in ay yimaadaan ilaa 600 oo qof kuwaasoo isugu jira 500 oo caruur ah iyo 100 dad waaweyn ah. Sidoo kale kamuunka Växjö ayaa rajeynaya ilaa 400 oo qof. Katrineholm ayaa iyaduna filaysa ilaa 400. Fagersta ayaa iyaduna rajeynaya in ka badan 200 oo qof.

Kamuunada qaar ayaa si weyn isugu diyaarshay imaanshaha dadka cusub, haddii ay ahaan lahayd guryaha iyo iskuulada halka kuwa kalena aysan wali talaabo qaadin. Bisha soo socota ayaa magaalada Växjö waxaa lagu qaban doonaa kulan ay yeelan doonaan kamuunada Sweden si looga wada hadlo sidii loo soo dhaweyn lahaa dadka cusub oo looga taageeri lahaa xaga isdhexgalka bulshada.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here